SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Safiirka Talyaaniga ee Somaliya oo xafiiskiisa Nairobi ku qaabilay Mas置uliyiin ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee U.K.
KAAH

Mas置uliyiin ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee UK oo beryahanba jooga Nairobi si ey u sii xoojiyaan shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee ka socda magaalada Mbagathi ee Kenya iyagoo isla markaa si joogta ah u qaabiliyey mas置uliyiinta ku howlan shirka ayaa la kulmay Safiirka Talyaaniga, Mr Carlo Ungaro asagoo shalay ku qaabilay xafiiskiisa Nairobi mas置uliyiintaas.

Mr Ungaro ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyey mas置uliyiinta kuna tilmaamay tallaabo geesinimo ah iney si xilkasnimo ah u yimaadaan shirka oo ay aaraa壇ooda ka dhiibtaan.

Mas置uliyiinta jaaliyadda soomaaliyeed ee UK ayaa warbixin dheer ka siiyey halkaas safiirka una tilmaamay sababta kaliftay iney ka soo qeybgalaan shirka oo ay sheegeen in muddo ah 9 bilood oo aan wax natiijo la taaban karo la gaarin ey ula muuqatey muddo dheer oo kalsoonida shacabka soomaaliyeed wax u dhimi karta sidaas daraadeed bey yiraahdaan ay rabaan iney mas置uliyiinta ku howlan shirka ey si wada jir ah xal waara oo deg deg ah uga gaaraan shirka. Mas置uliyiintu waxey ku nuuxnuuxsadeen in Talyaaniga uusan kaalintii looga baahnaa ka qaadan shirka, kana codsadeen in Talyaaniga oo maanta la wareegay madaxnimada EU-da uu talaabo wax ku ool ah ka qaado sidii uu u xoojin lahaa wada hadalka loona soo afjari lahaa iyadoo cadaadis ey saaraan soomaalida iyo hay誕daha caalamka ee ku howlan shirka.

Mr Ungaro oo u mahadceliyey mas置ulliyiinta booqashadooda ayaa u sheegay in shirka dib u heshiisiinta ey mas置uliyadda koowaad saarantahay IGAD, Talyaanigana doorkiisa uu yahay goobjoogayaal, wuxuuna u ballanqaaday mas置uliyiinta ineysan aheyn goobjoogayaal indha xiran, ha yeeshee buu yiri ey talyaaniga sii diyaariyeen sidii loo xoojin lahaa dowladda ka soo baxda goobta, markaasna ey ciyaari karaan kaalin muhiim ah. Safiirku wuxuu ka codsaday jaaliyadda soomaaliyeed iney sii joogaan inta uu shirku ka dhamaan doono, isla markaana la hadlaan mas置uliyiinta soomaalida iyo kuwa caalamka ee ku howlan shirka.

Mas置uliyiinta soomaalida halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman (Yarisow), Bashiir M. Jama (Bashiir Goobe), Mohamud A. Nur (Tarzan), Hussein (Damumaye), Ahmed Nur (Seyga ruushka), Mohamud (Daba yare).

Warkankala xiriiri:
Abdirahman Omar Osman yarisow70@hotmail.com

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Lakulmay Safiirka Masar
Nairobi: Aqoon yahanadaas oo kayimid London, UK ayaa.... Guji...

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Lashiray Kiplagat
Aqoon yahanadaas oo kayimid London, UK ayaa... GUJI... June 24



Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD