SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
WARSAXAAFADED AFHAYEENKA GOLAHA  SRRC EE W/AMERICA

Abdibarre ahmed | jabriil62@hotmail.com

KAAH


Wax badan ayaa waxaa la isku dayey in laqabto shir soomaali la isgu keenayo oo beesha caalamku isku dadeeyn in wax ka soo baxaan markastana waxaa is horistaagi jirey shaqsiyaad iyo laanata afsomaliga ee BBCda oo wakiil ka ahaan jirtey shaqsiyaadkaas wax buburinjirtey oo BBCdu waxaan jiriin ka fafiin jirtey shaqsiyaadkaas oo walibana ka dhigi jireen niman aad u fiican waxaana arrimahaas masuul ka ah ninka horboodaya, BBC oo la yiraahdo YUSUF GARAAD oo ruuntii ka tagey wariyinimadii lagu yaqaanay oo biday in qalabka warbaahinta uu hab qabiil wax kaga abaabulo sagoon qarsan oo aan XISHOON.

Hada mudo ku siman sagaal bilood shirka ka soocda wadanka Kenya ayaa hoortaana maxaase kuwa hortaagini uga dan leyihiin in shirku burburo oo lagu kala tago, maxayse kuwa sidaas raba ay maanta ku nool yihiin arimahaas iyo arrimo kale oo faro badan wasida hoos ku qoran.

1-Waxaa masuul ka ah Kooxda Carta oo doonaysa in ay dhaqaale joogta ah ka helaan wadamo yar oo carbeed iyo kuwo african ah kooxdaan oo khibrad u lahayn mamul dawladeed.

2-Kooxda la baxday G8 oo ruuntii loo yaqaan kooxda maafiyada oo ku nool ama ku naaxada xoolo xaaran ah sida mid Beertay Muqaadaraad (Xashishad) sida Caato oo kale oo mashruucii mugabo ku beertay wax loo yaqaan maandooriye iyo waliba Cismaan Caato oo caan ka ah soomaaliya oo ku caanbaxay boobka meelihii taariikhda lahaa iyo Warshadihii wadanka u dhoofiyey Wadamo carbeed iyo dhamaan dhulbeeredkii J/booyinka oo uu ku beerey Maandooriyayaal.

3-Qanyare oo ah nin Dulaal ka noqday dhoofinta Xashiishada oo laga dhoofiyo Garoon yar oo uu ka samaystay Dayniile ka dibna halkaas laga dhoofiyo wixii Caato keeno, wuxuu kale oo uu lagalaa heshiis buuxa Kooxaha Xamar wax ka afduuba oo fariisinkiisa lagu xiro ka dibna lacagaha lagu furdaamiyo dadgaas khidmad gaar ah ku leh waliba kooxda G8 iyo kooxda carta waa isku figrad waxay ka mideysan yihiin:

dhamaan inta aan kor ku soo sheegay,sida dhulboobka, Afduubka, Rabitaan la'aanta dawlad soomaaliyeed oo maanta dhalata,waxay u diidan yihiin waxaay ogyihiin in ay lumayso ama MAXKABADAHA ADUUNKA la soo taagayo Sababaha ay shiirka hada socda ay maalinkasta u hortaagan yihiin ayey ka mid tahay waxay kale oo ay ogyihiin dhuulka ay boobka ku haystaan in si deg deg ah looga rarayo marka ay timaado dawlad soomaaliyeed marka waa in la dareemaa waxyaabaha shiirkasta ay u hoorsitagaan mesha ay salak ku hayso oo qofkasta oo maskaxleh qiyaasa waxa ku kalifay shaqsiyaadka aan soo sheegay?

Ku waas waxaa ka siidaran koox kale oo iyadu u qaabilsan warar aan jiriin oo ay u faafiyaan oo ku qaata kharash farobadan oo kooxa maafiyada ah had iyo goor bunbuniya oo aan maskax kale lahayn sida YUSUF GARAAD IYO XASAN BARIISE oo ku dagaalama afka saxaafada oo had iyo goraale kolkoliya koxaha maafiyada RUUNTANA ka fogaada kuna dheeraya shaacainta beenta MADAAMA KOXAHAASI AY SIYAAN KHIDMAD LACAGEED sida la og yahayna koxahaasi waxay hoysiyaan wax alle iyo wixii ARGAGIXISO ku lugleh sid ururka loo ALL-ITIXAAD ISLAAMI IYO KAN AL-ASLAAX OO XARUUNTOODU TAHAY K/SOMALIYA hadab BBCdu maxay wax yaabaha ruunta ah u qarisaa oo ay wax khaldan oo beenta ah oo ay maleegayaan koxahaasi ay u fafisaa wadanka oo kaliya maxaa ka jira kooxhaas maafiyada ah oo kaliya?

Qore: abdibarre ahmed | jabriil62@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE CABDIBARRE

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh ayna gaar u tahay afhayeenka SRRC ee W/Ameerika



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD