w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- KENYA
|
Tarzan iyo Eng. Yarisow oo kula kulmay Nairobi
David Bell u qaabilsanaha arrimaha Somaliya ee Dowladda UK.
|
Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan) iyo Eng. Abdirahman Omar Osman (Yarisow) oo
beryahanba ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa shalay (July 10) kula kulmay
xafiiskiisa Nairobi David Bell iyagoo kala hadlayey arrimaha Somaliya guud
ahaan iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Magaalada Mbagathi
ee waddanka Kenya.
Mudane Tarzan ayaa su'aalay safiirka siyaasaddooda ku aadan Soomaaliya iyo
sababta ey si muuqda uga qeyb gali waayeen shirka soomaalida uga socda Mbagathi.
David oo aad ugu mahad celiyey Tarzan iyo Eng. Yarisow kulankooda ayaa ku
tilmaamay siyaasadda Dowladda Ingiriiska mid dhexdhexaad ka ah arrimaha
soomaalida uuna sheegay iney la shaqeeyaan EU da iyo IGAD isla markaana ey
taageersanyihiin shirka ka socda Mbagathi. David waxa uu sheegay iney
Somaliland ula dhaqmaan sida UN ta iyo EU du ula dhaqanto oo eysan aqoonsaneyn
ha yeeshee bacdamaa ey nabadi ka jirto ayuu yiri waxaan kala shaqeynaa arrimaha
bulshada iyo bini'aadanimada, wuxuuna sheegay in sanadkan ey u qoondeeyeen
lacag gaareysa 5 milyan oo dollar itooda badana ey ku baxaan Somaliland,
sanadka danbena uu sheegay iney kordhin doonaan deeqdooda eyna gaarsiin doonaan
10 milyan oo dollar.
Eng. Yarisow oo u mahadceliyey safiirka waqtigiisa qaaliga ah ayaa u sheegay in
markii ey noqdaan ey warbixin ku saabsan safarkooda ey u gudbin doonaan
dowladda UK una sheegay safiirka in maanta jaaliyaddaha soomaaliyeed ee dibedda
jooga ey diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada sidii waddanka dib loogu dhisi
lahaa isla markaana uu ka codsaday safiirka iney kordhiyaan howlahooda ku aadan
waddanka oo Eng. Yarisow uu ku tilmaamay lama huraan in Dowladda UK ey qeyb
libaax leh ka qaataan howlaha bini aadanimo ee bulshada soomaaliyeed u
baahantahay, isla markaana ka codsaday iney xagga siyaasadda sidii waddanka xal
loogu heli lahaana ey xoojiyaan iyagoo la kaashanaayo jaaliyadda soomaaliyeed
ee ku dhaqan UK.
Mudane Tarzan ayaa tafaasiil dheer siiyey safiirka una caddeeyey ujeedadda
safarkooda iyo iney soomaalidu ey diyaar u yihiin iney soo celiyaan sharaftii
iyo karaamadii waddanku lahaan lahaa. David ayaa u sheegay mudanayaasha iney
howshooda sii kordhiyaan eyna xirriirkooda joogteeyaan, isla markaana inta ey
joogaan Nairobi la haddlaan hoggaamiyeyaasha kooxaha iyo siyaasiyiinta
soomaaliyeed kala hadlaan sidii ey tanaasulaad ula imaan lahaayeen.
Warkaan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Abdirahman Omar Osman
yarisow70@hotmail.com
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>> Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
MAHURAAN: Waa buug dhowaan
soo baxay
GUJI...
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
|
|