SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Maamulka Idaacada Baraadir oo Cudurdaar iyo Magdhaw weydiistey DKM

 

KAAH

Warsaxaafadeed

Maamulka idaacada banaadir Waxa uu si weyn uga xunyahay tacadiyada ba’an ee loo geysto suxufiyiinta soomaaliyeed oo ay ugu dambeeyeen, tacdigii lagula kacay wariyaasha idaacada Banaadir C/raxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi) iyo Xuseen Geedi Geedi (Xaynuuf) iyo Shafic Macalin Fariid oo weriye madax-banaan ah.

Hadaba maamulka idaacada Banadir waxa uu halkan ka cadeynayaa in aysan xal u aheyn oo kaliya sii deynta weriyayaasha oo laga sii daayay xabsiga C.I.D-da oo ay ku xernaayeen mudo 48-saacadood ah.

Maamulka idaacada banaadir waxa uu halkan ka qirayaa in wariyayaashooda logula kacay xad gudub dhan ka ah bani’aanimada; iyagoo ay u dheer tahay xuriyad ka qaadida loo geystay, aflagaado iyo jirdil.

Hadaba maamulka idaacada banaadir oo si weyn uga xanuunsanaya arintaasi ayaa waxuu beesha caalamka, ururada caalamiga ah ee kala duwan ee ay ugu horeyso urur goboleedka Igad iyo dhamaan ururada u dooda xuquuqul insaanka ka codsaneysaa inay gacan ka geystaan sidii kooxda TNG-da ay uga bixin lahaayeen cudur daar lagu qanci karo isla mar ahaantaana ay u bixin lahaayeen magdhaw.

Maamulka Idaacada Banaadir waxa uu ugu mahadcaalinayaa dhamaan intii ka qey-qaadatey xuriyad u soo celinta weriyeyaashii lagu tacadiyey. Iyo dhamaan dadweynaha Soomaliyeed ee ka xanuunsaday xadgudubkaas.

Mahadsanidiin

Axmed Cali dhegweyn (axmedna)
Maamulka idaacada banaadir
xeynuuf@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh idaacada banaadir, Muqdisho.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD