SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MA DHABAA SOMALIYEEY IN DHULBEEREEDKII MOGABO DAROOGO LAGU BEERO.
Bismilaah:

Axmed Moxamud  moxamud19@hotmail.com

KAAH


Asalaamu caleykum wr wb –waxa aan maalmahan ku arkay saaxada internetka in mashruucii mogabo ay saarantahay daroogo loo iib geeyo dibada dalka ,hadaba warkaasi waa war naxdin leh oo somali wada khuseeya ,aan is weydiino-- maxay tahay mogabo iyo beeraheeda ?

Mogabo waa mashruuc wax soosaar,wax soosaarkeeduna ahaa soosaarid bariis tayo leh oo ay leedahay somali dhamaanteed ka soo bilow ka jooga saylac ilaa ka jooga Afmadow una ahayd hanti ay wada leeyihiin ummada idilkeeda.

Waxay ka mid ahayd mashaariicda keliya ku samaysmay sidii loogu talogay,waxayna ku midho dhashay 5sanadood gudahooda,waxayka mid ahayd kuwa ugu tayada weynaa ee ka hirgalay somaliya xaga wax soosaarka ,waxaana loogu talo galay wax soo saar gudo iyo dibed kaafiya ,dhulbeereedkedu wuxuu is haystaa - -min jilib sokadeeda ilaa jamaame sokadeeda.

Hirgelinta mashruucaa - - wuxuu illaahay u fududeeyey fulinteeda Aqoona u lahaa siduu u dhamaystiro hirgelinta mashruuca - - Aqoon yahan somaliyeed Anigu bilad geesi halyeeynimo aan siin lahaa hadii wax la iga weydiiyo,wuxuu ahaa Dr.Cabdi Moxamud Giire,taasoo uu mashruucii kaga midho dhaliyey kana soo saaray Bariiskii tijaabada ahaa.

Waxa dhacday in mashruucii ummadu sugaysay loo bedeshay irmaan reer leeyahay, Aqoonyahankii dhisay la isugu daray xadhig iyo xoog loogaga leexsaday hawshuu ummada u hayey ,waxaana loo magacaabay oo la siiyey Col.Bare hiiraale.

Waxa dhacday in mashruucii wixii ay somaliyi ka sugaysay ay isbedesho wixii ka soo baxana uu dad afkood galo ,mashruuciina uu waayey Aqoon daacada oo hagta si uu wax soosaarkeedu u noqdo mid tayo leh .

Burburkii ka dib waxaa hantiyey qabqablayaasha dagaalka taasoo dhul beereedka baaxadaa leh ee mashruucaas leeyahay la yidhi waxaa lagu beeraa daroogo .suaal hadii dhul beereedkaas diyaarsan la saaro daroogo lacagta ka soo baxdaa waa balaayiin doolar xagay lacagtaasi gashaa ?ma ta ummadu ka degi weydey ee la yidhaahdo shirkasta way burburisaabaa?wali dhul beereedkaa ma Bare Hiiraale ayaa wali ka taliya oo saara wax baaskan lagu sheegayo mise waa dhab Cismaan Caato ayaa leh bilaayada ku beeran beerahaas.

Waxaan aad ugu hambalyeenayaa ummada somaliyeed inta wax u qabatay ee nool oo ka mid yahay maareeyihii wershada sibidhka Berbera oo isaguna ummada u soo qabtay shaqo xalaala wax tarna leh.

Waxaan illaahay uga baryayaa inta ummada somaliyeed wax u qabatay ee dhimatay in illaahay naxariistiisa janno ka waraabiyo maqaalkan laguma soo wada koobi karo ,laakiin waxaan ka soo qaadayaa Dr.Cabdi Moxamud Giire oo ahaa aasaasihii mashruucaa la biliqaystey oo bishii hore ku xijaabtay Australia iyo professor Abyan oo xijaabtay 91kii ,wuxuu professorku fuliyey mashruucii sidam (waxsoosaarka Aqoonyahanada maamulka iyo maareenta iyo xisaabaadka ilaa heer master degree).

Waano
Waxaan ku waaninayaa kuwa sida xun wax ku raadinaya inay waantoobaan ,khaasatan mashruucan laleeyahay waxaa lagu beeray daroogo.waxaana idiin dhaama inaad ummada quud(cunto) ugu beertaan . walaalayaal waxa idin sugaya qabri 2mitira waxan aad guraysaana idima raacayaan , janadiinana waxaa idinka xiga keliya inaad illaahay u toobad keentaan dadkiisuna(Adoomihiisa) idin saamaxo,ku dadaala sidii aad illaahay iyo adoomihiisa aad cafis uga heli lahaydeen.


Axmed Moxamud  moxamud19@hotmail.com

QORAALADII HORE EE EXMED MAXAMUUD

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

 Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD