SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY
SHIRKA NAIROBI SIDEE LOOGA ARKAA SOOMAALIYA & CAALAMKA ?

Ahmed Sheekh Abdullahi
OSLO , NORWAY
E-mail Ahmedpo@hotmail.com 

 

KAAH

 Salaan qaali ayaan u soo gudbinayaa dhamaan shaqaalaha somalitalk.com meel kasta oo ay joogaan waana ku mahadsanyihiin wada shaqayta bulshada soomaaliyeed again thank you for what you have done somali society.

Waxaa maalamaha magaalada muqdisho ka dhacayay mudaaharaadyo lagu taageersanyahay & kuwa kale ee lagaga soo horjeedo heshiikii dhawaantan lagu gaadhay magaalada nairob ee dalka kenya kaas oo ay soo qabanqaabiyeeen siyaasiyiinta & qabqablayaasha dagaalka ee isku khilaafsan sida wax loo qaybiyay,

qaybta diidan waxay cuskanayaa inaan shirkan himiladooda dan u ahay oo ay wadato cadowga soomaaliyeed ee ETHIOPIA, halka kuwa taageerada u muujiyayna ay ku andacoonayaa in heshiikaan u dan u yahay dhamaan umadda soomaaliyeed .

waana sida ay u arkaanee waxaa sad wayn helay ama heli doonaa qabqablayaasha ay durbaanka u tumaan dowladda MALEZ , halkaas ayaa la isku maan dhaafsanaa ,

Heshiiskan oo 5 bishan July 2003 qalinka lagu duugay magaalada NAIROBI ee xarunta dalka kenya lagana dhagaystay idaacadaha lagana daawday TV,yada dacaladda aduunka ayaa moodaa in lagu kala duwan qaaabka shirka , qodabada shirka, qaybisga ergooyinka & walinbana nidaamka la qaadan karo,

Ergooyinka ayaa laga dhigay 351 waxaa 4 qaybood ee Qabaailka soomaaliya ugu waaweyn yihiin la siiyay min 80 halka dadka kale ama OTHERS loogu yeero la siiyay min 10 taas oo marka horaba muujisay cadaalad daradii laga cararayay,

Miradhalka heshiiskaan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii mudo ka badan 8 bilood ay joogeen ergooyin ka badan 700 oo ka kooban shirka NAIROBI qaybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiinta ururada bulshada aqooyahanda culimaau,diinka inkastoo kaalinta culumiada soomaalieed ay aad u xadidnayad marka loo eego qaybaha kale ee bulshada .

waxaa kaloo shirkan ugu forfircoonaa qabqablayaasha dagaalka oo la siiyay kaalinta ugu fiican oo hormood ka ahaa iyagoo ka mid ahaa ama ugu firfircoonaa qaybaha saxiixay heshiiskii xabadjoojinta ee kal hore magaalada ELDORET ee isla kenya . taas oo ilaa hadda wax lagu fuliayay aysan jirin oo dagaalo ayaa ka jira meelo badan oo soomaaliya ,

wararka ka soo baxaya shirka ayaa sheegaya in mudnaanta koowaad la siiyaya taageerayasha Ethiopia ay naasnuujiso taageerana maamulka buburaya ee MALES ,

Qabqablayaasha ku abtrisada golaha la magac baxay SRRC oo la ogsoonyahay in samayntiisa ay ethiopia ka lahayd dano siyaasadeed ee lagu majaxaabinaya dadaalka nabada ee shirkii DJIBOUTI ee 2000 lagu soo dhisay dowlad loo wada dhanayahay ee soomaaliya

Waana midda keenatay in dowladda KMG ay dhaleecayn u jeediso ethiopia ayna ku tilamaanto gumaysi da'wayn oo aan daacad ka ahayn dhexdhexaadinta soomaaliyeed, xagal daacina ku sameya heshiiska kasta ee la gaadho, iyadoo jabisay xeerkii tilaamayayay cunaqabatayta hubka ee soomaaliya ee ay soo saareern golaha amaanka ee qaramada midoobay sanadkii 1992 .

