Dabayaaqadii bishii Juun ee ina dhaaftay ayaan tagey
magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, si aan uga qayb galo kulan-aqooneed,
dhaqaneed, iyo suugaaneed lagu qabanayey magaalada Jabuuti. Aniga iyo rag kaloo
saaxiibadey ah waxaan sii raacnay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo
Airlines oo naga qaadday magaalada Boosaaso. Kulan-aqooneedkan waxaa soo
qabanqaabiyey Naadiga PEN ee hal-abuurka iyo Qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla
ee Naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL. Kulankan waxaa loogu magac daray “Toddobaadka
hal-abuurka Soomaaliyeed”, wuxuuna ka koobnaa saddex hawlgal oo is
feer-socday, kuwaas oo kala ah shirweynahii labaad ee Naadigan PEN, dood-wadaag
aqooneed iyo bandhig fan iyo suugaaneed. Guud ahaan dadkii kulankan kasoo
qaybgalay oo kor u dhaafayey 100 qof oo isugu jirey Soomaali iyo ajnabi waxay
ka kala yimaadeen Jabuuti, (Somaliland, Puntland, Koorfurta Soomaaliya),
Itoobiya, Keenya, Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Carabta.
Maalintii furitaanka kulankan, waxaa la naloo qaybiyey galal
ay ku jireen qoraallo loogu sii tala-galay ka-qaybgalayaasha iyo marti
sharaftii kale ee lagu casumay munaasabadda furitaanka. Galalkii la qaybinayey
waxaa dusha kaga qornaa erayadan: “Shirweynaha labaad ee Naadiga PEN ee
hal-abuurka iyo qorayaasha ku hadla Afka-Soomaaliga, iyo toddobaadka
hal-abuurka Soomaaliyeed, 24/06 - 02/07/003, Guriga ummadda ee Jabuuti,
Jambuuriyadda Jabuuti. Waxaa taageero ka geystay Dahabshiil iyo Daallo
Airlines”
Inta aanan furin galkii i horyaallay ee ay erayadaasi ku dul
qornaayeen, waxaan durba is-weydiiyey nooca ay noqon karto taageerada ay
shirkadahaasi bixiyeen, waayo waxay aniga ii ahayd markii iigu horreysay ee aan
maqlo shirkado Soomaaliyeed oo taageero ka geystay kulan-aqooneed caalami ah oo
dunida daafaheeda la isaga yimid. In kastoo aan xog-ogaal u ahaa in shirkadaha
caalamiga ah ee dunida horay u martay ay kaalimo firfircoon ka qaataan
mashaariicda horumarineed ee dalalkooda iyo dadkooda, iyo weliba gurmadyada
caalamiga ah, misana marna ma aanan filayn in shirkadaha Soomaaliyeed ay
xilligakan adag gaari karayeen biseylka heerkaas oo kale ah. Waxaan is-weydiiyey
in ay shirkadahani dareemeen in horumarka ganacsigoodu uu ku xiran yahay
taageeridda barnaamijyada horumarineed ee dalkooda iyo dadkooda!!
Dhanka kale, marna la-yaab iguma ayan noqon in dowladda iyo
Shacabka Jabuuti ay mar kale dhabarka u riteen martigelinta iyo maalgelinta
kulankan sidan oo kale u ballaaran, waayo qof kastoo Soomaali ah wuxuu si weyn
uga dheregsanaa 13kii sano ee ay Soomaaliya dhulka taallay in dowladda iyo
shacabka Jabuuti ay hormood ka ahaayeen dadaal kasta ee ku wajahnaa daryeelka
danaha ummadda Soomaaliyeed.
Kulankan waxaa furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md.
Ismaaciil Cumar Geelle oo halkaas ka jeediyey khudbad dhaqaajisay dareenka ka-qaybgalayaashii
iyo marti sharaftii kale ee lagu casumay madasha kulankan. Madaxweynuhu wuxuu
sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti tahay cidda ugu dhow ee saldhig ama
tiir-dhexaad u noqon karaysa daryeelka afka iyo dhaqanka la wadaago inta ay soo
noqoneyso dowlad Soomaaliyeed oo leh awood ay xilkaa ku qaaddo mar kale, isagoo
kulankan iyo xarakadda PEN u rajeeyey garab-gal Eebbe, islamarkaana hoosta ka
xarriiqay in Jamhuuriyadda Jabuuti aysan waxba ka hagran doonin intii
karaankooda ah.
Ka hor khudbadda furitaanka Madaxweynaha Jabuuti, waxaa
iyaguna halkaas warbixinno kasoo jeediyey Nuuradiin Faarax oo ah qoraa sare oo
wax ku qora afka Ingiriiska, balse si weyn looga yaqaanno geyiga Soomaalida iyo
dunidaba, iyo qoraa sare Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah guddoomiyaha Naadiga
PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla, hormuudna ka ahaa
qabanqaabada kulankan. waxayna labadooduba dhowr jeer kusoo ceceliyeen mahadnaq
iyo bogaadin ku aaddan taageerada ay dowladda Jabuuti iyo shirkadaha Dahabshiil
iyo Daalo Airlines ka geysteen suurtagalinta kulankan.
