Qowleysatada Waqooyi Soo Dhigatay
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
Goosashada gobolada waqooyi waxey qeyb ka
ahayd dagaalkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Soomaalida iyo Ethiopia. Soomaalidu
waxey ku guuleysatey himiladeedi ahayd in Eritrea ay ka go`do dalka Ethiopia.
Tigreydu Soomaalida waxba uma yareysan in waqooyiga ay ka goyso dalka
Soomaaliyeed. Siyaasadaasuna waxey u suurtoobi weysey damaca Mareykanku ka
leeyahay dalka soomaaliyeed. Siyaasadii isbedelka badneyd ee ku timid
Soomaalida xiligii Siyaad Barre dalka xukumayey waxey dhalisay inuu
dhumo xiriirkii Soomaalida iyo dalalkii gumeysan jirey. Soomaaliduna waxey
sidaas ku noqotay dal aan dibeda laga lahayn.
Koox gooni u goosataa oo ka kooban ganacsato,
jabhad iyo siyaasiyiin u badan rag xun ayey ahayd taladeedu in gobolada waqooyi
laga afduubo dalka intiisa kale. Kooxdaas wuxuu qaabkeedu isu rogey markii uu
yimid maamulkii Cigaal kuwo u abaabulan qaab beleed sida maafiyada u
howlgasha. Si loo helo taageerada dadka ayaa kooxdaas waxaa lagu dhameystiray
ka midnoqoshada odeyada dhaqanka iyo aqoon yahano isir raaca.
Siyaasiyiintii cuslaa ee waqooyiga ayaa midba
mar maalin cad gooni geed loogu xiray iyadoo kooxdaas u adeegsaneyso canshuurta
maamulka falaagadaas ay uga xoogsato waqooyiga . kooxdaas ka dowladeysa
waqooyiga waxey quursi geliyeen C/Raxmaan Tuur, Cumar Carte, Janaraal Jamac
M. Qaalib, Xadraawi, Salemaan Gaal iyo Ahmed Silaanyo.
Waxaa isi soo taraya dareen xoogan oo laga
qabo kooxdaas awoodii waqooyiga marooqsatay. Xariga iyo laaluushka ayaa ah
waxyaabaha ay u adeegsadaan afduubka ay ku heystaan xoriyadii waqooyi.
Rabitaanka kooxdaas ayaa waxey ka turjumeysaa doorashadii ay dhowaan ku
quusiyeen siyaasigii rug cadaaga ahaa ee Silaanyo oo qaaday sida loogu
tala galay.
Waxaa cadeynaya waqooyi inuusan ka jirin
maamul madax banaan sida kooxdaas ay u caburineyso siyaasiyiinta garaadkoodu
balaaran yahay iyo dadka wadanka u dhashay oo aan kooxdaas fikradooda
raacsaneyn. Kol haddii Berbera aysan dowlad ka soo dhismeeyn waa maxay ujeedada
loo majaxaabiyey halgankii Burco ay u soo gashay SNM ama xoreynta waqooyi.
Waxaa cad markii horeba in la kala ujeedo ahaa oo qasadka dadkuna ahaa in la
tuuro xukunkii dulsaarna, kooxduna ay daneyneysey in degaanka waqooyi loo
beecgeeyo Adisa Ababa. Waxay kooxdaas cabsi weyn ka qabtaa haddii qoloyinka
wadaniyiintaa ee u badan galbeedka waqooyi ay awooda siyaasadeed gacanta ku
dhigaan inuu imaanayo isbedel siyaasadeed oo keeni kara in laga tanaasulo wixii
aan soconeyn.
Cabashadii Silaanyo iyo calaacalka
Janaraal Qaalib waxey muujineysaa waxa Xamar looga goostay iyo waxa cidlada
la isugu tagey ineysan midna ahayn talo maskax badan looga baaraan degey.
Kooxdaas qowleysatadaa dadkii iyo dalkii waa ay kala goyn waayeen ee ma cirka
mise bada ayey lagelin riyadooda dhalanteedkaa. Waxaan dheereyn in wakhti dhow
uu waqooyiga ka bilowmayo iska horimaad hubeysan haddii kooxdaas ay ku sii
adkeysato muquuninta ama caburinta dadka soo badanaya ee siyaasadoodu u
jaleecdo midnimda dalka Soomaaliyeed.
Soomaalida markii ay midowdey oo ay gumeysiga
ka qaadatey xoriyada, dalka waxaa si xora u wada joogey qoloyinkii dhaliyey
gobonimada iyo kuwii raacsanaa gumeysiga, oo cidna dalka lagama musaafirin.
Maanta oo kooxdaas ay ku edeyneyso koofurta inay ka tirsaneyso cadaalad darro,
in ay iyadu maanta kula kacdo xoriyad ka qaad dadkeeda u dhashay waqooyiga, oo
si ku dhisan qaab isticmaar ay dalkooda uga musaafuriso waa arrin soo
dedejineysa soo banaan bixida qowleysatanimada kooxdaas ay isgu qarinayso
doonista dadka ay u qabaan ismaamulid madaxbanaan.
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
QORAALADII HORE EE DR.SACIID
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|