Madaxwaynaha dowladda KMG ah ayaa si kulul u weerary dowladda ETHIOPIA Isagoo ku dhaleeceeyay inay hub & saanad u qaybiyaan kuwa ay naasnuujiso ee burburiyay dalkii hooyo waxuuna ku tilmaamay gumaysi wayn oo xididaysatay kana shaqeeya burburinata heshiiyadda sida wadajirka ah loo gaaro sidaa waxaa yiri : cabdi qaasim salaad xassan madaxwaynaha dowladda KMG ah ee soomaaliya markii uu hadal kulal ka jeediyay shiraka umaddaha afirka "AFRICAN UNION " ee lagu qabtay magaalada MAPUTO ee dalka MOZAMBIQUE , [EEG HALKAN]

Dhaleecaynta kulul ee mas'uulka u sareeye ee dowlada KMG ah u soo jeediyo ETHIOPIA ayaa fajiciso ku noqotay dowladahii afrikaanka ahaa ee shirka ka soo qayb galay iyadoo afhayeen u hadlay ra,isul wasaaraha dowladda tabarta daran ee ZINAWE uu dhalaycaynta ku tilaamay wax ka soo qaad la,aan. isaga oo yiri mas,uulkeena kuma qasbi karo shacbiga soomaaliyeed wax aysan doonayn taas oo laga dhadhansaday in loo jeedo Dowladda KMG ah ee uu horboodo DR ABIDKAASIM ,

Si kastaba ha ahaatee isjiidjiidashada labadan dowladood ee dariska ah ayaa waxaa soo dhex galay dowladda kenaya oo soo jeedisay in ay heshiis ka dhex samayn doonto labada dowladooda ,

wasiirka arimaha dibadda ee dalka KENYA mr mosayoka ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali kari in labada dowladood sidaa lagu fiirsado . isagoo ka hadlayay isla shiraka labaad ee dowladaha AFRICAN UNION uga socday magaalada maputo ee dalka MOZABIQUE isla bishan horaanteedii waxa uu ku baaqay inuu heshiis ka dhex samayn doono labada dowladood ee soomaaliya & ethiopia oo mudo muran xuduud ,mid diineed & mid fikradeed u dhexeeyo ,

iyadoo la ogsoonyahay in dowladda KMG ah uu soo kala dhexgalay khilaaf dheer oo xalintiisa loo adeegsaday DIPLOMACY yiin shisheeye ee maalmihii la soo dhaafay u kala dab qaadayay mas,uuliyiinta ugu sareeysa ee dowlada TNG , [EED HALKAN]

Saddexda nin ee ugu sareeya dowladda KMG ah ay hadlo kulkul is dhaafadeen ayaa waxaa soo baxayo warar sheegaya in laga yaabo in mas,uuliyiinta ay kala raacaan beelahooda maadama uu dhamaaday xiligii dowlada KMG ah ee lagu soo dhisay magaalada CARTA ee dalka Djibouti sanadkii 2000 ,

Warar kale ayaa sheegaya in cabdi qaasim waa madaxwayanaha TNG da uu heshiis la galay madawayanaha cusub ee ismagcaabay , CABDI RAHMAAN DARMAAN kaas oo teegeerayaahiisu ku magcaabeen shir 200 qof ka soo qaybgashay oo ka dhacay magaladad muqdisho MAY isla sanadkan .

heshiiskaan ayaa waxa uu dhigayaa in cabdi qaasim markii uu dhamaysto xlliga KMG uu ka dhaadhaco jagadda madaxwayanah uuna ku soo wareejiyo ciidamada & nidaamka .

Waana madaxwayihii 5aad ee beelaha dega aaga Muqdisho ka dib markii la riday xukuumadii hore ee soomaaliyeed taas oo ka dhigaysa beelahaasi inay u bukaan hanashada xukunka soomaaliya, waxaa mushraxiinta beelahaas ee jagada madaxwayaha ee shirkii carta ee dalka kor u dhaafeen 30 halkan shiraka kan haatan socda ay ka badanyihiin 20 taas oo ka badan soomaalida kale oo dhan,

Haddba taageerayaasha Cabdi qaasim ayaa dhiirigalin ku sameeyay hogaamiayahan kuna tilaamay in xukunkii dad kale gacanta ku dhigi rabaan waana midda ka cadhaysiisay madaxwaynaha TNG oo ku tilaamay in XASSAN ABSHIR & DEEROW shirka laga saaro oo aysan matalin Dowladda KMG , ah ee soomaaliya .

Waa cabdi qaasim waxaa laga dhaadhacsiiayay in xassan abshir & cabdillahi yuusuf ay isla shaqaynayaaan oo ay ka soo jeedaan beel qur ah halka DEEROW lagu tilamaaya inuu wax u raadinyo qabiilkiisa oo soo jabshay taageerayasha xuseen caydiid afar sano ka hor magaalada BAYDHABO sidaasna ku doonayo ina taageerayaasha beeshiisu ay hogaanka soomaaliya qabtaan .

waa yaabe goormuu abdiqaasim la mid noqday wasiirka aan dhicin ee beeshiisa" FAARAX SINDIKO " oo la wada ogsoonayaha in uu umadda SOOMAALIYEED qaybta sports foolxumo badan u soo jiiday waxa uu sport gii soomaaliya ka dhigan meel beel qur ah leedahay qandaraasayda lacagaha deeqaha ah ee ciyaartoyda soomaaliyeed ayaa la ogsoonyahay inuu u isticmaalya danaha qabiilkiisa isgaga oo beelaha aaga Muqdisho oo kaliya ku koobay ciyaaraha waana midda mar walba keenta in naadiyadda ka jira wadamada afrikaanka ah ay ku soo dhuftaan 3 goal haddda qaybtii labaad ee ciyaarta 3 goal CEEB WAYNAA.

Si kastaba ha ahaatee mujtamaca caalamiga ah ayaa welwel wayn ka muujiyanaya Shirkan dabada dheeray oo laga werwersanyahay daboolida kharasha ergooyinka tirada badan ee jooga madasha shirka& walibana dagaaladda soo noqnoqda ee ka soo cusboonaad soomaaliya mar kasta ee heshiis la gaaro taas oo lagu eedayo ETHIOPIA oo noqotay FIRCOONKA GEESKA AFRIKA. [EEG MEYDKII FIRCOON]

waxaad moodaa in shir kasta ee aan dan u ahayn ETHIOPAIA uu burburo maxaa yeelay qabqablayaasha badankooda wax ay hoos yimaadaan ethiopia waxayna si badheedh ah u jabisay xayiraada xaga hubka ee qaramada midoobay saartay 1992 & iyadoo soo gasha dhulka soomaaliya kana baxda markay doonto iyadoo walibana aan laga hadli karin dhulka soomaaliyeed ee kufsiga ay ku haysto ee WESTERN SOMALIA . waxaanay ku riyoodaan ilaa xeebta inay iyagu iska leeyihiin taas oo ka dhigan dhulka soomaaliya oo dhan anaga ayaa iska leh.

isku dirka beelaha , isugu dhiibka hubka shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waa la dagaalkan diinta islaamka & dhaqankeena suuban oo aysan raali ka ahayn gumaystaasha reer yurub & midka kan madow ee ay soo tababareen sidii loo cadaadin lahaa waana mid keenta in hogaamiye walba oo ethioipia soo mara uu wadatashi u aado WASHINGTON, LONDON , PARIS si siminaar loo soo siiyo loona baro cadaadiska & tabaha cusub ee looga baahanyahay inuu adeegsado , wixii qabsoomay & waxii haray ,si loo siiyo kharashka daboolaya ,

Nidaamka federal oo la qaata waa danta ethiopia waayo wax ay rabtaa in sideeda oo kale loo dhaqmo maadaama ay ku nool yihiin 60 qowmiaydood kuwaas oo ku kala duwan diimaha, afka dhaqanka , Waana mid aan marnaba ka suuroobayn soomaaliya maadaama isku dhaqan isku diin isku af & midab ay wadaagaan shacbiga soomaaliyeed taas ayaana la odhan way ka cadhaysiisay oo ay raali ka noqon wayday . iyadoo daba taagan dowlado waaweyn ee gumaysigeeda baarka u fira,

iyaga ayaana soo jeediyay nidaamkan federalka ah danta ay la leedahayna waa inay qaybisaa magaalada muqdisho dhexdeeda lana soo celiyo khadkii cagaarnaa ee loo samayeeyay xilligii STONE AGE ee qaramada midoobay ay samaysay maadamaha sixiixayaasha shirka ay u badan yihiin taageerayaasheeda ay u higaadiso luqadda amxaariga ,

cabdullahi yuusuf yey oo laga dhigaa madaxwaynaha soomaaliyeed waa dhurwaagii reer cuni jiray oo mar labaad laga furo boqnaha isga oo la ogsoonayaha gumaadka uu soomaaliya u gaystay isgaoo ku caan baxay dad qalatonimadiida cadow u adeegiisan waana ninka kaliya ah ee EHIOPIA wadato taas macnaheedu waxa weeye sii CHARLES TAYLOR oo la ogaa gumaadkii u gaystay umadda LIBERIA ee haddana loo ogalaaday in madaxwayen looga dhigo dadkii uu hooyinkooda aabyaalkooda walaalahood laayeey oo la ogayahay hadda inay ku liidato oo maraykanku gacan u fidin la, yahay

dadka arintan u dhuun duleela ayaa ka dayrinayaan shirka kan kuna tilaamaya inaysan wax rajo yididiilo fiican leh laga sugayn . shirka dabada dheeraaday ee ku dhaw sanadka iyadoo dowlado waaweyn ay ka mid yihiin kuwa aan doonayn inay arkaan soomaaliya oo cidhbaheeda is ku taagta si kastaba ha ahaatee waa sidii ninkii yiri walee reerkan ayaa guurin

Maqaalkan waxaa soo diyaariayay ahmed sheekh abdullahi OSLO , NORWAY wixii jawaab ah waxaa lagu hagaajin karaa E-mail Ahmedpo@hotmail.com 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD