SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Sida aysan dadka Soomaalidu uga faa'iideysan internetka

Qore: Abdi Hassan Welli | welli6@hotmail.com

KAAH

Waxaa waayadaan dambe ku soo batay shabagadaha internetka dad doonaya inay soomaalida ka waaniyaan dhibaatooyinka ummadda soomaaliyeed haysta ee ah colaadda sokeeye ee dalka iyo dadka ku habsatay iyo dad aragtiyo kala duwan qaba oo qoraallo isugu jawaaba kuwaas oo sababay in dad badani internetkaba iska daayaan.

Hadaba, dadkaas iyaga ah qaarkood waxay sheekadooda la aadaan xagga diinta maadaama ay ummadda soomaalidu muslim tahay, qaar kalena waxay soo qaataan wax uun ka mida murtidii soomaalidii hore ee xeerarka iyo kala dambeynta lahayd iyo qaar kale oo iyaguna si toos ah wax uga sheega meelo ka mida dalka soomaalya iyo shaqsiyaad ka mida dadka soomaalida, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” meeshaad nin ka qaadatay nin baad kaga tagtay”, maxaa yeelay dhammaan wararka iyo sheekooyinka hareeyey internetka kuligood waa wax qofka qoraya aad hadalkiisa ka dhadhansanaysid in soomaalida qaarkeedna la fiican yahay qaarkeedna la xun yahay, waayo sheekadooda ayaa laga garanayaa cidda ay diidan yihiin iyo cidda la fiican oo ay ayidsan yihiin, tusaale ahaan qarkood waxay dhaleecayn xun dusha uga tuuraan wadanka Ethiopia, markaas baa la fahmaa hogaamiye kooxeedyada ay u dan leeyihiin sida Cabdullaahi Yuusuf iyo Mohamed Dheere, qaar kale waxay hiftaan oo wax ka sheegaan wadamada carabta, kuwaasna waxaa horay laga gartaa inay ku kacsan yihiin dawladda ku meelgaarka ah iwm.

KOORSO "C PROGRAMMING" AH
waa koorso lacag la'aan ah oo aad ku baranaeysid sidii aad adigu u samayn lahayd barnaamijyo aad aliftey..... www.somalitalk.com/program

Sidaas darteed ayaad mararka qaarkood waxaad arkaysaa dad jawaabo isu celcelinaya oo la moodo sida marka carruurtu dirirto oo mid waliba rabo inuu isagu jugta ku dambeeyo si kan kale caro ula tago, marna arki maysid qof leh qaladkaas iyo qaladkaas baa dalka iyo dadka ka dhex dhacay ee sidee haatan wax u furdaaminaa? Haddii aynu nahay ummadda soomaaliyeed waxaad moodaa in kuligeen uu ina ku rakiban yahay madax aan keennii ahayn sababtoo ah, dhammaanteen ama badankeennu waxaynu ku mashquulsan nahay wax aynu ognahay innaan faa’iido inoo ku jirin oo waxaad moodaa in layna yiri qofwalboo soomaali ahi xabaashiisii ama qabrigiisii ha sii qoto, dadka ummadda masaakiinta ah iyo maxasta dambiyada xun xun ka gala waxaynu ugu geernaa geesiyaal, waxaana laga yaabaa in qofku isagoo laftigiisu dulin iyo xad gudub wada inuu haddana isku dayo inuu dadka wax u sheego, taasina waa waxa marxadda aynu haatan ku sugan nahay ina baday, hadaba waxaa ila habboon inay ummadda soomaaliyeed dhammaanteed is weydiiyaan su’aalaha soo socda:

Maxaa waajibaad ah oo la iga rabay tan iyo intii wadanku burburay? Maxaase haatan aniga qof ahaan la iiga baahan yahay? Sidee dhibaatada looga bixi karaa? Yaanse ka sugaynaa inay dhibaatada inaga saaraan?, Inaan su’aalaha noocaas ah is weydiino ayaa inoo dhaanta inaan qof qof isu cayno, waayo dadku waxay heshiin karaan markay is weydiin karaan dhibaatada dhex taal iyo cidda ka dhex wada, sidaas darteed waxaynu ognahay in ummadda soomaaliyeed ay dhibaato ku filan soo martay ayna haboonaan lahayd in dib la isugu noqdo oo laga talo baxo sheekada ah in qof walbaa ku fekero maxaad adiga keligaa qaban kartaa?

Qofkii dadnimadiisa iyo ilaahiis talo saartaa wax weyn buu qaban karaa, hogaamiye kooxeed iynu isku qabiil nahay taageeriddiisa iyo qabiil X baan qabiil Y ka hormarinayaa iyo in dadka hilow kooxeed ama shaqsi qaado, sidaas ummad jirta laguma noqdo waana aynu wada ognahay, markaa waxaa iga su’aal ah maxaa dhacaya haddii aynu internetka aynu cayda iyo aflagaadhada isugu qorno, aynu u bedelano wax macwuul ah oo dan inoo ah, dabadeedna aan suurta gelino in dadku ay mashaakilaadka jira si rasmi ah uga sheekaystaan, iyadoo aan qofna wax ma garad lagu tilmaamin. Aragtidaani waxay khusaysaa dadka intiisa dareensan in dhibaato jirto, waayo waxaa laga inay jiraan dad badan oo marxaladda maanta lagu jiro ay la fiican tahay.

Qore: Abdi Hassan Welli | welli6@hotmail.com



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD