SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

KENYA OO DHEX-DHEXAADINEYSA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA

WARKAN: People Daily | Reuters | Sunday Standard
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Canada | July 13, 2003

  • "Itoobiya waxay majaxaabo u dhideysaa ifka soo baxaya ee Soomaali Xoog leh, Midaysan, oo Firfircaan" C/Qaasim

  • Zenawi waxa uu eedaynta C/Qaasim ku tilmaamay "wax macna darro ah" ama caqli gal ahayn.
     

KAAH

Wasiirka arimaha dibadda Kenya, Stephen Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in Kenya isku deyi doonto in ay dhex-dhexaadiso Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaa arintani ka dambeysey kaddib markii ay Soomaaliya ku eedaysay Itoobiya in ay si joogto ah u faragelienso arimaha Soomaaliya, sidaas waxaa maanta (July 13) wersey jariidada Sunday Standard oo kasoo baxda Nairobi.

Wararysi uu bixiyey wasiirku asagoo jooga Maputo, Mozambique, ayuu sheegay in bilowgii shirka Midowga Afrika  (AU) ee halkaas kasocda ay labada dal ee Somaaliya iyo Itoobiya is weydaarsadeen hadalo kulkulul, kuwaas oo ka dambeeyey kaddib markii uu madaxweynaah DKMG, Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan shirka ka akhriyey khudbad uu si kulul ugu eedaynayey in Itoobiya ay dhinac xumaanta ka taagan tahay geedi socodka nabada Soomaaliya.

Kalonzo waxa uu yiri Kenya waxay isku deyeysaa in ay in isu soo dhoweyso labada dal (Somaliya iyo Itoobiya), waxana intaas ku daray in madaxweyne Mwai Kibaki uu dhex-dhexaadin doono labada dal si xal loogu helo iska soo horjeedka dabada dheeraaday, kaas oo carqalad ku ah nabada iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Itoobiya waxaa aad uga xanaajiyey kaddib markii uu C/Qaasim Salaad Xasan sheegay in faragelinta itoobiya ee Soomaaliy ay tahay mid ka soo hor jeeda cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobey kusoo rogeen Soomaaliya.

"Waxaan qirayaa in mudadii saddexda sano ahayd ee ay jirtey DKMG ah in ay qaban lahayd wax badan haddii aysan jiri lahayn faragelinta joogtada ah, isla mar ahaan taasna ah maalin kasta, ee ay Itoobiya ku wado arimahanaga gudaha" ayuu yiri C/Qaasim.

C/Qaasim S. Xasan waxa uu sheegay in uu Addis Ababa u diray wafti sama-doon ah si uu Itoobiya ugu qanciyo in ay caawiyaan Soomaaliya si ay lugeheeda ugu istaagto.

Waxa kale oo uu C/Qaasim sheegay in uu laba-jeer u socdaalay Itoobiya asagoo wada isla dhambaalkaas sama-doonka ah, laakiin taasi wax is-bedel ah kama keenin dhanka Itoobiya ayuu yiri.

Waxa uu madaxweyne (C/Qaasim) Itoobiya ku eedeeyey in ay abuureen koox mucaarad liita ah si ay u majaxaabiyaan DKMG. Waxana uu sheegay in kooxdaas mucaaradka ah ee ay Itoobiya abuurtay in ay ka kooban tahay kooxaha kasoo horjeeda DKMG. Waxana uu taas ku sii daray in warbixinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay sheegtay in Itoobiya ay tahay meesha ugu weyn ee hubku kasoo galo Soomaaliya.

C/Qaasim oo ka hadlayey joogitaanka ciidamada Itoobiy aay joogaan Soomaaliya, waxa uu soo xigtey warbixinta Qaramada Midoobey asagoo yiri, "Itoobiya gacan weyn ayey ka qaadatay joogitaanka ciidankeedu ay joogaan Soomaaliya, taas oo Itoobiya ay weerartay isla mar ahaan taasna ay qabsatay qaybo ka mid ah Soomaaliya". Ayey warkii kusoo gabagabaysey jariidada Axada kasoo baxda Kenya ee Sunday Standard.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Dhanka kale hay'adda wararka ee Reuters oo faallo dheer ka qortay eedaynta madaxweynaha DKMG uu Sabti July 12 u jeediyey Itoobiya ayaa sheegatay in Dawlada Kumeel Gaarka ah ay Itoobiya ku eedaysay in ay hub siiso fallaagooyinka, iyo in ay Itoobiya curyaamineyso wadahadalka nabada ee ka socda Kenya, waxana uu (C/Qaasim) ugu baaqay Itoobiya in ay joojiso faragelinta arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Reuters oo hadalkeeda sii wadata waxa ay qortay in Cabdiqaasim Salaad Xasan, oo ah madaxa Dawladda Kumeel Gaark ah oo la sameeyey 2000, taas oo ay aqoonsan yihiin 53-dal ee xubanaha ka ah Midowga Afrika laakiin aan laga aqoonsanayn dunida inteeda kale, uu ku sheegay qoraalkii Sabtida (July 12) in Itoobiya ay ku eedaysan tahay abuurista deganaan la'aanshaha Somaaliya iyo in ay taageereyso qabqablayaasha dagaalka ee burburiyey Soomaaliya. Waa sida ay warka u dhigtay Reuters.

"Hadalkii oo kooban, Qorshaha Itoobiya waxaa weeyey in ay majaxaabo u dhigeyso shaaca soo ifaya ee Soomaali Xoog leh, Midaysan, isla mar ahaan taasna firfircoon" ayuu yir C/Qaasim.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Itoobiya, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, waxa u beeniyey eedayntaas madaxweynaha DKMG, waxana uu eedayntaas Zenawi ku tilmaamay wax "macna darro ah" ama aan caqli gal ahayn.

"Waxa keliya ee ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu ku eedaysan yahay waa in uusan dadka Soomaaliyeed khasab kaga dhigin in ay raacaan C/Qaasim Salaad Xasan. Waxa uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya rabaa wada-hadal nabadeed oo laga soo wada qayb galo, taas oo ah mid lawada ogsoon yahay" sidaas waxaa yiri sarkaal lasocda waftiga ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo jooga shirka Mozambique.

Reuters waxa ay xustay in isku daygii Maraykanka ee ahaa in uu nidaamka lagu kusoo celiyo Soomaaliya uu ku dhamaaday khasaare kaddib markii uu magaalada Muqdisho dagaal ka dhacay October 1993 ay ku dhinteen 18 askari oo Maraykan ah iyo boqolaal Soomaali ah oo isku jirey dagaalyahano iyo shacab.

Dhanka kale wargeys kasoobaxa dalka Shiinaha oo lagu magcaabo People's Daily ayaa sheegay in uu waraysi khaas ah la yeeshay C/Qaasim Salaad Xasan, waxa uu wargeysku sheegay in C/Qaasim yiri asaasida iyo hagidda nabadda ee gobolku (Afrika) waxay muhiimad weyn u leedahay wadamada aan deganayn sida Soomaaliya.

Waxa uu wargeysku intaas ku daray in madaxweynaha DKMG uu yiri "Iska hor-imaadyada kale ee qaaradu waxa ay markiiba dareen degdeg ah ka helaan wadama Afrika iyo quwadaha shisheeyeba, laakiin caalamku, gaar ahaan Afrika, waxay dayaceen ama iska ilaaween Soomaaliya."

ISHA WARKAN: People's Daily | Reuters | Sunday Standard
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Canada | July 13, 2003

LATEST NEYWS FROM SOMALIA: www.somalitalk.com/news/somalia

-dhammaad-

Prof. Samatar oo Eedeeyey Kiblagat
waa "in la helo shaqsi hoggamiya shirka oo la bedelo Kiblagat".. GUJI..

Ciidamada Nabad-Ilaalinta ee Soomaaliya
oo ay kaalmo u raadineyso Dawlada Kenya GUJI.. [Ibrahim Max'dDeeq]

Kulan Islaami ah oo ka Dhacaya  Leicester, UK
Kulankan oo ay agaasimeen Soomaalida Leicester. GUJI. [Salaaxudiin]

Booliiska Nairobi oo Soo Laba Kacleeyey
Booliiska Xaafada Islii oo Dhowaanahan Laga nastay ayaa.. GUJI July 12


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD