WARSAXAAFADEED AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE
W/AMERICA
BEEN ABUUR AAN RAAD LAHAYN
Shabakado Caadaystay Been Kasheega Moorgan
abdibarre ahmed
jabriil62@hotmail.com | Faafin: July
23, 2003
|
Waxaa wax lala yaabo ah in maalmahaan lagu shaaciyey
warar been ah oo ujeedada laga leeyahay ilaa hada aan lagaran kariin, Arrintaas
waxaan uga jeedaa in ay qoreen Webseedyo caado ka dhiigtay ( BEEN ABUUR) ku
salaysan been aan raad lahayn, saxaafadana waxaa fiican in aan been laga
sheegin oo wixii xaqiiq ah laga sheego.
Hadaba shabakadahaas Internetku waxay baryahaan caado ka dhiigteen in ay
faafiyaan war aan sal iyo raad toona lahayn, hadii aan tusaale u soo qaado
waxay qoreen hadal aad u liita oo been abuur ah taasoo ay soo qoreen in ay Jen.
Morgan waraysi la yeesheen, taasina waa been Abuur ay jeebkooda ka sameyeen,
waxaana bulshaweynta u sheegaynaa (iyo inta kaleba warkaas ay soo daabacdayba)
in uu san sal iyo raad toona lahayn oo ayagu ay jeebkooda ka sameeyen ujeedada
ay kalahaayena ay tahay in QABAA'ILKA lagu kiciyo,
waxaase wax lalayaabo ah sida ay ku hindiseen warkaas been abuurka ah oo ay ugu
daabeceen webseedkooda ummadana ugu soo bandhigeen, Halkaas waxaa kacad in ay
ku gaamuurtay qabiil iyo shaqsi
nacayb intaba, waxayna indhaha ka qarsadaan dhibka iyo halaaga ka taagan xamar
wax kama sheegaan ee
waxay been joogta ah ka sheegaan meelo ayna kawarqabin waxa ka jira.
Websaydkyadaas qaarkood waxay caado ka dhiigteen Moorgan oo duulaan soo ah,
Moorgan oo itoobiya hub soo siisay, Moorgan oo cidankii kakala tagey, Mooorgan
oo xanuunsan, akhyaarey intaas oo dhan oo aan soo sheegay soo wax lalayaabo
ma'ahan, bal ila eega 16/07/003 waa maqaalkii u danbeeyey oo ay shaaciyaan oo
ay leeyihiin Morgan oo xanuunsan oo ay waliba raaciyeen gudaha puntland ay ku
xanuunsan yahay, hadaba shabakadahaas maxaa lagu tilmaami karaa? soo kama
litaan BBC!.
Halkaas waxaa ka muuqata shabakadahaas in ay ka siman
yihiin Nacaybka ay u qabaan qabaa'lada qaarkood
iyo shakhsiyaad u ka mid yahay Morgan oo ay had iyo jeer Been ka sheegaan.
Shabakadahaas waxay ka idhaqarsadaan oo ayna waxba ka soo qorin dhibka iyo
halaaga ka taagan Xamar oo
ay ka mid tahay KUFSIGA, DILKA, DHACA, iyo QAFAALASHADA, ma arkaan TAKARTA
SAARAN, hadaba waxaan kula talinayaa in ay ka foogaadan xumaanta ku raagtay oo
ah mid aad diciif u ah.
Waxaana qofka saxaafada qora ka reeban been abuur iyo war aan sal iyo raad
toona lahayn oo
uu qoro oo waliba sumcadiisa hoos u dhigaysa, marka waxaan kula talinayaa in ay
Raali galin ka bixiyaan
khaladka ay galeen oo beenta ah oo ay ummada u soo qorayaan (waa is-ogyihiin,
waana la ogyahay shabakadahaasiye).
Waxaan si buuxda shabakadahaas ugu xaqiijinayaa warka
ay qoreen in ayna sal iyo raad toona
lahayn oo wax iyagu daabacdeen u yahay, waxaana kula talinayaa in ayna
caadifadi qaadin iskana ilaaliyaan
beenta ay kabaha u galinayaan.
abdibarre ahmed
jabriil62@hotmail.com | Faafin: July
23, 2003
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Edited by SomaliTalk.com
|