SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ARAGTI
MA GIL-GILO DUQAYTIDA NINKII AW KA SOO GO’AY (jawaab celin SPR)

Axmed Guushaa Cali | E-mail: guushaa2003@yahoo.com

Nayroobi, Kenya

 

KAAH

Bilaash xaytayaal uu wax tarkoodu ku soo ururay inay cid uun aflagaadeeyaan ayaa ayaamahan caadaystey inay qoraallo aan wax dheef ah ummadda Soomaaliyeed u lahayn ku qoraan boggaga Internet’ka. Taas oo liddi ku ah geeddi socodka iyo midaynta bulsho weynta Soomaaliyeed ee kala irdhowdey. Ujeedadooduna waxa weeye inay tuhun iyo shaki kala geshaan shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed ee ku hawlan soo celinta iyo xal u helidda qarankii Soomaaliyeed ee bur-buray.

Waxaa la yaab leh kuwa sameeya ama qora qoraalada huwan dacaayadaha raqiiska ah ee ay sida khaladka ah isaga dhaadhiciyaan inay wax ugu dhimi karaan masuul sare oo Soomaaliyeed. Todobaadkii la soo dhaafay iyo kuwa ka horeeyey ayuu shaqsi magaciisa qariyey oo ku hadlayey magaca ururka aan la aqoon ee SPR, wuxuu faafiyey qoraal uu ugu magac daray: “TARAB TARAB U DILE DOORASHO MA LEEYAHAY” iyo kuwo kale oo aan in la xuso ku fiicnayn.

Shaqsigaasi qoraalkiisa wuxuu ku saleeyey caadifad aan cilmi ku dhisnayn iyo wax ka sheeg qof anba ogayn. “AF CAWO NINKIISUU DHIBAA”. Waxaa wanaagsanyd ninka cay iyo hadaaq dhallaan dan moodey inuu sal muggii u fadhiisto oo ka gaabsado isku dhererinta cid uusan abidkii gaadhayn. “ WAXAAD IIGA DABA QAYLISAA DACAW SIDIISII”.

 Tarab-tarab-u-dile Siyaasadeed Doorasho ma leeyahay?
Qoraal kasoo baxay SPR oo jawaab u ahaa qoraalkii.... GUJI... July 9

SPR Haka Waantoobaan War aysan Cadayn u Hayn
Tayib Cabdishakuur oo jawaab kulul u diray SPR ayaa sheegay in GUJI July 7

Dacwad-suge Doorasho ma leeyahay?
Warsaxaafadeed kasoo baxay SPR ayaa.... GUJI... June 30

 Nin geesigii Seyid Maxamed Cabdulle Xasan aad u nebcaa oo inuu waxyeello u gaysto awood u waayey ayaa ku riyooday isagoo Seyid Maxamed wadnaha hooto kala helay, farxaddii buu soo baraarugey mise gabaahiir cidlo ah ayuu jiifaa, markaasuu Seyidka u tiriyey tix ay kuwani ka mid ahaayeen:

Hootadaan Gol-dheer iyo ka ridey Xanano guudkooda

Wadaadkii sidee uga gabaday waa gol madhantiiye.

Seyid Maxamed oo la yaabban riyada foosha xun ee ninkaas iyo macno daradiisa ayaa tixdan gaaban ugu jawaabay:

Ninka yiri waxbaan gani anoo Gol iyo Cayn jooga

Ee yidhi baddaa Garacad baan gudub u weeydaarshey

Godka lagu cadaabyoow muxuu go’uhu baan sheegay!.

Taas waxaa ka dhigan naakhuudaha lama yaqaan SPR oo iyagu caadaystey wax ka sheegga madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo masuuliyiinta kale ee Soomaaliyeed. Waxaan qoraalkaygan ku soo gunaanadayaa murtida soomaaliyeed ee oranaysa:

Gudo baas mid laga keenayoo garaca mooyaane,

Ma gilgilo duqaytida ninkii Aw ka soo go’aye.

Axmed Guushaa Cali

Nayroobi

E-mail: guushaa2003@yahoo.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD