WAXAY SNM
MEEL MARISAY ARAGTIDII XASAN-KAYD IYO SAAXIIBADII
Diyaariye: Caqiil Sh.Yuusuf |
qamuuda@webmail.co.za
|
Ururradii mucaaradka ahaa ee
la dagaallamay xukunkii maxamed Siyaad barre ayaa waxay ahaayeen afar urur oo
kala ah SSDF, SNM, SPM iyo USC, ururradaasi waxay dhammaantood xidhiidh la
lahaayeen oo ay taageero ka heli jireen dowladdii Itoobiya ee xilligaas uu
madaxweynaha ka ahaa Mangistu Haile Mariam, waxayna saldhigyo iyo xeryo tababar
ku lahaayeen gudaha Itoobiya, haddaba ururradaas iyaga ah oo gabi ahaanba
sameysmay intii ka danbeysay dagaalkii 1977kii way kala ujeeddo iyo hadaf
duwanaayeen inkastoo ay jireen waxyaabo ay ka mideysnaayeen oo ay ka mid ahayd
in ay dhammaantood gacansaar la lahaayeen taageerana ka heli jireen dowladdii
Itoobiya oo ay soomaaliya colaad xun ka dhaxeysay, waxaa kaloo ay ka
mideysnaayeen aragtida ah in ay la dagaallamaan maamulkii markaas soomaaliya ka
jiray oo uu madax u ahaa Gen.Maxamed Siyaad Barre, Waxaa kale oo ay ka
mideysnaayeen in urur walibaa uu u badnaa qabiil gaar ah, sidoo kale waxay
kaloo ay ka mideysnaayeen in madaxda urur kastaa si uu taageero u helo uu
qabiilkooda u sheegi jiray in ay u istaageen in ay soo dhiciyaan xaq kaga maqan
dowladda hadda jirta iyagoo qabiilkooda u tusayey in iyaga si gaar ah loo
cadaadiyo oo loo takooro, runtiina arrinkaasi way u meel martay jabhadahaas.
Waxayse SNM mooyee saddexda
jabhadood ee kale ay soomaalida kale u sheegi jireen in ay rabaan oo kaliya in
haddii la taageero ay dadka ka dul qaadi doonaan xukuumaddan Millatariga ah ee
naxariista daran, waddankana u dhisi doonaan dowlad shacabku soo doorto oo loo
simanyahay. Xaqiiqaduse waxay ahayd in dhammaan jabhadahaasi ay ahaayeen kuwo
aan wax dan ah iyo wanaag usoo wadin soomaalida ee ay madaxda jabhadahaas
hoggaaminayey ahaayeen kuwo ay hadheysay ama ay madax martay fikir aad u gaaban
oo salka ku haya cuqdad qabiil iyo madaxtinimo jaceyl waana arrinta kaliya ee
ay si ay u gaadhaan Itoobiya ugala tashan jireen arrimaha dalkooda iyo dadkooda,
Itobiyana waxay jabhadahaas u taageereysay oo kaliya in ay wiiqdo cududda iyo
wadajirka cadowgooda oo ahaa soomaaliya ee ma kala jecleyn soomaalida wanaagna
uma soo wadin, in ay arrintu sidaas ahaydna waxaa daliil u ah markii uu
maamulkii lala dagaallamayey meesha ka baxay ayaa waxaa bannaanka usoo baxay
wixii nin walibaa ama jabhad walibaa u qarsoonaa oo ay natiijadiisii noqotay
waxa maanta soomaaliya ka jira ee uu qof walbaa indhaha ku hayo, laakiin
saddexdaas jabhadood inkastoo aanay dhibaato mooyee wanaag dalka iyo dadka u
keenin haddana waligood lagama maqal mana aanay aaminsaneyn wax la xidhiidha
kala googoyn soomaaliyeed.
Ururka SNM wuxuu isagu la gaar
ahaa oo uu kaga duwanaa ururradii kale in uu ahaa mid kasoo hor jeeda midnimada
soomaaliya iyo wadajirkeeda una dagaallamayey in uu gobollada waqooyi ka gooyo
Soomaaliya inteeda kale, aragtidaasuna waa midda keentay in xidhiidhka ay
jabhadahaasi la lahaayeen Itoobiya ay SNMtu ugu xoog badneyd oo xataa ay kaga
dheereysay jabhadda SSDF oo iyadu ahayd saldhiggii xidhiidhkii dhex maray
Itoobiya iyo SNM. Wuxuu urukaasi dagaal hubeysan kusoo qaaday sannadkii 1988kii
gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda soomaaliya waxayna ujeeddadiisu ahayd in ay
kala gooyaan jamhuuriyadda xorta ah. Weerarkaas waxaa ka hortagay oo waxba kama
jiraan kasoo qaaday dowladdii dalka ka jirtay kaddib markii ay cagta marisay
xoogaggii SNM ee isusoo kaashaday in ay fuliyaan aragti hooseysa oo soomaali
diid ah oo ay rabeen in ay meel mariyaan.
Aragtidan ku dhisan kala
goynta Soomaaliya iyo soomaali naceybaka ma aha wax ay SNM ugu horreysay ee
waxay daba socotaa mid tan la mid ahayd oo ay aaminsanaayeen una howl galeen
meel marinteeda koox uu madax ka ahaa ninka la yidhaahdo Xasan Cabdullahi
Walanwal (Xasan-kayd) oo isagu wax yar uun ka dib xornimadii jamhuuriyadda
soomaaliya isku dayey in uu sameeyo dhaqdhaqaaq uu ku doonayey wax la mid ah
waxa ay maanta SNM kaga dhawaaqeen Hargeysa ee ay u bixiyeen Somaliland,
waxaase isku daygii Xasan-keyd iyo saaxiibadii dharbaaxo ayna kasoo waaqsanin
ku dhuftay dowladdii markaas waddanka ka talineysay, midnimadii iyo qaranimadii
dadka iyo dalka soomaaliyeedna ka dhigtay mid waarta.
Duullaankii SNM ee xaq darrada
ahaa waxaa fashiliyey oo seedaha iyo halbolayaasha gooyey ciidamadii xaq u
dirirka ahaa ee Soomaaliyeed waxayse dhibaato aan la koobi Karin kasoo gaadhay
shacabkii soomaaliyeed ee dagganaa gobollada waqooyi ee aan waxba galabsanin
kaasoo ahaa mid uu ka xumaaday oo ka damqaday qof walba oo ay soomaalinimo ku
jirto, waxaana dhibaatadaas ku dhacday shacabka masuul ka ah oo aan lala
wadaagin eeddeeda ururkii SNM ee duullaanka indho la’aanta ah soo qaaday
kuwaasoo xabbad ka dhex bilaabay dadweynihii ay u sheegeen in ay xuquuq u
raadinayaan, waxayna SNMtu shacabka reer hargeysa usoo jiideen eed kaddib
markii ay qaadeen tillaabooyin howlgallo dagaal ah kuwaasoo ku saleysan qabiil
iyagoo weeraray oo bartilmaameed ka dhigtay qaybo ka mid ahaa xeryihii
qoxootigii soomaaliyeed ee ku yaallay agagaarka Hargeysa, arrintaasuna waxay
qaybo ka mid ahaa dadweynihii reer waqooyiga usoo jiidday dhibaato ilaa maanta
dhagahooda kasii dhawaaqeysa.
Dowladdii iyo dadweynihii
Soomaaliyeed ee la dagaallamay ururkii SNM waxay ahaayeen kuwo ku khasbanaa oo
ku saxsanaa in ay ka hor tagaan ururkaas maxaa yeelay waxay difaacayeen
midnimada, wadajirka iyo qaranimada soomaaliyeed, waxayna ka hortagayeen koox
si xun u fakartay oo xambaarsan figrad iyo siyaasad cadow oo salka ku haysa
duminta qaranka soomaaliyeed, beereysana nacayb kala dhex gala shacabka
soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaase iyadu mar kastaba khalad ahayd dhibaatada
gaadhay shacabka ee kasoo gaadhay goobihii lagu hardamayey.
Bilowgii sannadkii 1991kii
ayaa waxaa magaala madaxda Muqdisho laga saaray Madaxweynihii Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre, oo waxaa ka awood ronaaday labadii
jabhadood ee SPM iyo USC halkaana waxaa kusoo gabagabowday dowladdii
Millatariga ahayd ee muddada labaatanka sano ka badan dalka ka talineysay.
Haddaba markii ay dowladdii burburtay ayaa waxaa laga sugayey jabhadihii in ay
isu yimaaddaan oo ay ku dhawaaqaan in uu dagaalkii dhamaaday isla markaasna ay
dadkii dalka ka qaxay u sheegaan in ay dalka kusoo laabtaan si dowlad loo
dhisto hase yeeshee nasiib darro waxaa awood siman yeeshay dhammaan dadweynihii
oo taladii ayaa faraha ka baxday waxayna arrinkii isu baddashay oo si hor leh u
bilowday dagaallo iyo kala aar goosi qabiil ku saleysan taasoo ah midda ilaa
maanta ka jirta soomaaliya. Dagaalladaasi sii qaraxay ee daba dheeraaday waxay
fursad siiyeen SNM oo dharbaaxadii lagu dhuftay sannadkii 1988kii awgeed aan
lahayn wax haba yaraatee awood ah oo ay ku meel marin karaan waxa ay doonayaan
waxayna ku dhawaaqeen in ay yihiin jamhuuriyad gaar ah, kana xoroobeen
soomaaliya ama waxa ay ugu yeedheen reer koonfureed oo ay ku tilmaameen in ay
reer koonfureed oo wada jira ay gumeysanayeen reer hargeysa waxayna fagaaraha
si isla qumanaasho ah ulasoo istaageen madaxdii SNM waxaan nahay jamhuuriyad
gaar ah oo ka xornimadeedii labaad qaadatay maanta kana qaadatay Soomaaliya.
Ugu danbeyntii waxaa qof
walibaa oo soomaali ah waajib ku ah in uu ilaaliyo wadajirka, midnimada iyo
ehelnimada dadka iyo qaranka soomaaliyeed, waa in uu qof walibaa ka hor tagaa
waxa ay kooxda SNM tu fagaaraha magaalada hargeysa lasoo taaganyihin lagasoo
bilaabo sannadkii 1991kii ee ah kala geynta walaaltinimada soomaaliyeed.
Waxaadna ogaataan in ay iska dhammaan doonaan colaadahan iyo dagaalladan
aafeeyey waddanka iyo dadka ee ay wadaan qabqablayaasha u adeegaya cadowga
soomaaliyeed, wayna soo noqon doontaa sharaftii soomaaliyeed laakiin ha laga
digtoonaado oo ha laga hortago cid kasta oo beereysa dhaxal xun oo soomaali
nacayb ah oo ay dhaxlaan da’yarta soo kaceysa, arrintaasuna waa waajib saran
qof kasta oo soomaaliyeed.
Diyaariye: Caqiil Sh.Yuusuf
qamuuda@webmail.co.za ama
yucub@hotmail.com
»
MAQAALADII KALE EE TODDOBADKAN KA AKHRI HALKAN. GUJI
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar
u tahay qoraaga ku saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|