Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta. C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
Ceynte@comcast.net
July 18, 2003
Dumarku meel walba oo eey ku dhaqan yihiin-ba waa laf dhabarta bulshada. Waa
hooyooyinkeena, walaaleheen, xaasaskeena, habaryaro iyo eedooyinba. Darajooyin
intaas sii dheerna siyaabo kale ayeey ku hantaan.
Ka shacab muslin ah ahaan, Dumarku waa ineey ahaadaan kuwa ka danbeeya
ragooda, kuna adeeca wixii wanaag ah oo qura. Doorkaas asaasiga ah, macnihiisu
ma'ahan sida eey u micno xumeeyeen warbaahinta reer galbeedka oo ku tilmaama
dumarka Muslimiinta ah kuwa "la gumeysto." Iskaba daaye in lagumeyste'e, Diinta
islaamku wexeey u sharaftay dumarka si eeysan ragga u sharfin. Suuradda
seddexaad ee tiriska Qur'anka Kariimka ah ayuu Alle ugu magac daray (Al-Nisa'a)
ama Suuraddii dumarka. Qur'anka kuma jirto suurad labka loogu magac daray oo "Ragga"
Ama (Al-rijal) la yiraahdo !
Reer galbeedku andocooshadooda ineey dumarka xurmeeyaan waa mid aan wax la
taaban karo wadan. Tusaale ahaan, Gabadha reer galbeedka ah marka la guursado
ninku wuxuu ka xayuubiyaa abtirsigeedii, isagoo markaas magicii aabaheed/awoowaheed
ku beddela kiisa ! Ma quursi intaas ka weyn baa jiri kara? Midda ku saabsan
doorka hogaamineed ee dumarku ku yeelan karaan bulshada, oo iyana reer
galbeedku ku andocoodaan inaan dumarka Islamka ah waxba laga siin awood
qeybsiga siyaasadeed ee waddamada islamka, iyana waa sheegasho aan raad iyo
asal toona laheyn. Marag ma doonato waxaa kuugu filan in waddamada islamka ugu
awooda badani eey ka amriyaan dumar. Sida: Indonisia, Pakistan & Bangladesh oo
dhamaantood eey madax ka yihiin amaba ka ahaayeen dumar muujiyey ineey hogaamin
karaan qaran baaxadiisu boqolaal milyan gaareyso.
Marka aan sidaa leeyahayna, ma sii dhex dabaalanayo dooda weyn ee ku saabsan
"Dumarka Islamku ma qaban karaan jagooyin sarsare ? " taa Culimaa'udiinka ayaan
faraha uga qaadayaa. Sidaas oo eey tahayna, Waligiin ma aragteen gabar
madaxeyne ka ah waddamada tabarta is baday ee caalamka galbeedka ? Waayahanna
in la arki doono shaki weyn baa iiga dahaaran. Nasiib xumo waxaa ah in fikradda
ah in Muslimiintu addoonsadaan dumarka eey ka dhaadhacday walaalo kale oo
muslimiin ah. Haa, weey jiraan takri falyaal ka dhan ah dumarka Islaamka,
Laakiin ma gaarsiisna heerka eey warbaahinta reer galbeedku u dig iyo
damleeyneyso.
Dumarkeena Somaliyeed iyo Doorarkoodii shalay iyo maanta.
|
|
Ayaan Xirsi
Cali |
Ikraam
Cali-kaar |
Waa laba gabdhood oo Soomaali
ah oo labaduba jooga qurbe, gaar ahaan Yurub. Hadaba akhri qoraalkii ay
qortay Ikraam kana qortay Ayaan
Guji....
HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN
GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta
sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo
soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha
lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...] |
Iyadoo eey jiraan dhamaan arrimaha kor ku xusan ayeey misana nasiib xumo
qaar kamid ah dumarkeena maanta gabeen doorkoodii dumarnimo. Dumarkeenu wexeey
ahaan jireen kuwa guud ahaan ka danbeeya ragooda, sida diintuba fareyso. Wexeey
ahaan jireen kuwa hagaajista guryahooda, carbiya hab-dhaqanka caruurtooda,
soona koriya jiil caruur ah oo u diyaarsan ineey bulsho weyntooda la noolaadaan.
Marba hada hadii galbeedkiiba la yimid, waxaad arkeysaa/maqleysaa takri fal
xag jira oo lagu sameynayo awoodaha xadidan ee dumarka maanta la siiyey. Ka soo
billow maalinta guurka oo qaar hablaha Somaliyeed ee maanta jiraa kamid ah eey
shardi uga dhigayaan in raggu qaban qaabiyaan xaflado ka baxsan dhaqanka
Islamka iyo kan Somalinimadaba. Xafladahaasi waa kuwa lagu marti qaado hobollo
caan ah oo "nooleeya" habeenkaas, waa sida eey jecel yihiin ineey u dhigaan'e.
Marka leys guursadana, waxaa soo labeysa la tirsi joogto ah oo ragga lagula
xisaabtamayo dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa nololeed. Inbadana, hadii uu xitaa
khalad dhoco laga daadajiyo sarta markaas lawada deggan yahay "Isagoo bacdiisa
madow wata ! " oo loola jeedo; isagoo calaladiisiina gabarka u suran yihiin !
Falalkani waa kuwa si joogto ah uga dhaca galbeedka, kuna badan dumarka aqoonta
yar ee faanka mooda ineey caruurtooda aabohood ka eryaan gurigiisii uu raaxada
u soo raadsaday, iyadoo waliba marmar uu baraf aan raxmad laheyni da'ayo ! Waa
mawqif fool xun oo nin sharaf is moodayba ka dhiidhiyo. Waa iga su'aale;
Hablayahow hadmaad hagaagi doontaan ?
Doorkee dumarka looga baahan yahay?
Anigu marnaba soo jeedin maayo ineey gabdheheenu iska liqaan
dhibaatooyin joogto ah oo ragga kaga yimaada. Xaq beey u leeyihiin in si sharci
ah dhibaatooyinkaas wax looga qabto. Ragguna maba ahan ineey marka horeba
dumarkooda dhibaateeyaan. Iskaba daa ineey wax gaarsiiyaan'e. Khilaaf kasta oo
yimaadana waxaa haboon in si aan guri iska eryid aheyn lagu xaal mastuuro.
Hadii kale cawaaqib aan la mahdin doonin ayaa daba taalla.
Doorka laga doonayo gabadha muslinka ahi waa ineey talo wadaag la noqotaa
seygeeda. Marka aan sidaa leeyahay, waxaan ula jeedaa ineeysan ku raacin wixii
ka soo horjeeda awaamirta diinta Islamka. Waa ineey ahaataa mid il-raaxo u
noqotaa seygeeda, si uusan markaas ugu fekerin xumaantooyin eey gogol dhaaf ka
mid tahay. Waxa gogol dhaafyo ah oo aad maanta dhulkan ku aragtaan waa
natiijooyinka xurgufyo hoosaad la xallin waayey. Carabtu wexeey ku maahmaahaan
"Reer Makkah iyagaa buuraheeda dadka ugu badiya " Marka Lamaanuhu iyagaa
danohooda dadka oo dhan ka yaqaan, ee xuruguf hoosaadyada sidaa halagu dhameeyo.
Ragguna waa kuwa malaa'ik ah ma lihi. oo kuwa dumarkoodu diyaar u yihiin oo
makhaayadaha 2-da habeenima ka sheekeynaya ayaa badan.
C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceynte@comcast.net
(new!)
Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2003
QORAALADII HORE EE CEYNTE
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Sawirada waxaa daabacaha soo gaarsiiyey
Xagaryare
|