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo warbixintiisa si gaar ah ugu soo
qaaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qabanqaabada kulankan, wuxuu
sheegay in uu magaalada Nayroobi u tagey sidii uu qorshaha kulankan ugu
bandhigi lahaa hay’adaha samafalka caalamiga ah ee sheegta in ay Soomaaliya ka
shaqeeyaan, balse haatan saldhiggoodu yahay magaalaada Nayroobi, wuxuuna intaas
raaciyey in uu dadaal dheer u galay sidii hay’adahaas dhaqaalaha faraha badan
kusoo qaata “wax-u-qabadka Soomaalida” uu ugu qancin lahaa in ciddii ku
andacoonaysa “Soomaali baan wax u qabanaynaa” ay waajib ku tahay taageeridda
qorshaha kulankan oo ay ujeeddadiisu tahay dhuraynta iyo dhiirrigalinta
hal-abuurka iyo qorayaasha Soomaalida, si ay kaalinta kaga aaddan uga qaataan
sidii dhaqan nabadeed iyo dib-u-dhis looga taabbagalin lahaa geyiga Soomaalida
iyo weliba Geeska Afrika.
Lamood noqonse weyday. Dr. Afrax wuxuu magaalada Nayroobi
kala soo noqday hungo, hase yeeshee wuxuu sheegay in uu soo ogaaday in " wax
sidan oo kale u qiime badan cidda keliya ee u diyaar noqon karta in ay gacan ka
geysato in ay tahay ciddii lahayd”.. Sidaas awgeed, Dr. Afrax wuxuu qorshihii
qabanqaabada kulankanka dib ugu soo celiyey “ciddii lahayd” kuwaas oo ay
hormuud u noqdeen dowladda iyo shacabka Jabuuti, oo uu mayalka u hayo
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyo dhanka kale qaar ka mid ah madaxda
shirkadaha Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay. Labadaa dhinac oo iskaashanaya
waxay isla markiiba dhulka ka qaadeen qorshihii kulankan hal-abuurka ee ay
hay’adaha samafalka ee shisheeye ku soo bahdileen magaalada Nayroobi.
In kastoo aan laysku wada raacsanayn jawaabteeda haddana dad
badan oo ka mid ah ka-qaybgalayaashii kulankan ayaa isla markiiba bilaabay in
ay is-weydiiyaan su'aashan: ciddii markeedii horeba dooneysay in aad afkeeda ku
beddesho afkaaga hooyo dhaqankeedana qaadato sidee bay gacan kaaga siin
karaysaa horumarinta afkaaga hooyo iyo dhaqankaaga kuu gaarka ah?
Saacadihii ay socdeen khudbadaha furitaanka kulankan, waxaan
mar kasta is-weydiinayey nooca taageerada ay bixiyeen shirkadaha Dahabshiil iyo
Daallo Airlines, iyadoo dhanka kalena ay igu sii kordhayeen dareen farxadeed
iyo mid ku-digashaba; waxaan sii sawiranayey naxdinta iyo u-qaadan-waaga ku
dhici doona hay’adihii samafalka ee magaalada Nayroobi dhoobnaa, ka dib marka
ay maqlaan in dowladda iyo shacabka Jabuuti iyo shirkado Soomaaliyeed oo
iskaashaday ay buuxiyeen kaalimihii dhalanteedka ahaa ee ay Deeq-bixiyeyaasha
kaga lacag qaadan jireen. Waxaa hortayda ku sii qormayey sida fudud ee ay u
qaldi doonaan Ddeq-bixiyeyaasha sida indho la’aanta ah lacagta ugu dhiiba,
waayo waxaa hubaal ah in ay Deeq-bixiyeyaashu ogaan doonaan inuu qabsoomay shir
Soomaaliyeed oo caalami ah oo aysan ka dhex muuqan hay’adihii lacagaha kaga soo
guran jirey wax-u-qabadka Soomaalida.
Duhurnimadii markii la soo gunaanaday kulan-hawleedkii
maalintaas, waxaan ku dhaqaaqay waraysiyo kala duwan oo aan la yeeshay guddigii
qabanqaabada iyo ka-qaybgalayaashii kulankan, si aan u ogaado nooca taageerada
ay bixiyeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines iyo dareenka ka-qaybgalayaasha
kulankan ee ku aaddan taageeradaas iyada ah. Run ahaantii, ma aanan dooneyn in
aan waraysto madaxda shirkadahaas oo aan hubo in aan ka heli karey xog intaas
ka badan, waayo ujeeddadaydu waxay ahayd oo keliya in aan cabbiro dareenka
dadka caadiga ah ee kulankan ka soo qayb galay, kuwaasoo si weyn ugu diirsaday
kaalinta aan la caadeysan ee ay shirkadaha Soomaaliyeed ka qaateen
suurta-galinta kulan-aqooneed noocaan ah.
Guddiga qabanqaabadu waxay ii xaqiijiyeen in Shirkadda
Daallo Airlines ay kulankan ku taageertay tikidho lacag la’aan ah oo ka-qaybgalayaasha
kulankan ay kusoo raaceen kuna sii raaceen diyaaradaha shirkaddan ee u kala
goosha dunida dacalladeeda, halka shirkadda Dahabshiil-na ay ku yaboohday lacag
caddaan ah oo aan cadadkeeda la ii sheegin taas oo gacan weyn ka geysatey
kharashka hoteellada iyo cuntada ka-qaybgalayaasha.
Sida la wada xusuusan yahay qaran-jabkii Soomaaliya wuxuu
saameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha dadka Soomaaliyeed. Ka-sokow
burburkii dowladnimadii Soomaaliya, waxaa mar qura la waayey dhammaan
adeegyadii bulsho. Waxaa burburay hay’adihii dowliga ahaa ama kuwii gaarka loo
lahaa ee adeeg-bixinta. Waxaa kala xirmay ganacsigii iyo isu-socodkii dadka.
Waxaa la boobay dhammaan xarumihii iyo agabkii adeegyadaas lagu fulin jirey. Ma
aha wax lala yaabo in ay dowladi burburto, waxaase naxdin iyo caloolyowba leh
in Qaran muddo dheer soo dhisnaa uu mar qura jiritaan beelo, ummaddii lahaydna
ay ku kala oodmaan xayndaabka qabyaaladda.
Muddadii ay dagaallada sokeeye ka oognaayeen Soomaaliya,
waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayey baahida loo qabo buuxinta
kaalimihii ay banneeyeen hay’adihii adeeg-bixinta ee dowladda ama kuwii gaarka
loo lahaa. Waxaan anigu qof ahaan xusuustaa iyadoo reer Puntland ay dhoofka,
qaadashada lacagaha dibedda looga soo xawilo, iyo taleefan-dirsashadaba u
aadaan Addis-ababa iyo Jabuuti.
Kaddib markii ay dagaalladii sokeeye qaboobeen ama ay kusoo
koobmeen goobo gaar ah oo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaa geyiga soomaalida
ka ambaqaaday shirkado fara badan oo loo abuuray ujeeddooyin ganacsi, hase
yeeshee shirkadahaasi badankood waxay ku dambeeyeen hungo iyo burbur, waxayna
badidood eersadeen waabaayadii qabyaaladda, nin jecleysiga, iyo danaysiga gaar
ahaaneed ee horeba u soo halligay qarannimadii Soomaaliyeed.
Shirkadaha fara-ku-tiriska ah ee ka badbaaday aafooyinkaas
isla markaana la soo banbaxay hab-dhaqan cusub oo ka duwan kii lagu wada
sumoobay waxaa ka mid ah shirkadaha Dahabshiil iyo Daalo Airlines oo haatan
noqday shirkadaha ugu waaweyn oo intii karaankood ah u guntan daboolidda
baahida qaybo ka mid ah adeegyadii ay u harraadanaayeen Soomalida ku kala
dhaqan dunida daafaheeda.
Shirkadaha Dahabshiil iyo Daalo Airlines waxaan oran karnaa
waxay ka gudbeen xayndaabkii qabyaaladda iyo nin jeclaysiga, waana taas sirta
ka dambeysa horumarka ay ku tallaabsadeen. Waxay u muuqdaan in ay garwaaqsadeen
in horumarka ganacsigoodu uu ku dhisaalan yahay taageeridda barnaamijyada
horumarineed ee dadkooda iyo dalkooda.
Dhambaalka ugu muhiimsan ee ay gudbineyso tallaabadan cusub
ee ay qaadeen shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines ayaa ah “in ummadda
Soomaaliyeed ay wax qabsan karto iyagoo aan gorof ceebeed la dhex wareegin
hay’adaha shisheeye ee iyaga usoo shaqo tagey”. Waana dhambaalkii uu u
horseedayey Naadiga PEN markii uu ku tallaabsanayey in uu hormuudka
beec-mushtarka Soomaaliyeed ku casumo taakulaynta kulan-weynaha qorayaasha iyo
hal-abuurka. Dareenkan cusub ee abuurmay waxaa dhaqaajintiisa iyo joogtayntiisa
marti loogu yahay garwadeenka dhaqaalaha ee maskaxda furan oo kaashanaya
tacliinleyda iyo indheergaradka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, shirkadaha Dahabshiil iyo Daallo Airlines waxay
jidbixiyeen u noqdeen kaalintii garwadeennimo ee looga fadhiyey ganacsatada
Soomaaliyeed, waana tallaabo bogaadin iyo ku-dayashaba mudan.