Heshiiska Dhex maray Maqaabul iyo Sheekhaal aw
Qudub oo ka dhacay Nairobi.
Ridwaan
Xaaji Cabdiweli
Nairobi,Kenya.
ridwanhaji@yahoo.com
WAR SAXAAFADEED
Heshiiska Maqaabul iyo Sheekhaal/Qudub
oo ka dhacay Nairobi.
17/7/2003,
IQRA FM Nairobi
iqrafm@bidii.com
Shir looga wada hadlayay sidii loo xallin
lahaa khilaafaadkii iyo colaadihii hubeysnaa ee ku dhex maray deegaanka
WALDEYNA ee ka tirsan degmada BADHAADHE ee Jubbada Hoose labada beelood ee kala
ah SHIIQAAL OW QUDUB iyo MAQAABUL, ayaa lagu qabtay 12kii Julay 2003, xaafadda
Eastlight ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirka hal abuurkiisa waxaa lahaa odayaal iyo
siyaasiyiin ka tirsan beesha SHIIQAALEED ee uu horkacayo Suldaanka beesha
Suldaan Cabdullaahi Suldaan Moxammed Suldaan Khaliif, dhinaca kale ee gogosha
loo fidiyay waxaa ka yimid odayaal iyo siyaasiyiin uu horkacayo Suldaanka
beesha Suldaan Moxammed Suldaan Cosmaan Suldaan Negeeye. Shirku wuxuu ahaa mid
nabaded , Dib u heshiisiin iyo Sulux dhexmaray labada beelood ee aan kor ku soo
sheegnay.
Dood dheer , falanqeyn iyo is cafis ka dibwaxa
shirka ka soo baxay qodobbadan hoos ku qoran:
1 - In nabad loogu baaqolabada beelood ee ku
dagaallamay Deegaanka WALDEYNA.
2 - In la joojiyo xabbadda iyo colaadda
Hubeysan.
3 - In la magacaabo guddi 6 qofood ka kooban
oo daddexba dhinac tahay oo soo diyaariya sidii shir weyn oo nabadeed loogu
qaban lahaadeegaankii colaadda iyo khilaafku ka dhaceen.
4 - Inta waqtigaa laga gaarayo in ay beel
waliba deegaankeeda si nabad iyo colaad la'aan ah ay ugu noolaato, laysna
dhexmaro.
ISHA: IQRA FM, NAIROBI
Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|