SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Dibqalooc aamin ma leeyahay?

Qore: Liiban. M. Shariif
Enköping Sweden
Liiban@spray.se
Somalia60@hotmail.com 

KAAH

Dadku ma dulqaadkay u dhasheen mise iyagaaba raali ka ah sidda ay xaalada dalku tahay? Dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbeeyey waxaa bulshada soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibedaba dilay dhegtaag iyo dhalanteed been ah. Waxaa had iyo jeer la maqlaa amse noqotay halheys erayo marka aan anigu shaqsi ahaan maqlo aan i gelin wax hididiilyo. Odhaahyadaa dheguhu ay maqalkooda sidda gonida ah u xiiseeyaan waxaa ka mid ah kuwan: ”waar dowlad baa inoo dhalaneysa oo dhibka waa ka baxeynaa” , ” waar waa la waayo arkay oo shirkan waxuu ku danbeyn guul” ” Adeerow caruurta baanba kala cararilaheyn dhulkan gaalada”

Suaasheydu hadaba waxeytahay Dibqalooc aamin ma leeyahay? Jawaabta aan anigu shaqsiyan bixin lahaa waxaa weeye maya oo aan shaki ku jirin. Shir bay col-ogayaasha soomliyeed u fadhiyeen bilooyin aad u badan, caalamkuna uu masruufkooda miiska u saaray. Oo maxaa lagasugayaa ninmankan heshiis iyo dalka oo dawlad loo dhiso. Hadiise ayba ku guuleystaan in ay wax isla meel dhigaan oo ay saxeex ku dugaan qoraalda hishiisku ka koobnaa, dabadeedna siddii caadiga- aheyd ay sameeyaan wareeg giraangirah gacmahana isqabsadaan heestii soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsadaay, hadba kiina taag daraneey taageera weligiineey ay ku luu qeeyaan iyaga oo aad ufaraxsan. Hishiiska ma dhaqan gelin doonaan? Jawaabteyda shaqsiga ah waa maya aan mugdi ku jirin.

Dawlad baa la filayaa in dhowaan laga dhiso dalka aynu deriska nahay ee Kenya. Rajadu sidee tahay? Falan qeyn badan baa rag iga horeeyey ku sameeyeen waxa maxsuulku noqondoono. Aniguse weli suaasheydi baan daba taaganahay oo waxay ilatahay in nimanka loogu jeedho ”col_ogayaashu” keligood oo keliya ay xal keeni karin.Maxaan u leeyahay sidaa, wax walba oo biniaadamku uu sameeyo waxaa gundhig u ah daacadnimo, is aamin,xaqdhowrid,cadaaalad iyo dadaal xad -dhaaf ah inataba laguma ogeyn nimanaka shirka ka odayaasha ah, haddii aan maalmahaan wax is bedelin.

Dowadii Carta lagu soo dhisay xaalkeedii waa laga wada war hayaa meeshu maray, oo hadda xaalkubu wuxuu marayaa Cali Khaliif la ceydhi, Cabdi_qaasim xilkii aniga kala wareegay oo hadda aniga oo Cadala Deeroow ah ayaa madaxweynaha qaranka ah. Waar waa yaabee ragu miyaaneeyn aheyn kuwii soomaali cidhifkastoo ay joogto aduunka habeenkii u dhafrijirtey, siddii ay idaacadaha layska arko uga daawan lahaayeen markii ay Carta joogeen iyaga oo weliba calankii soomaaliyeed ku jeeniqaarnaayeen. Quraankii iyo xadiisyadii korka laga akhriyey ee midba midka kale ka cajaaibka badnaa ee umada qalbiga ruxay dhabadee bey mareen?

Gunaandkii haddii dibqalooc la aaminikaro rah wareyso. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa kulmay Rah iyo dibqalooc bariidin guud kadib ayuu dibqaloocii u waramay rahii oo yidhi waar ninyahay raxmad badan baa la helay oo waa kan roobkii inoo da´ay. Bal eeg barwaaqada iyo dooga horteena daadsan. Rahiina isaga oo layaaban danta dibqalooca uu maanta wato isla markaan feejigan oo bootin dheer u diyaar ah haddii hujuun bilaabmo ayaa ku raacay xaaladu in maanta ilaahey uun loo mahad noqo ay ku haboontahay. Intaa dabadeed baa dibqaloocii oo madax hoos u yara foorarinayaa ka codsaday rahii in uu ka gudbiyo haro biya ah oo uu ku xambaaro dhabarkiis. Rahii oo wadnihii boqolka garaacayo ayaa ku jawaabay taa ma sameynkaro oo aamin noocaas ahi inagama dhaxeyn.

Dibqaloocii ayaa jeesjeestay ballana ku qaaday in wax dhibaata ah aaney xagiisa ka imaaneyn. Rahii ugu danbeyntii wuu yeelay wuxuuna yidhi maanta waan ku aaminayaa eebana waa ina arkaa ee dhabarkeyga u dulaal . Mudo markay sabeeyeen biyihii korkooda ayuu dibqaloocii safeystay miciyihiisi dabadeedna bahal qaniinya ah la beegsaday rahii. Rahii oo cadho ka muuqato ayaa yidhi war sow adigaa balantii jebiyey. Dibqaloocii baa ugu jawaabay waar abuurkeyga baa sidaa ah oo wax kale ma aqaano. Rahii baa ugu jawaabay oo hadda labdeynuba waa inoo dhamaatey. Dibqalooc aamin ma leeyahay?

Qore: Liiban. M. Shariif
Enköping Sweden
Liiban@spray.se

Somalia60@hotmail.com 

NGO-YADU MA HAYADO SAMAFALBAA MISE WAA GUMEYSI DADBAN! GUJI.....

 ... QORAALADII HORE EE LIIBAAN M. SHARIIF


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD