SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Kooxdii dalka Denmark oo goolal tirro badan dhabarka loo saarshay.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

KAAH

Waxaa magaalada Gothenburg, ee caasimadda labaad ee Sweden si habsami ah uga socda tartankii kubada cagta soomaalida qaarada Yurub iyo North America oo sanadkasta xilliga kuleylaha lugu qabto dalkan Sweden. Shalay oo jimco ah waxaa garoonka isku helay kooxo ka kala socday dalalka Norway iyo Denmark, halkaasoo ay guusha ku raacday kooxdii ku dheeleysay magaca dalka Norway, kadib markii ay shabaqa kooxdii Dernmark lugu shubtay kow iyo taban gool.
Waxeyna ciyaartani noqotay tii ugu mucjisada badneyd ee dhacda tan iyo intii ay ciyaarahani si rasmi ah uga bilowdeen magaalada Gothenbueg maalintii khamiistii tiirkh-duna ku beegneyd 24-july.

Mar aan wareysi la yeeshay gaaban la yeeshay gudoomiyaha kooxdii ku ciyaareysay magaca dalka Denmark Mr: Alaale ayuu ii sheegay in guuldarada kooxdiisa ay ugu wacneyd ciyaartooyda oo aan la qabsan jawiga garoonka islamarkaasina mid kamid ah ciyaartooyda kooxda uu daqiiqadihii ugu horeeyey ee ciyaarta gaaray dhaawac keenay in garoonka uu ka baxo, taasina ay qeyb ka aheyd guul darradii soo gaartay kooxdii ku dheeleysay magaca dalka Denmark.
Dhinaca kalena Mr:Mahad oo ah tabaraha kooxda dalka Norway ayaa wejigiisa farxadi ka muuqatay kadib markii ay kooxdiisa goolal aan la fileyn huwiyeen kooxdii Denmark, waxaana uu ku tilmaamay ciyaartaasi "mucjiso iyo ciyaar wanaag ay kooxdiisa la soo shirtageen"

Maanta oo sabti ah waxaa wada ciyaaray kooxaha ka kala scoday dalalka Filand iyo Holand, oo runtii ciyaar aad u qurux badan soo bandhigay, hase ahaatee kooxdii ka socotay dalka Holand uma yeelan nasiib iney wax goolal ah ku hubsadaan shabaqa koxdii Filand oo iyagu faraqa ugu riday sadex gool kooxdii ka socday dalka Holand.

Sidoo kale waxaa markii ay dhamaatay ciyaartii kooxihii Filand iyo Holand, iyagana ciyaaray qaar kamid ah ciyaartooydii Soomaaliyeed ee cuslaaday iyo koox kamid ah ciyaartooydii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay tartankan. Ciyaartooydii cuslaatay ee galabta dheeshay waxaa kamid ahaa
Professor Muuse Naasir, Axmed Nuur Seyga Ruushka, Muriidi Abati Aba-Nuur, Canter, Abaadir, Aadan Oor,Cumar Ganjab iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lugu soo wada koobi karin magacyadooda.
Ciyaar aad u wanaagsan oo aad loogu boogay ayey soo bandhigeen labada dhinac, hadana waxaa 6-3 ku badiyey xulkii iskaashaday ee ciyaartooydii cuslaatay oo iyagu qibrad iyo ciyaar wanaag hore oo ku jirtay kaashaday.

Dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa buux dhaafshay garoonka waxaana wejiyadooda ka muuqaday farxaf iyo xamaasad ay ku soo dhaweeyeen martii ugu timid magaaladooda.
Martiddii joogtay waxaa kamid aheyd gabadha magaceeda la yiraahdo Hodan Muuse Galaal oo iyadu aheyd xiddig kamid ah gabdhihii kubada kolleyga ee soomaray naadigii LLPP ee Jeenyo.

Maalintii khamiista ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Gothenburg, tartanka ciyaaraha iyo dhaqanka soomaalida oo ay iskugu yimaadeen dhalinayarro soomaaliyeed oo ka kala yimid qaarada Yurub iyo North America. Tartankana waxaa kasoo qeybgalay 7 koox marka laga rebo kooxdii ku dheeli laheyd magaca dalka Kanada ay u baaqatay cillad xagga gaadiidka ah.
Furitaankii tartankan ayaa waxaa hees cusub oo luugu talagalay ciyaaraha ka qaaaday fanaankiii weynee ee caanka ahaa Cumar C/lle Shooli (madaalihi waaberi).

Birito oo axda-na waxaa lugu wadaa iney ciyaaraan kooxaha ka kala socda Gothenburg (Sweden) Al-Hijra (Ingiriiska) oo labadaba watto min labo dhibcood, kadib markii ay kasoo kala badiyeen kooxaha Kanus iyo koox mataleysay caasimada Stockholm (Sweden).


Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD