IS BARBARDHIG : QOWMIYADAHA UGU CUNSURISAN SOOMAALIDA!
C/Rahman A,Kaneec(C/Rahman Eelay)
Dadka Soomaalidu yastaa waxay degan yihiin dhamaan geyiga Soomaaliyeed meel
kasta oo ka mid ah. Beel walba oo ka mid ah beelaha Ajiga ahna si gaar ah ayey
ula dhaqmantaa qowmiyadahaa ay yasto ee ag degan ama ku hoos nool. Waxaa loo
kala qaadi karaa qowmiyadaha wax dulmiya sidan:
1. Deegaanada Waqooyi:
Waa qowmiyadaha ugu takoorka xun sida xuna ula dhaqma bulshada ay u
baxsadeen Midgaan. Guur takoorka waxa ay kala siman yihiin Soomaalida inteeda
kale, laakiin waxay dheeryihiin xaqirid, aflagaado, duleysi iyo xoriyad darro.
Xoriyad darradu waa qofka oo loo diido inuu sheegto meesha uu ka soo jeedo.
Midgaanku wuxuu ku hoos lamaan yahay qabiilooyinka ay la degaan, iyageyna
sheegtaan. Ajiga dega deegaanadan waxay aaminsan yihiin in ay iska leeyihiin
hadba midgaha sheegta oo ay u adeegaan, geelana u raacaan lana dagaal galaan.
Weelka uu nin Midgaan ahi wax ku cuno waa la tuuraa oo cid kale waxba laguma
siiyo, haddii uu reerka ag degan yahayna wuxuu iska leeyahay majarafad yar ama
gorof isaga u gooni ah. Ma leh degaan gooni ah oo ay Midguhu degaan ee qabiilka
uu ku lamaansan yahay ayuu weligii ag degaa kuna abtirsadaa! Quudhsiga iyo
cayda ugu xumi waa Midgaan, gabayadoodana aad bay uga buuxdaa!
2. Gobolada dhexe & Bari:
Way ka roon yihiin Reer Waqooyiga xaga takoorka inkastooy xaga Guur takoorka
isaga mid yihiin. Laakiin, waxay ku dhaamaan in aysan adoonsan ee ay qowmiyada
la yasaa ay Hanti yeelan karaan, aan aad loo caayin, aad loo xaqirin, leeyihiin
deegaano gooni ah oo ka tirsan magaalooyinka, wax la wada cuno, haybtoodana ay
sheegtaan oo aysan cidna isku lamaanin. Waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin
Madhibaan dadkuna u yaqaaniin, laguna sharfaa. Ma ogola magaca Midgaan waayo
waxay aaminsan yihiin in loola jeedo caay iyo yasmo.
3. Gobolada Koonfureed:
a) Deegaanada Digil & Mirif
Dadka la yaso ee ku nool deegaanadan waxay u badan yihiin dadka Jareerta ah.
Inkasta oo ay jiraan dadyow kale, hadana guud ahaan waxay dadku u kala qaybsan
yihiin Jareer iyo Jileec. Jareerta Mirifluhu waa dadka aadka loogu dhibo
deegaanada Koonfurta Soomaaliya. Waxay aad ugu dhow yihiin dhibaatada
deegaanada Wagooyi looga gaysto dadka Midgaha ah waxbana kuma kala duwana,
waayo waxaan jirin xeer ay wada dejisteen labadan qowmiyadood oo ka dhexeeya.
Jareerta inta badan dibada u soo qaxday dagaaladii sokeeyana waa Jareertii ku
dhexnoolaan weydey deegaanadaas.
