Dhalanteedka: Habka
federaalku wuxuu kala googooynayaa dalka, wuxuuna lid ku yahay midnimada
qaranka.
Dhabta: Federaalku ma
kala googooynayo dalka. Bil caksi, federaalka waxaa loo arki karaa xal
dhexdhexaad ah oo la isugu soo dumi karo gobollada iyo belaaha kala tagay ee
Soomaaliyeed. Federaalku ma sameeyo dawlado kala gaar ah, balse wuxuu baahiyaa
awoodda xukunka oo uu gaarsiiyaa gobollada iyo degmooyinka. Habka maamulka
mideeysan (unitary) isaga qudhiisuu wuu baahiyaa awoodda. Farqiga labada u
dhexeeyaa waxaa weeye, habka federaalka ah, baahinta awooddu waxay ku timaada
heshiis, waxaana lagu qeexaa distuurka. Habka maamulka mideeysanse, baahinta
awooddu waxay ku xiran tahay doorashada dawladda dhexe iyo hadba intii xilal ah
ooy u wakiilato gobollada. Waxaa moodaa in federaalka lagu khaldayo habka
konfederaalka oo ah mid ka kooban ah dawlado kala madax bannaan, haseyeeshee,
wadaaga dano qaarkood sida lacagta, xeerka socdaalka iwm. Haddii dhabahaan loo
qaato hadbka federaalka ah, waxaa dalka ka jiraya hal dawlad qaran oo keliya ah
sida Maraykanka, Kanada iyo dalalka kale ee ku dhaqma habkaan. Waxaa intaas
weheliya, habka federaalka waxaa loo jaangooyn karaa hadba sidii ugu habboon ee
loogaga hirgelin karo Soomaaliya, waxaana lagu talagali karaa inuu tadawur
qaadan karo isagoo la saanqaadaya duruufaha dalka.
Dhalanteedka:
Federaalku wuxuu dhiirigalinaya qabiilka, maadaama gobolladu isu raacayaan hayb
qabiil.
Dhabta: Siday
degmooyinku isu oggol yihiin ama isu raacayaan kuma xirna habka la qaadanayo ee
waxay ku xiran tahay garashada, kalsoonida iyo biseeylka bulshada. Qabiilku,
sida la ogsoon yahay, waa dhaqan ku xidideeystay mujtamaca Soomaaliyeed oo ka
facweeyn nidaamyadaan casriga ah sida federaalka, maamulka mideeysan iwm.
Qabiilku waa kan hadda la go’aansaday in lagu saleeyo dhismaha dawladda cusub.
Haddaba, la iskuma heli karo in qabiilka marna la dareensado marna la dugsado.
Dhalanteedka: haddii
maamulka lagu baahiyo gobollada waxaa la gaaraya horumar.
Dhabta: Magac la qaatay
laguma gaaro horumar. Horumarku kuma yimaado hab la qaatay oo keliya ee wuxuu u
baahan yahay ficil dhab ah, dadaal dheeri ah iyo daacadnimo. Wuxuu u baahan
yahy hoggaan toosan, maamul aan musumaasuq lahayn iyo qorshe cilmiyyesan oo ku
wajahan horumarka dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaa jira dawlado qaatay habka
federaalka oo dib u dhacay iyo kuwa ku horumaray. Waxay isku dhaafeen waa tacab,
tacliin iyo tashiil.
Dhalanteedka:
Federaalku waa hab cusub oo aan weli la tijaabin, sidaas daraadeedna waxaa
shaki ku jira dhaqangelintiisa.
Dhabta: Haddii
dhabahaan loo darso, federaalku ma cusba. Waxaa la baahiyey awoodii maamulka ee
hawlihii iyo adeegyadii waa isla kuwii. Haddaan mitaal u soo qadanno, dugsiyada
waxaa awal laga maamuli jirey magaala-madaxda. Haddii federaal la qaato
dugsiyadu waxay hoos imaanayaan gobollada. Marwalba hawlihii waxbarashadu waa
isla kuwi. Haddii daacad laga yahay wax kasta waa la higelin karaa. Sida
Ingriisku ku maahmaaho: Haddii niyadi jirto farsamo lama waayo. Teeda kale,
hirgelinta habkaan waxaa lala kaashan karaa aqoonyahannada Soomaaliyeed oo
tirada badan, iyo beesha caalamka oo taakuleeyn, iyo talabixin diyaar la ah.
Waxaase la isweeydiin karaa, haddii aan hab cusub la tijaabin oon la
baadigoobin, ma waxaa la rabaa in dib lagu noqdo hab-ku-sheeggii sababay
masiibada manta taagan.
Dhalanteedka:. Haddii
la qaato federaalka oo awoodda la baahiyo, waxaa laga badbaadi doonaa
diktatooriyad.
Dhabta: Federaalka oo
la qaataa damaanad uma aha in laga badbaado diktatooriyad. Diktatooriyadda
waxaa laga badbaadi karaa markay jiraan hay’ado dawladeed oo rasmi ah oon
maqaarsaar ahayn, sida garsoor madax bannaan, barlamaan awood leh, doorasho xor
ah, saxaafad xor ah, sharci loo siman yahay iyo dadweeyne wacyi leh oo
xisaabtamaya.
M. Dalmar |
mdalmar@sympatico.ca