Gumeystuhu wuxuu Soomaaliya yimid isagoo ka war haya sida ay Soomaalidu u
kala degan yihiin, sida uu dhulkoodu u eg yahay, sida ay isu colaadiyaan oo isu
takooraan, diinta ay aaminsan yihiin iyo weliba taagta iyo itaalka ay leeyihiin.
Waxaan la soconaa in markii ay reer Yurub qaybsanayeen dunida (waxa ugu badan
ay qaybsadeen waa dalalkii Islaamku ka talin jirey. Kuwii la diin ahaa sida
Itoobiya way badbaadiyeen sidii Islaamkuba uu u badbaadiyey; sidaasaa
Itoobiyaanku u yiraahdaan weligeen nalama gumeysan!) waxay u soo direen niman
khubura ah oo soo bartay cilmigii loo aasaasay in dadka lagu gumeysto oo la
yiraahdo Anthropology(Barashada asalka dadka, dhaqankiisa, diintiisa iwm).
Waxay nimankaa cadi gaafwareegi jireen dhamaan deegaanada Soomaaliya iyagoo
qoraya waxay arkaan iyo waxa dadku u sheegaanba. Waxay qori jireen waxa uu
hadba qabiilka ay la kulmaan ugu sheekeeyo. Haddii qabiilkaasi yiraahdo anagu
carab baanu nahay oo dadka kale anagaa ka sareyna way qori jireen. Sidaasay ku
bilaabatay sheekooyinka Soomaalidu ay isugu sheekayso oo ah in qabiil hebel uu
laandheere yahay oo xataa uu Ingriisku ama Talyaanigu ay buugaag ka qoreen oo
ay yaqaaneen!
Dhamaan nimankii Reer Yurub ee taariikhda la inoogu dhigi jirey inay
ahaayeen badmareeno waxay wada ahaayeen niman u sahminaya inay deegaanadii ay
dowladii Islaamka intii ka hadhay ay soo ogaadaan iyo niman diin faafinayey.
Waxaa tusaale aad u fiican ka ahaa geyiga Soomaalida ninkii la magac baxay
Xaaji Abdalla (Richard Burton)qorayna buuga la magac baxay THE FIRST FOOT STEPS
IN EAST AFRICA ee Soomaalida ku dhexnoolaa sanooyin badan ahaana Imaam masjid
markii la ogaadayna baxsaday. Hadaba dadka ay Soomaalidu quursto waxay ahaayeen
dad ka horeeya soomaalida inteeda kale oo waxay yaqaaneen farsamo gamceed.
Markii ay Daraawiishtu bilowday halgankeedii nimankii hubka u samayn jirey
waxay ahaayeen bulshada Madhibaanka. Bal qiyaas akhristoow Daraawiish oo aan
haysan hub xagey gaadhi lahayd. Halganka dheer ee ay la gashay gumeystayaasha
kala duwanse ma hirgeli lahaa?
Maaha sheeko baraleey ee dad la yaqaano oo hadda ay tafiirtoodu joogto oo
aanan doonayn inaan magacaabo bay kasoo jeedeen dadkaa sameynta hubka u lahaa
khibrada. Madhibaan wuxuu ku leeyahay Soomaalida inteeda kale abaal aan la gudi
karin maadaama ay ahaayeen lafdhabarta ileyskii ka holcayey Soomaaliya. Waxay
badbaadiyeen dhaqanka, afka iyo Diinta aanu maanta haysano, waayo qowmiyadihii
aan dagaalamin ee waayey farsamayaqaano hubka u sameeya waa kuwaa oo maanta AF,
dhaqan iyo diin aysan lahayn bay haystaan. Intaa Soomaalidu dagaalka ku jirtay
waa intii Afrika laga faaiideystay oo dhaqan iyo dastuur kale loo sameeyey.
Markaanu ka hadlano halgankii Daraawiishta, Madhibaanku waxay bilaabeen
sameynta hubka marka laga soo bilaabo dagaalkii u horeeyey ee ay Daraawiishta
iyo Ingriisku wada galeen ee ka dhacay Qudhmis. Waxaan la yaabaa sababta loogu
qori waayey buuga taariikhda ee looga sheekeeyo Daraawiishta.