b) Deegaanada kale ee Koonfurta Soomaaliya
Waxaa xusid mudan sida ay qowmiyada Biyo Maalku ula dhaqmeen dadka Jareerta
ah ee la dega. Taariikhda dadkani waxay ka soo bilaabataa ganacsigii dadka
waxaana laga keenay Tanzania iyo ka fogba. Waxay dadkani kusoo kordhiyeen
deegaanadaas beera falashada, sida Mudulaha loo dhiso iyo farsamada qalabka
lagu dagaal galo. Jareerta iyo Biya Maalka la degaa waxaa ka dhexeeya is
ixtiraam iyo is xurmeyn. Ma dhici karto in qof Jareer ah lagu xad gudbo waayo
waxay leeyihiin xeer ka dhexeeya oo labadaba qabanaya. Is guursiga waxay kala
mid yihiin Soomaalida kale laakiin haddii nin jareer ahi ay gabadh Jileec ahi
jeclaato aabaheed kama daba tegi karo oo xeerka ayaa qabanaya. Waa sidoo kale
haddii wiil Jareer ahina uu raaco gabadh Jileec ah. Haddii reero kale oo Jileec
ah ay Jareertu doonayso inay ka guursato BiyaMaalku hiil iyo hooba wuxuu la
garab taagan yahay sidii qofkaasi uu ku guursan lahaa, halka ay Soomaalida kale
dagaal iyo aflagaado kala soo hor jeesanayaan. Caayda iyo af xumadu waa reeban
tahay ileyn waxaa qabanaya sharciga u degan labada qowmiyadood. Booskii
Suldaanka Biyamaal waxaa fadhiya nin ka soo jeeda qowmiyada Jareerta ah oo
taladiisa iyo warkiisa loo hogaansanyahay.
Halkaa waxaa ka cad in dadkani ay Soomaalida inteeda kale ka horumarsan
yihiin marka laga hadlayo Midab takoorka. Waxaa xusid mudan in ay sida
Midgaanka ama Madhibaanka ay ka qayb qaateen xornimo gaarsiintii Koonfurta
Soomaaliya iyada oo uu hogaaminayo Abaanduulihii caanka ahaa ee NASIIB BUUNDO
ee Gumeystihii talyaaniga la dagaalamayey mudada badan. Waxaa kaloo qowmiyadan
ka dhashay mujaahidiintii inta ay badda quusaan doonyaha Talyaaniga ee badda
taagan xargaha ka soo jari jirey si ay u quusaan, waxaana loo yaqaanaa REER
XARIN GOOS. Dhamaan iyadoon loo kala harin qowmiyadaha ku nool deeganadaas waa
kuwii ku wiiqay gumeystaha lafihiisana waray LAFOOLE in kastoo maanta lafo kale
oo xaqdara ah laga dabageeyey!
Waxaa jira deegaanadaa Jareerta ka sokow Jileec la yaso oo loo yaqaan
HEBELOW waxaan filayaa in magac loogu yeedhaba lagaran waayey maadaama ay
Soomaalida kale ay horey uga laasatay!
Dadkan loo yaqaano Hebelow waxa ay ka soo jeedaan qabiil ahaan ABDHAARE oo
ah Cawra Male Curadkiisa, waxaana la dhashay carruur fara fadan. Akhristow waxa
la yaab leh in Abdhaare uusan nasab ahayn laakiin walaaladii ay yihiin nasab
aan sina loo takoori karin! Waxaan filayaa Abdhaare waa la takooray fal xun uu
sameeyey awgii!
Tusaalaha ugu fiican ee dadka Soomaaliyeed ay ku daawoobi karaan waa
takoorkii la takooray beel ka mid ah AJUURAAN oo loo yaqaano GEEL BARIIS. Geel
bariis, sidaad magaca ka fahmasaan wuxuusan ka kicin hashii bakhtiga ahayd,
halka uu walaalkii inta uu cunay uu ka guureeyey.
Waxaa Ajuuraan go’aan ku gaaray in la takooro (tag seer) oo aan laga guursan
9 FAC. Laakiin hadda waa la guursadaa oo nasab buu noqday waayo wakhtigii loo
qabtay ayaa dhamaaday! Bakhtigii uu cunay wuu ka dhaqmay!!!
HADDABA GOORMUU AJIGU FAHMAYAA DULMIGIISA!!!!!!!!!!!!
INTEE FAC BAY AJIGA AWOOWAYAASHOOD QABSADEEN!!!!
Waxaa ka qayb qaatay warbixintan Sh. C/Kariin
eediran@yahoo.com
C/Rahman A,Kaneec(C/Rahman Eelay)
Waa Yaabe Xaguu ka Yimid Magaca YIBIR!
[Eelay]
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|