SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQA
BAAQ KU WAJAHAN DAGAALKA AFBARWAAQO

adan yuusuf elmi |  najad88@hotmail.com


28 qof ayaa ku dhintay dagaalka beelaha Soomaaliyeed ku dhexmaray Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay 65qof, dagaalkaas oo ka dhacay tuulada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug. ISHA: middle-east-online  [Sawirka: Middle east online]

Scww,

Anagoo ah qurbajooga Somaliland ee deggan debadaha ,waxaan doonaynaa inaanu ka hadalno ,dareenkayagana ka muujino , dagaalka ka socda degaanka afbarwaaqo iyo tuulooyinka ku xeeran ee gobolka mudug ,in aan loo baahnayn dagaalka soo noqnoqonaaya ee ka dhex aloosan dadka walaalaha ee ehelka ah ee degan halkaasi ,aadna aanu uga xunnahay dirirtaasi ka dhex aloosan dadkaasi ehelka ah, taas oo uu keenay khasaaro dhinac kasta oo dad iyo duunyaba leh.

Hadaba waxaanu ka codsanaynaa dhamaan inta ay khusayso colaadini in sida ugu dhakhsaha badan xabada loo joojiyo iyadoo aan shuruud lahayn , laguna dhameeyo wixii khilaafaada wada hadal iyo walaaltinimo ,iyadoo loo maraayo dariiqa u haboon ee suura gelin kara in lagu soo celiyo jawigii wanaagsanaa ee nabadgelyadii iyo wada nolaanshaha dadkaasi walaalaha ah ,lana baabiyo colaada iyo necaybka halkaa ka jira, iyadoo aan cidna lagu muuquunin karin xoog , oo aan arimo xadgudub ahna loo baahnayn.

Dagaalkaasina wuxuu ka soo horjeedaa diinta islaamka oo aan ku banaaneyn in layska laayo dad aan waxba galabsan oo loo dilo oo keliya heybta ay yihiin ,hadaba waxaanu mar labaad idiin soo gudbineynaynaa in si degdeg ah loo joojiyo xabada iyo colaadahaa aan loo bahneyn ee soo noqnoqonaayey mudooyinkii ugu danbeeyey una dhexeeyey dadka walaalaha ee isku degaanka ku uuman, taas oo la soo celineyo wada nolaanshihii iyo wixii ay nololi lahayd ee dadkaasi walaalaha , waxaana u rajeynaynaa in ay ka qataan kaalintoodii culimaa'udiinta ,aqoonyahanada, guurtida, odayaasha, hogaaamiyaasha beelaha iyo inta had jeer wanaaga u feydan sidii ay u damin lahayeen colaadaasi aan loo baahnayn .

ILAAHAY BAA MAHADLEH,..............

adan yuusuf elmi |  najad88@hotmail.com

28 qof ayaa ku dhintay, 65 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalada Afbarwaaqo English Version....

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhashay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

 Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD