SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - TORONTO, CANADA
B I S H A A R O :
WEBSITE-KA CUSUB EE MASAAJIDKA KHALID BIN AL-WALID

-------------------------------------------------------------

English Version: Read here

WEBSITE-KA CUSUB EE KHALIDMOSQUE


www.khalidmosque.org

Waa Allaah mahadiise, waxaan ugu bishaareyneynaa dhamamaan walaalaha Soomaaliyeed ee nagala socda  internet-ka in masaajidka Khalid Bin Al-Walid uu tifatiray hagaajiyeyna web-site-kiisi ( www.khalidmosque.org ).

Waxaad ka heli doontaan oo wax lagu farxo ah site-keenna Tafsiirka Quraanka Sh. Cumar Faaruuq oo kaamil ah oo maqal ah,alxamdulillaah waa markii ugu horreysay inta aan ogsoon nahay oo Tafsiirka Qur'aanka ee Sh. Cumar Faaruuq oo kaamil ah laga dhigay on-line.
Sidoo kale waxaad ka heli doontaan mowqicaan duruus kala duwan oo uu akhrinayo Sheekh Al-Callaama Shariif Cabdinur.Waxaanan hadduu eebbe idmo isku dayaynaa oo uu target-keennu yahay inaan duruusta Sheekheenna Shariif C/Nuur uu duubay dhammaantood aan mustaqbalka wada galinno mowqiceenna(site-kaan).

Mowqicu wuxuu idinka haqabtiri doonaa culuunta kala duwan ee islaamka, hadday noqon lahayd dhanka Fiqiga, Siirada, Cilmiga Xadiiska iyo Aqoonta guud oo intaba ka kooban qaab qoraal ah, maqal ama su'aal & jawaab ah.

Waxaa kaloo idinla socod siineynaa in aan dib u habayn ku sameynay qaabka su'aalaha iyo jawaabaha (al-fataawa) aad u heli kartaan, oo waxaan u qaybinnay qaybo kala duwan (category) sida Fiqiga, Arrimaha Qoyska, Xalaasha iyo Xaaraanta, oo dabadeed aad si sahlan u xulan kartaan mowduuci aad dooneysaan (from the database).

Su'aalihiinna waxaa si toos ah ooga jawaabi doono, una Shaandheyn doona Sh. Bashiir Yuusuf  Shiil(xafidahullaah) oo ah imaamka Masaajidka.

Sheekhu Markuu ka jawaabayo Su'aalihiinna wuxuu cuskan doonaa insha'Allaah masaadirta Islaamka ee saxiixa ah sida kitaabka Qura'aanka iyo Sunnaha Nabiga iyo Ijmaaca . Inshaa Allah waxaan isku dayi doonnaa inaan inta badan daliishanno aqwaasha Culimadeenna casrigaan soo gaartay oo ay ummaddu isku raacday cilmigooda iyo waracooda, sida Sheekh  Maxamed Al-Amiin Al-Shinqiidi, Sheekh Maxamed Bin Ibrahiim Aala-Shaykh, Sheekh CabdulCaziiz Ibn Baaz, Sheekh Maxammed Naasiruddin Al-Albaani iyo Sheekh Maxamed Saalax Ibn Al-Cuthaymiin, Allaah ha u naxariisto dhammaantood. Waxaa kale oo sharaf noo ah in aan kala tashaneyno arrimaha diiniga ah iyo wixii fataawa u baahan Sheekheena Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan(xafidahullaah) oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya.

Walaalayaal, waxaan idiin soo gudbin doonnaa si joogta ah kitaabka saxiix Bukhaariga oo uu markii ugu horreysay u tarjumay af-Soomaali walaalkeen Sh. Bashir Yusuf Shiil oo ah Imaamka Masaajidka. Kitaabkan waxaan uu soo qori doonnaa Baab-Baab ama Xadiith - Xadiith hadba sidi munaasib noqota hadduu rabi idmo. Haddaba kala soco casharadaas taxanaha ah website-keenna. Waxaan kaloon si joogta ah idiinku soo gudbin doonnaa khutbooyinka jimcaha ee ka baxa al-xaramaynka(Makka & Madiina) iyagoo maqal ah inshaa Allah, haddaba ha moogaan inaad ka dhageysato khutbooyinkaas qiimaha leh web-sitekaan qeybta weblik-iga ama khutbooyinka asbuuc walba .

Walaalayaal wixii talooyin ah ama dhaliilo ah waxaan idinka codsaneynaa inaad noo soo gudbisaan, kuna biira mailing list-geenna si aan idiinla socod siinno wixii cusub.

Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa dhammaan walaallihi sida hagar la'aanta ah muddadaas ku dhow dhowrka sano ka soo shaqeeyay websit-kaan.

Jazaakummullaahu Khayran, Waxaan Allaaah ka baryeynaa in uu camalkaan ka yeelo mid aan ula jeedno asaga daraadiis, nagana waraabiyo janadiisa  maalinta aan u baahaannahay, innahu waliyu thaalika walqaadiru caleyhi.

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
3 Jumada al-Awwal 1424,
3 July 2003.
 
 Walaalkiin

CabdilRashiid Cali Maxamed
Maamulka Masaajidka Khalid Bin Al-Walid
 
admin@khalidmosque.com
 

 English Version:
--------------------------------------------
MASJID KHALID BIN AL-WALID NEW WEBSITE DESIGN
----------------------------------------------

Al-Hamdu Lillaah, as we have promised you, our new and improved web site ( www.khalidmosque.org ) has been finally launched to better serve all of our respected brothers and sisters, who visit us daily.  Our focus is to present Islaam in its pure and original form to everyone, as understood and practiced by Ahl-us-Sunnah wal Jamaa'ah.
 
This website contains various sections that provides an archive of information, that will act as a useful resource for everyone, both Muslims and Non-Muslims alike.  Our new web site now equipped to serve you in both English and Somali Language.

A wealth of information o­n various aspects of Islaam is brought to you, Wal Hamdu Lillaah. You will now be able to access numerous Islaamic articles in various areas such as Fiqh, 'Aqeedah, Qur'aan, Hadeeth, Seerah, Tazkeeyah, Islamic Social Laws (Marriage, Divorce, Inheritance, etc…), Business Transactions, etc.

Furthermore, our Fataawa section has been extended to answer your questions and help solve various personal problems.  All questions and answers o­n this site would be prepared, approved, and supervised by the Imaam of the Masjid, Sh. Bashir Yusuf Shiil and Sh. Afraz Baksh.  We will try our best to support our answers using authentic evidences derived from the agreed upon sources of our Deen and the scholarly opinions from eminent and reputable scholars of Ahl-us-Sunnah wal Jamaa'ah namely, Imaam Muhammad Al-Ameen Ash-Shinqeetee, Imaam Mohammad Bin Ibraheem Aala-Shaykh, Shaykh Abdul-Azeez bin Baaz, Shaykh Muhammad Naasir-ud-Deen Al-Albaani, Shaykh Muhammad bin Saalih Al-Uthaymeen (Rahimahumullaahu Ajma'een), and Shaykh Shariif Abdi-Nur Shariif Hassan (Hafi-zha-hul-laahu), etc...

The Audio Section is now filled with numerous Lectures, Duroos and Khutbah to further increase your Islaamic Knowledge .  It is expected that you fully utilize this section to broaden your quest for Islaamic Knowledge and to remove any misconceptions about Islaam.  In addition, this section will be featured in three languages; Arabic, English, and Somali, to better serve you. We strongly encourage you to maximize the use of this section and implement the benefits derived from these audios.

Several new sections and features are firmly envisaged in our plans.  In-Shaa Allaah, in the very near future we will be serving specific areas of our communities.  These areas are an integral component for the well being of this Ummah.  With this in mind, our goal is expected to be realized within a few months in the following areas, In-Shaa Allaah.  

Sister's Section,
Youth Corner,
Hajj and Umrah,
Qur'aanic Recitation,
And many others.
We humbly apologize for any inconveniences, as we are in our initial stage of development.  Untimely changes will be made in order to bring you beneficial information from the authentic teachings of our Pious Predecessors.

Finally, we request your  sincere Naseehah to improve this website, thereby fostering a brotherly relationship.  Whatever you deem inappropriate, please do not hesitate to send us your suggestions.  The authenticity and soundness of information found in this website requires your contribution.  Therefore, let us all mutually assist each other to improve the implementation of this Deen.

We thank all those brothers and sisters who volunteered their valuable time and indespensable effort o­n this website.  May Allaah, Sub-haanahu wa ta'aala reward us abundantly and grant us Tawfeeq in the this world and in the life after death. .

Jazaa Kum-ul-Laahu Khairal Jazaa.

Was Salaamu alaikum.

3 Jumada al-Awwal 1424,
3 July 2003.

 Your Brother-in-Islaam

Abdilrashid Ali Mohamed
 
Masjid Khalid Bin Al-Walid 
Administrator

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD