waxaa magaalada stocholm ee dalka sweden shir isugu yimi taariikhdu markey
ahayd 24.6.2003
waxgaradka iyo aqoonyahanada Beesha kaskiqabe shirkaas oo socday ilaa 5.7.2003
kulankaas
oo indheergaradkii ka soo qayb galay ay ka kala yimaadeen
U.S.A,kanada,australia,iyo uerope
waxay waxgaradka aad iyo aad isula jeexjeexeen xaalada uu hada dalka somaliya
ku sugan yahay
iyo sida ay Beesha kaskiqabe gacan uga gaysan karto nabad kuwada
noolaasho,isqadarin,iyo wax isu quurid dhexmarta dhamaan Beelaha somaliyeed
taas oo fure u ah sidey waxgaradka ku nuuxnuuxsadeen dib u yagleelid qarankii
burburay markii waxa san iyo waxa xun la kala sooci waayey waxay aqoonyahanadda
iyo waxgaradkii ka soo qayb galey shirka ka dhawaajiyeen in ay
gacmo furan iyo niyad saafi ku soo dhaweeynayaan Beel walba oo somaliyeed oo
diyaar u ah
wanaag iyo walaalnimo dhexmara Beesha kaskiqabe waxaana dadweynaha somaliyeed
ee
samaanta iyo cadaalada jecel looga soo jeediyey shirka in waxa ay xaqa ugu
leeyahiin Beesha
kaskiqabe dowlada somaliya ee la soo dhisi doono aan lagu laaluushin beel kale
oo intey samigeeda
qaadatey dooneysa sadbursi iyo wax xaaraana waxayna xuseen in dadweynaha Beesha
kaskiqabe
garanayaan qofkii galadey lana xisaabtami doonaan kii ganey waxay waxgaradka
iyo aqoonyahanada
soo jeediyeen qodobadan
1.in si aan sharuud lahayn loo joojiyo dagaalada macna darada ah meel walboo ay
ka jiraan si diinta, dadka,iyo dalkaba loo badbadiyo
2.in waxa la kala tabanaayo lagu xaliyo wada hadal iyo miis dushii
3.in ilaah la weydiisto cafis intey toobada furan tahay waa in taadan geeryoone
somaliyeey waa in maanka lagu hayo hadii geed qodax leh la beero in aan geed
miro leh la sugeynin waxay ugu danbeyntii waxgaradka iyo aqoonyahadii ka soo
qayb galey shirka u rajeyeen umadda somaliyeed nabad,cadaalad,diintoo loo soo
laabto iyo
midnimadoo la adkeeyo
wabilaahi Towfiiq
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
abdi jamac baruur
baruur@hotmail.com