SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Somaliland Waxay Doonaysaa Somaliweyn

Roble M Issa Quruurux
Issa119@hotmail.com

 

Somaliland waxay mudo dheer higsanaysay midnimadda 5 shanta somaliyeed , waxaanu ku hindisoonaa habayn iyo dharaar in illaahay weyni nagu guuleeyo Somali oo mid ah oo 5 tii gobol ee gumaystuhu u qaybiyay ka soo kabtay kana mid noqota caalamka khariidadiisa (mapkiisii) iyadda oo dhan, Somaliland waxay u baaqaysa waddani kasta oo somaliyeed oo xalaal ah inuu ku dhiidhiyo kuna himiloodo habayn iyo dharaar in uu arko Somali oo mida ,waxay somalilandersku doonayay inay helaan dariiq ku haboon ee ay mar uun ku arki lahayeen midnimo somaliweyn .

Waxaan bar yahan danbe soo baxay in rag ku eedeeyanaan Somaliland inay Somali qaybinayso , oo kale gooyanayso , Somaliland waligeed ka hadhi mayso midaynta Soomaalidda iyo unkidda somaliweyn , kana magan san mayso caade qaataha gumaysiga u shaqeeya ee aan naxariis iyo Somali nimo midna lahayn. Somaliland waxay jeceshay waddani kasta oo soomaliyeed oo sharaf iyo cis u sameeya dadkooda , Distrooka Somaliland waxaa ku qeexan in waddani kasta oo somaliyeed 5 gobol kuu doono haka soo jeedee inuu ku dhaqnaan karo waddanka sida muwaadiinta kale . taa macnaheedu waxay ku tusaysa in Somaliland ay Somali weyn isugu mid tahay.

Somaliland midawgii somalia ay la gashay ee ay ku doonayay somaliweyn inay ku gaadho waxaa baabi'iyay waa laga war qabaa , reer koonfurku waxay moodayaan in taariikhdu qarsoon tahay , ama Somaliland ay afka baarkii eed anay qabaan ku fuulayso.

Waxay Somali inteed kale oo dhan og yihiin in reer konfurku hagradeen oo hagardaameen himiladii figradii somaliweyn . iyo cidda hakisay , haddii konfuri baabi'isay midnimaddii umadda, ku baabi'in mayno himiladdayadii halkaa lakiin maanta ayaanu u aragnaa inaanu Somali waddi karo oo aanu soo dhaafnay jilaafooyinkii iyo lugooyaddii loo dhigay himiladdii Somali weyn ,maanta ayay somaliland u gacan banaan tahay in ay somali midayso, illahayna waxaanu ka bar yanaan in uu dadka somaliyeed xaqa tuso oo ka soo reebo daalinkii Somali kala jabiyay, kuwii israacayana kale dirayay, kuwii maqnaana aasay.

Waxaa marqaati cad kuu aha inay Somaliland calankeeda , waxaa ku dhexe taal xidig madow halkii markii hore ay cadaanka ka ahayd balse la ogaaday inay ay Somali dhammayn sidadarteedna laga dhigay madow iyadda oo lagu suuraynayay Somali oo kale dhanta.

2- Somaliland waxay doonaysa inay somaliweyn hesho una noqoto bar unug iyo Ifiyo ilays dheer oo laga bidhaansaddo midnimadda umadda somaliyeed

2- iyadda Somaliland u waaya arag ah sifihii iyo qaabkii loo baabiyay himiladii somaliweyn ka dib midnimadda labadii gobol waxay aaminsan tahay in lagu doono hanaan ka horumarsan kii hore kuna salaysan aqoon iyo foojigaan badan oo looga yeelanayo cadowga kula diirka ah ee aan kula damiirka ahayn ,iyadda oo og in haddii midnimadda konfur lagu noqdo ay tahay in mar kale la aasay midnimaddii somaliweyn koonfurta oo ay aad ugu xoogan yihiin cadowga midnimadda umada somaliyeed awgeed .dadka somaliyeed ma dareensana intooda badani taa , balse Somaliland ay ka dharagsan tahay xaqiiqadda uguna baaqayso wax garad kasta oo somaliyeed inuu xaqa fahmo

3- Somaliland maanta waxaad ka dheehan kartaa sifihii Somali dhab ah lagu yiqiinay haday tahay anshaxa dagaalka , nabada , dhaqanka ee ku salaysan abiyo odaya raaca .samo iyo sabaalo wadka waayeelka iyo nabadaynta beelaha iyo deegaanadda Somaliland, dowladnimadda uma taaqano in lagu baryo tago caalamaka iyo inay masuuliyaddu tahay wax dadka iyo dalka lagu booboo , Waxase u taqaan in lagu adeego bulshadda laguna gaadhsiiyo horuumar nololeed.

4- waxay ay tusaysa qofkasta oo dhiig somaliyeed lihii inuu maanta arko halka ay Somali taalo , 5 gobolba , inta ay ku dhaqan , waxaanu ka uurku taaloonaynaa inaan nala fahmin oo hororkiiiyo dadqaadkii Somali kale kaxeeyay la moodayo waddani , isaga oo dadka meel gaaban waxa ka tusaya oo odhanaya reer waqooyigu Somali bay kale gooyanayan , maxaa lagu sameeyay kacaankii baa dhibka wadaya, balse xaqiiqaddu Somaliland maha in ay ka duday dhib loo gaysatay mid kacaan iyo mid kale toona , ee waa faro madhnan iyo hungo ay kale kulantay himiladdii somaliweyn markii ay la midowday koonfur oo aan diyaar u ahayn isu keenka 5 somaliyeed , Somaliland waxay u ragtaa inay wadda qaloocan tahay in midnimadda somaliweyn loo maro kale halkii lagu hungoobay ee sababtay hooga illa maanta shidan laguna riiqday

Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! 

SNM waxay meel marisay balanqaadkii xasan keyd,

5- waxay somaliland hareeraha ka dugsataa walaalaheed somaliyeed , Djabuuti iyo Somali galbeed oo ay wanaag iyo wadda dhalasho kuwadda dhaqanayihiin, bal u fiirso kale duwanaashaha u dhexeye somalidda , baabuurka Berbera ka baxaa waxa uu tagaa , Somali galbeed gobol walba Jigjiga , Goday , Qalaafo ,Dhagaxbuur, Shilaabo , Qarbidahare iyo dhamanba dalka oo dhan dadku sidaa isu dhexe mushaaxayo oo aan laba cali is haysan , qolana la kale hiifayn, haddana waa qabaa in Djabuuti sidaa si leeg dadku sadexadda dalba way isu maraan waana isugu mid bal waxaanu ka sheegno , marka laga reebo marmar dowladuhu is ku maan dhaafan arimo siyaasadeed , balse ka baxsan wadda noolashaha shacabka , konfur oo aanu ugu saaxiib sanaaan lahayn Somali ayaan daro waata maanta ugu liidata ee aan la gali Karin .waana kuwa aanu isugu fahan daranahay maanta.

6- waxaa la yidhi oodi ab ka dhow , dee waa naga kiin dhow yihiin labadan dal sidaa darted iyaga ayaanu midnimo ka baadi doonaynaaaaaaaaa, markaanu sadexdaydu is helo NFD, waanu helaynaa idinkuna noogu danbeeya oo marka aanu idin kale saaro Somali iyo Somali jabiye noo kalaya .

sawirkani (waa sawirka kor ka muuqada) waxa uu ka mar qaati kacayaa inay Somaliland iyo dadkeedu horseed u yihiin had iyo jeer shar ta iyo midnimadda somalida , waxaa sawirkan ka muuqdda sadex marxuun oo dalka caan ah , taariikhdda ayaa kale saari doonta iyo illahay , maxamed siyaad bare waxaa uu maalintaa dhex taagnaa raggii somaliweyn dhidibadda u taagayay isaga oo askari, illaha waxaanu nasiib ugu yeeshay inuu raggasi la shaqeeyo, ayaan daro se waxa uu noqoday ninkii bohoshii u darayd ku riday .

ALLAHAYOW NIN DAACAD
ALLAHAYOW NIN DAALINA
DEEQDAD HOWSIMIN

Roble M Issa Quruurux
Issa119@hotmail.com ,

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

»  Nidaam Federaal   ah ma aha Danta Soomaaliyeed [Dr. Siciid]
»  Madhabaa in Mogambo Daroogo Lagu Beero [Axmed.M]
»  Waa in Layareeyaa Horumarinta Afsoomaaliga  [Al-Hassani]
»
Wasiirradu ma waxay noqdeen wax warasada "Somaliland" [C/waxid]
»
JAWAAB: SNM WAXAY DHASHAY SOMALILAND [Adan Yusuf]
»
Somaliland: Maxmiyadii diiday xoriyadeeda! [Salaaxudiin]
»
Jawaabtii Ali yusuf iyo shirkii jaaliyadaha Ogadenya [M.Cabdi]
»
Xusida Maalmaha Gobanimda Afrika oon Qiime kufadhiyin [Samatar]
»
C/Laahi Yuusuf Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya [Cali.yariim]
»
Munaasibada 1 july ,Fikradaha ,Diridhaba iyo Ikraam [Dubbe]
»
 Ma doonaysaa raali ahaanshaha ALLAH? [Bulxan]
»
 MUSIIBOOYINKEENA MAXAA U SABAB AH [Saciid.Cali]
» MAQAALADII KALE EE TODDOBADKAN KA AKHRI HALKAN. GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD