Waxaa dalkan soo jiritaankiisa naf badan oo qaaliya u huray qeybihii kala
duwanaa ee Shanta Soomaaliyeed. Waxaa arrinkaas marqaati u ah halgankii dheera
ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka soo jeedey Galbeedka
Soomaaliya, kaas oo u ahaa saldhig gobonimada Jamhuuriyada Soomaalida. Ma aysan
ahayn macnodarro in dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliyeed si cad loogu qeexay
qorida in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogan dhulkooda hooyo ay
jamhuuriyada ku leeyihiin xaqooda wadaninimo, iyadoo xuduudu aysan noqon mid
xakameysa xeerkaas. Sidaasna waxey jamhuuriyadu ku siisay xuquuqo waxbarasho
iyo mid madaxtinimo dad badan oo soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanada ay
gumeystaan Ethiopia iyo Kenya.
Nidaamka Federaalka ee la damacsan yahay in Soomaalida lagu jujuubo ku
dhaqankiisa wuxuu meesha ka saarayaa xuquuda dadka Soomaalyeed ee ku nool NFD
iyo Galbeedka Soomaalida. Xukuumadaha loo sameeyo maamulada kala madaxa banaan
ayey awoodoodu ku kooban tahay oo keliya danaha qabiikooda iyo degaankooda ee
ku dhex jirta jamhuurida gudaheeda. Wixii ka baxsan xuduudaha jamhuuriyada
waxey nidaamkan ugu muuqdaan dal shisheeye oo bahwadaaga aan ku jirin. In
dadkii Soomaaliyeed iyo degaankoodii si aan looga hadlin ama aan laga fiirsan
iney ergooyinka Soomaaliyeed ee jooga Shirka Mbagathi ay sacab ku gudoon
siiyaan Kiplagat oo qancinaya danaha dalkiisa iyo kan Ethiopia ma ahayn
wax Soomaalida laga sugayey. Dhagarta sidaas u weyn cidmaa iska leh eedeeda?
Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolkii la oran jirey Majeerteenya ayaa sabab u ah
iska dabawareega haysata qaranka Soomaaliyeed, iyagaana sabab u ah oo ku
lamaansan shisheeyaha dalka cadowgiisaa. Cali Yuusuf ayaa bishii
febarwary 1889 la galay heshiisyadii ugu horeeyey ee lala galo gumeystihii
talyaaniga si ay qunsulka Talyaaniga u jooga Cadan uu uga helo hub gacmeed,
dalka Soomaaliyeedna uu sidaas ku soo geliyey gumeysiga Talyaaniga .
Siyaasiyiinta Bari ayaa gacan bidixeeyey reer waqooyiga oo qabyaalad ku
fogeeyey markii ay si niyadsami ah midnimo ula wadaageen koofurta. Iyagaa sabab
u ahaa xasarada maanta ka abuuran Jubada hoose markii ay dowladii
Cabdirashiid ay u qarameysay dadka gobolada Bari dhulbeereedyada degaankaas.
Taariikhdu ma hilmaamin ereygii Muuse Boqor ee uu ka yiri xaruunta
Leegada markii Soomaalidu ay ka arrinsaneysey dhimashadii Cabdirashiid
ka dib cida madax noqon lahayd. Isaga oo bastoolad gacanta ku heysta xabdana
kor u ridey ayuu yiri " dowladnimada laga diley Cabdirashiid dumaalkeeda
aniga leh", ma uusan dhageysan ee jawaabtii ku habooneyd waxaa siiyey Dr
Ismaciil Jimcaale oo ku yiri "marwada marxuunka dumaasheeda adigaa leh
laakiin dowladnimo dumaal ma gasho." Siyaasiyiintaas waxey sabab u ahayeen
in taladu ay farahooda ka baxdo markii ay iyaga naftoodu abaabuleen shirqoolkii
lagu diley madaxweynihii dalka Mr. Sharmaarke, xukunkiina uu sidaas
gacanta ugu galay Siyad Barre oo 10 sanno iyaga hal dhowrayey, sugayeyna
qiilkii uu ku afgembin lahaa.
Dadka Soomaaliyeed oo aan aqoon durugsan u lahayn nidaamka shuuciga ayaa soo
dhoweeyey isbedelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyagoon dareemin macnaha uu
xambaarsan yahay nidaamka cusub oo ay la soo cid galeen xukuumadii milateriga
ahayd. Waxey dadka ku qaadatay 21 sanno iney fahmaan in ujeedada Janaraal
Siyad ay ahayd oo keliya hab u sahlaya in xukunka uu haysto sanooyin badan,
wakhtigaas dheerna ay ummaddu ku mashquulsan tahay barashada mabda' uu wato
nidaamka cusub. Siyasiyiinta Bari iyagoo tixraacaya tilmaantaas, adeegsanayana
xeeladoodii ku dhisnayd kaashiga cadowga Soomaaliyeed ayey dhaqso ciidamo
Ethiopia dalka ku soo dulaan geliyeen isagoo uu hor kacayo Korneyl
Cabdulaahi Yuusuf. Xaalada dembiilahaas ayaa waxey ka turjumeysaa "walee
dalyahow ama kuu taliyey ama ku duleeyey." Si dulinimada iskaashiga
Ethiopia ay u meel mariyaan, danahooda qabiilna ay u meel marto ayey
siyaasiintaas doorbideen sidii Siyad Barre oo kale inay la soo ifbaxaan
nidaam cusub oo ay ku gudbaan wakhti dheer, kaas oo noqday nidaamka federaalka.
Siyaasiyiintaas haddii ay horay u fogeeyeen Waqooyi, maantana ay iska
dheereyeen Galbeed, dadow nidaamka ay Ethiopia ku qancinayaan ma waxey ka fulin
gobolka Bari. Dad badan waxey isweydiinayaan waxa Bari iyo Baydhabo ay ula
ficiltamayaan gobolada waqooyi oo iyagu soo maray qaab ay kula midoobeen
koofurta oo isku duuban. Waxaan qabaa iney tahay siyaasad ay reer Barigu ku
kacsanayaan Baydhabo si ay u si fogeeyaan mowqifka waqooyiga oo ay u arkaan
inuu cabsi gelinayo akhlabiyada ay ku heysan karaan koofurta haddii ay ku soo
biiraan wadaxajoodka.
Siyaasiyiintaas waxey Baydhabo iyo Muqdishu abaal uga doonayaan hubkii ay
Ethiopia ugu soo marisay iyaga si loo xoojiyo dagaaladii sokeeye. Waxaa intaas
ka daran iney ka dhaadhicinayaan dadka Baydhabo in afka Mayga ay ka bixinayaan
heerka lahjad ahaneed ee uu hadda ku sugan yahay ayna u dalacsiinayaan heer
qaran si uu u bedelo booskii afka Carabiga oo aysan jeclayn Ethiopia. Taas
waxey la mid tahay Baydhabo ayaan ka dhigin caasimada Soomaaliyeed. Afka reer
Baraawe iyo Baajuuntuna muxuu noqon. Waxaa mar aan dheereyn ay soo wadaan
siyaasiyiintaas iney yiraahdaan afka Amxaarigu wuxuu noqon af qaran. Imise ayey
ku qaadan kartaa inta dadka Soomaaliyeed ay ka fahmayaan danaha guracan ee
siyaasiyiinta Bari ay ka leeyihiin nidaamka federaalka?
Siyaasiyiintaas waxaa madaxa ka galay xukun qabiil oo ay ku amar ku taagleeyaan,
waana taas mida ay u keeneen maanta nidaam dowladnimo dabacsan oo waqtiga ku
haboon ay marooqsadaan awoodiisa sida Napeolon uu ku sameeyey dalka
Fransiiska ama Hitler uu kula kacay Jarmalka. Haddi aysan soomaalidu
maara u helin ama aysan meel cad iska marin oo si wada jira aysan uga soo hor
jeesan masiibada uga soo hulaabeysa dhinaca Bari waxey Soomaalidu weligeed ku
jiri doonaan kala guur iyo isku duul.
Maamulka Mareykanka oo diidey Madaxweyne Bush in socdaalka uu ku tegey
Africa lagu daro Dalka Ethiopia iyo Mareykanka oo u jiheeyey dunida dhinaca
Liberia ayaa u muuqata hiilo dabacsan ee ka timid dhinaca siyaasada Mareykanka,
taas oo u hiilineysa dhismo qaran oo ay Soomaalidu sameysato, kana madax banaan
siyaasadaha jujuubkaa oo ay wataan Kenya iyo Ethiopia. Sidaasna waxaa ku soo
ifbaxay in siyaasada Soomaalida cagaha dhulka loo dhigo, laguna saleeyo wixii
lagu ansixiyo dood dheer ka dib sida ay qabto inta badan. Dhaqaale iyo ciidamo
shisheeye oo la keeno Soomaaliya ma muuqato saansaantoodu wakhti dhow inta
xaalka Liberia laga soo jeesanayo. Sidaas daradeed ayey arrintaas waxey fariin
u tahay siyaasiyiinta Bari oo noqday waraabihii inta u dhacay xeero xoolo ka
buuxdo kala boodey mandheer. Waxaa haboon in ergada Soomaaliyeed ay u soo
noqoto danta guud, kana tanaasusho qiyaamada cadowga dalka Soomaaliyeed loogu
gacan gelinayo. Dalka oo cadowga looga hiiliyo ayey ku jirtaa danta guud ee
Soomaaliyeed, intii la is tusi lahaa wada xajood danta laga leeyahay ay tahay
in hal qabiil uu ismaamulkiisa ama madaxbanaanidiisa ama doonistiisa
madaxnimada dalka uu ku dumin lahaa dalweynihii Soomaaliyeed iyo
dowladnimadiisa qaran ahaneed.
Afartan sanno kadib in la yiraahdo dalkii Soomaalida ha loo sameeyo nidaam uu
shisheeye dibeda ka soo qoray waa arrin xadgudub ku ah dhismaha qaran
soomaaliyeed oo madax banaan. Nidaam cusub qaadashadiisu kuma timaado wax koox
siyaasiyiina ay hal mar la soo boodaan. Waayoaragnimada dal uu ka soo maray
dowladnimadiisa iyo biseylka dadka oo soo mara wakhti dheer oo fursad u siisa
sidii ay uga baaran degi lahayeen wixii cusub oo la qaadanayo ayaa ah jidka
keliya ee ummaddi u marto hanaanka ay ku qaadaneyso nidaam cusub oo siyaasadeed.
Daraasad dheer kadib oo lagu soo diyaariyey ayey aqoonyahanka dalku ku soo
bandhigaan nidaamka cusub si ay ugu suurtowdo dadka dalka u dhashay in laga
qaado afti lagu ansixinayo qaadashada rasmigaa ee nidaamka cusub, kaas oo
isbedel weyn ku abuuraya qaabka dowladnimada Soomaaliyeed, dadkuna ay diyaar u
yihiin iney la saanqaadaan.
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com
QORAALADII HORE EE DR. SICIID
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri