Somaliland: Maxmiyadii diiday xoriyadeeda!
Hassan Salahudin
Leicester Uk,
Email: xasanguray@yahoo.com ama
hassanabdillahi@hotmail.com
|
Horaantii bishii July ee sanadkii 1960-kii
ayaa wargeyska caanka ee the THE OBSERVER oo ka soo baxa magaalada London ee
carriga ingiriisku wuxuu ciwaan ka dhigay(Somaliland: That protectrate the
refused its independence), Somaliland maxmiyadii diiday xoriyadeeda,
wargeysyo badan oo caan ah kana soo baxa wadankan ingiriiska iyo meelo kale oo
caalamka ah ayaa aad ula yaabay go’aanka axmaqnimada iyo ka fiirsi la’aantu ku
dheehnayd ee ay qaateen siyaasiyiintii iyo shacbigii ku dhaqnaa gobolada
waqooyi ama dhulkii loo yaqaanay Somaliland british protectrate wax yar ka dib
markii ay xoriyada heleen 26-kii bishii june sanadkii 1960kii, xoriyad dhan oo
hadyad si qunyar ah loo bixiyay iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin, waa arrin
aan ka dhicin horayso iyo dambayso taariikhda wadamadii uu soo maray fufka iyo
fooraha xoriyada ee qaarada Africa dabayaaqadii sanadihii kontomaadkii iyo
horaantii lixdameeyadii, lixdii cisho ee ay xorta ahayd Somaliland oo uu
hogaaminayo halyaygii waynaa iyo hogaamiyihii xornimo doonta gobolada waqooyi
marxuum maxamed xaaji ibrahim egal waxa ictiraafay wadamo badan waxaanay ku soo
biirtay wadamada loo yaqaanay barwaaqo sooranka(common wealth), laakiin sida ay
taariikhda ma guuraanka ahi inoo dhigayso wax yar ka dib 1-dii bishii luulyo ee
isla sanadkaas xoriyada la helay waxa dhacay gaf aad u weyn oo baal mugdi ah ka
galay taariikhda qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, ka dib markii aan
taariikhdaas dib u baadhay soona rogay qaar ka mida xaashiyaha lagu kaydiyo
sooyaalka ummada waxa ii cadaatay dhawr arimood oo ka mid ahaa waxyaalihii
sababay in dadkii reer waqooyiga ahaa iyaga oo aan ka fiirsan ay xoriyadoodii
dhamayd hadyad u bixiyaan lana magic baxaan QALDAAN, oo
ah eray ay u yaqaanaan reer koonfureedku qaladka weyn ee ay galeen awgeed.
1- Qiiro weyn oo haysay dadka iyo iyaga oo baahi weyn u qabay in ay mar uun xor
noqdaan ka dib markii mudo 75-sano ah ay ku soo hoos jireen gumaysiga ninka
cad, qiiradaas oo madax mar iyo jahawareer ku riday dadkii reer Somaliland una
saamixi wayday inay inyar cag dhigaan si ay uga fiirsadaan halka uu ku dambayn
doono aayahooga siyaasadeed.
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
2- Dadka reer Somaliland oo u arkayey
wakhtigaas inay midnimadu uga xoog badan tahay dal ahaan iyo dad ahaanba hadii
ay ku adkaystaan gobonimada ay heleen, iyaga oo markaas eegayay arrimo
farabadan sida xaalada dhaqaale, siyaasadeed iyo ta bulsho ee ka jirtay
goboolka geeska Africa, iyo cadawga ku hareeraysnaa gayiga soomaalida oo uu ugu
horeeyey dhul balaadhsi ay waday boqortooyadii xabashidu.
3- Iyo ugu dambayntii shacbiga reer Somaliland oo aan filay kana sii fikirin
waxa kaga soo baxay walaalohooda koonfureed oo ay ka mid ahayd xaga awood
qaybsiga oo gabi ahaanba xaqoodii la duudsiyey, waxa wax lala yaabo ahayd inay
koonfurtu iska indho tirtay inay Somaliland ahayd qaran sidiisa u madax
banaanaa oo si shuruud la’aana ugu soo biiray.
Inkasta oo uu farabadan yahay arrimaha Somaliland ku kalifay wakhtigaa
midnimadii 1-da luulyo hadana inta uu baadhitaankaygu ii saamaxay waxa ugu
mihiimsan sadexdaas qodob.
Xisbiyo badan oo siyaasadeed oo ka jiray maxmiyadii Somaliland Protectrate uuna
ka mid ahaa xisbigii (NUF) oo loo yaqaanay NAFTA, hogaamiyana uu ka ahaa mudana
Micheal Maryano oo haysta taageerada shacbi weyne aad u farabadan ayaa si weyn
uga horyimid midnimadii 1-da Luulyo ee labadii gobol ee Waqooyi Koonfur oo ay
kala gumaysanayeen Ingiriis iyo Talyaani, laakiin aayo xumadooda waxa ka xoog
batay oo talada maroorsaday qayb kale oo ka tirsan shacbiga oo ay madax
marsanayd waagaas wixii loo yaqaanay Somaliweyn(Greater Somalia) kooxdaas waxa
taageerayay qaar ka mdi ahaa oday dhaqameedyo iyo koox kale oo siyaasiyiin ah
kuwaasoo haadaan ka riday gobonimadii curdinka ahayd.
Aqoon yahano badan iyo qorayaal farabadan oo Soomaaliyeed oo intooda badani
isku sheega indheer garad ayaa si indho la’aan ah ugu durduriya siigadana ugu
qasa qadiyada gooni isu taaga Somaliland, iyaga oo aan waxbadan ka ogaanin ama
aan baadhitaan badan ku samaynin sababa kalifay gooshada dambe oo dhacday
18-kii May-1991-kii, ragas aan kor ku soo sheegay oo badankoodu ka soo jeeda
gobolada koonfureed ee Jamhuuriyada Somalia waxay isugu jiraan qaar ay ku
kaliftay xasad,xiqdi iyo muran ay kula jiraan Ilaahay si aanay cidina u gaadhin
horumar iyo gobonimo, iyo qaar kale oo ay lulayso uur xumo calooshoodana uu ku
soo kacayo lal oo ay ka bukto oo ay ka xuntahay inay Somaliland noqoto qaran
xor ah oo manta sida aan anigu aaminsanahay buuxin kara 90% Shuruudihii uu uga
mid noqon lahaa beesha caalamka. Waxaan ku war galinayaa akhristayaasha
sharafta leh ee somalitalk inaan soo bandhigay uun fikradayda gaar ahaaneed
qadiyada wadankayga gacmo furana waxaan ku soo dhawaynayaa cid kasta oo dood ka
qabta qormooyinkayga, qormada tan xigta waxaan ku eegi doonaa hadii alle yidhaa
waxyaalaha ka hor taagan Somaliland inay beesha caalamku garwaaqsato
qadiyadeeda oo 12-sano jirsatay.
Waa walaalkiin
Hassan Salahudin
Leicester Uk,
Email:
xasanguray@yahoo.com ama
hassanabdillahi@hotmail.com
By: (Hassan salahudin - UK)
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|