SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
AAN TOOSNO SOOMAALIYEEY

Faysal Cali Ciise
awfaysal@hotmail.com
 

Ayax tag eella reeb

KAAH

Waxaan ognahay in mudo dheer aan ku jirnay baadi goob sidii aan u gaari lahayn dawlad soomaaliyeed taasoo uu batay hadalkeedi maalmahan dambe ilaah ayaa og siday wax uga soo bixi doonaane.

Dawlad Soomaaliyeed waxay bariga Afrika ka noqotay ganacsi laga beec mushtaro oo qoloba ay maalin uga baxdo dhaqaala xumida haysata, shalay waxaa nagu kabatay Jibuti oo ganacsi iyo dhaqaala waalan ka heshay heshiisiinta maxaysatada Soomaaliyeed, maantana waxay u shidantahay Kenya ood ka warhaysaan sida uu dhaqaalihi Kenya unoqday booming mudada ay socoto heshiisiinta maxaysatada gaar ahaan aagga uu ka socdo shirku. Berrina kolay qolo kale ayaa qandaraaska la siin doonaa ethopiyana kolay ku noqoto siyaado ahaan maxaa yeelay iyada ganacsigeedu waa had iyo goor oo jabka Soomaali nololba ugama hora! yn haday noqon lahayd siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba.

Ma doonayo inaan maqaal dheer ka qoro wax aynu ka wada dharagsannahay waxaanse doonayaa inaan laba arimood aan isku baraarujino, mid waxay ku wajihantahay shacabkayga Soomaaliyeed midna maxaysatadayada. Waa tan horee, horta hadaynu nahay Soomaali waxaa summad inoo ahaan jirtay diinteena Islaamka taasoo ah nicmo aad u wayn oo uu Eebe inoo galay hayeeshee aynu garan waynay sidaan ugu shukriyi lahayn.

Waxaan ahayn juhalo aan bihi aqoon waxaase Eebe inaga dhigay astaanti hanuunka ku fidisay geeska afrika sida ay taariikhdu qorayso. Wax walba oo Islaamku uu ka koriyay carabtii hore ayaa shaki li’i Eebe inooga badbaadiyay diintan Islaamka. Shucuub farabadan ayaa hogatay markii uu isticmaarku ku soo duulay caalamka Islaamka waxaase Eebe inagu fadilay inaan taariikhda ka galnay baal dahaba oon ku biirnay shucuubti yarayd ee ka dhiidhisay gumaysiga yurub iyo cadaawada Islaamka, waxaa daliil u ah inaan qaadanay xoriyad ku sheeg tiiyoo wali ay hurdaan in badan oo carab iyo cajamba leh ama wa! li hogasho ku jira waxaanan dhisanay dawlad Soomaaliyeed misaanki wakhtigaa jiray marki lagu cabiro.

Isticmaarki yurub ujeedadiisi ma ahayn inuu dhawr sano soo wareego ka dibna uu ku laabto arligiisi ee wuxuu u yimi inuu la dagaalo Diin iyo dadnimo ku noqotay laf dhuun taagan mudo aad u dheer, sidaa darteed tagidoodi waxay ahayd xil wareejin waanu hubsaday in hawsha halka uu soo gaarsiiyay ay rag u dhashay dhulkan ka sii wadi donaan ha ogaadeen ama yaanay ogaanba. “Ayax tag eella reeb”.

Ummad waliba waxay leedahay iin uu gumaysigu si wanaagsan u daraaseeyo si uu hawl yari u maamulo wuu helay cudurkeena waxaanu ka dhigtay hub uu adeegsado, sii horumariyo, isla markaana laga dhaxlo, waa cudurka uu ku jabiyay cid kasta oo is hortaagtay, waa cudurka uu ku dhisay dawladeeni, waa cudurka cilmiyaysan ee aan ka dhaxalnay, waa cudurka boqolaal kun budda dhigay, waa cudurka aan doonayno inaan wax ku dhisano annagoo waliba og in wixii lagu dhisay ay burbureen, wixii lagu dhaqayna baabe! ’een. Waa cudurka kalida ah ee kor u qaada jaahilka, uu ku faano faasiqu, qofba qofkuu ka shar badanyahayna sharaf u yeela. Waa cudurka astura gacan ku dhiiglaha, u gargaara daalimka, garb istaaga gardarrada, lana dagaala dareenka wanaagsan.

Waa cudurka kalida ah ee dhawr nooc wax u dila sida wadnaha oo istaaga, caqligoo zuula(waali), stress ama isla hadal, hadii kalana kugu xukuma dil toogasha ah. Waa cudurka kali ah ee dhaliya colaad aan dhamaan, cayrteeya qoysas idil, bara kiciya bulshooyinka oo aan kala saarin waalid, waayeel, haween iyo dhalaan toona. Waa cudurka kalida ah ee culumo iyo caamaba uga dhigay maxaysatadooda marti iyo magan ay ka fishaan shar iyo khayrba. Waa cudurka aan loogu qiiroon diinta xitaa hadii la caayo hayeeshee kiciya dhiigaaga oo idil markii lasoo hadal qaado cudurkaaga.

Waa cudurka ay ka simanyihiin(in a different degrees) habarta ama odaga fadhiya baadiyaha, kan dubay ka ganacsada, kan dawaafa xaramka, kan ku jira xera qaxooti, kan fadhiya jaamacad ama wax ka baraba, kan wareega Yurub,Amerika, Canada iyo Australiya. Waa astaanta guud ay maantay Soomaaliyi isku garato. Halayaabina hadaad aragtaan mid liita oo arrimihiina ka hadlaya, hana layaabina hadaad aragtaan mid sheekh ku sheeg ah oo cudurkiisa calaf ku doon ah waliba u soo maray mashaqo, waayo miizaanki cilmiga iyo kii cudurka ayaa la is dhaafsaday sida dadnimadi iyo diintiba loo dhaafsaday.

Cudurkan inti sababsatayna Allaha u naxariisto inteena hadhayna yaanaan raali ku noqon inaan ahaano bukaan socod ee aan doorano Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu calayhi wasalam kuna gacan saydhno maxaysatada u wada fadhiya dibindaabyadeena iyo fulinta danaha cadawga Islaamka, aan toosno Soomaaliyeey qof walowba ogow inaan laguu dhaamin Eebe sare ahaaye maxaysatada matasha cudurkaagana ayan berri kuu muduci doonin, aan ka baqno ilaahay , raacno rasuulkeena sallallaahu calayhi wasalam, qur’aanka dastuur ka dhigano, dhimashada dartiina doorano, wadada halganka xaqa ahna aan marno. wuxuu Eebe yiri: ! ; ÇáíÓ ãäßã ÑÌá ÑÔíÏQaybta xigta”.

Faysal Cali Ciise
awfaysal@hotmail.com

 QORAALADII HORFE EE FAYSAL CIISE


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD