1da Luulyo iyo Soomaalida Rooma
Khaalid X, Cali
Maalin "Deble"
amalroma@hotmail.com
SomaliTalk.com
Rome - Italy
Qolka ama Hall-ka safaarada |
Waxaa shalay ka dhacay Hall-ka
Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga ee magaalada Roma,
xafladda Munaasabadda Sanadguurada 43 aad ee Xoriyadda Soomaaliya ahna isku
taggii Koonfur & Waqooyi oo ku aadan 1-da Luulyo.
Munaasabaddaasi waxaa ka soo qeyb galay dad aad u fara badan
oo isugu jira dad waa weyn, Dhallaan & Dhalinyara-ba, halka ay safka hore ku
jireen haweenka deggan magalaadan Roma, maadaama ay iyagu ahaayeen dadkii isku
howlay Qabanqaabada Munaasabaddan, waana markii ugu horeysay ee lagu qabto
Magaalada Roma Munaasabadan oo kale laga bilaabo xilliggii ay dagaalada sokeeye
ka qarxeen dalkeeni Hooyo. Haweenka faraha badnaa ee isugu yimid goobtaas waxaa
ka muuqatay Xamaasad wadaninimo iyagoo dadka qaarkood qarin waayay Qiirada.
Dadka kasoo qayb galay xaflada |
Munaasabaddaasi waxaa Aayadaha Quraanka Kariimka ku furay Al-Xaaji
Mohamed Abuukar oo ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda Somalia, ka dib waxaa halkaa
dadka ku soo Dhaweeyay Mas’uullka Sare ee Safaaradda Soomaaliya Md. Col. Abshir
una hambalyeeyay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay Munaasabaddan, wuxuuna Cod-Baahiyaha
ku wareejiyay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaxooti-ga Soomaaliyeed, Sig.ra
Seynab Axmed Baraxoow, waxayna goobtaas ka caddeysay in Ururkan uu yahay mid la
aasaasay 30-06-03 Ujeedada loo aasaasayna uu yahay u Doodista Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya ee ka shaqeeya ama u soo qaxay dalka Talyaaniga, maadaama aanan la
arag Xiliyadan ay Dagaalada Sokeeye soomaaliya ka jireen wax Jaaliyad ah ama
Urur isku duuban oo wax ka qabta Dhibka heysta Haweenka Soomaaliyeed.
Qunsul Axmed Sugulle |
Ka dib waxaa Qudbad dheer oo dadkii Goobtaas isugu yimid ku
abuurtay Xamaasid, dadka Qaarkiis-na ya xaaddoodu kacday ka jeediyay Qunsulka
Guud ee Soomaaliya u fadhiya dalkan Talyaaniga Md. Axmed Sugulle Xirsi, waxaana
ereyadiisa ka mid ahaa isagoo kaftamaya “ Anigu waxaan ahay dadka yaro ee ku
faana da’da ay jiraan walowse ay dad iga waaweyn ay goobtani fadhiyaan,
Walaalayaal waa inaad Ogaataan in Xoriyadda Soomaaliya lagu keenay Dagaal &
Dadaal Dheer oo Siyaasadeed oo ka dhacay Dhammaan Gobolada Somaliya, sida
Dhagax-Tuurkii Xamar 1949” Qunsulka isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu wax ka
taabtay Kacdoonkii ka dhacay Kismaayo & dhibkii soo gaaray isaga qaas ahaan
wuxuuna yiri “Anigu sideedaba waxaan ka imid magaalada Kismaayo, waana
Xasuustaa Kacdoonkii ka dhacay magaaladeyda 1952, waayo si gaar ah ayuu ii
taabtay, maadaama ay Hooyaydey & Aabahey lagu xiray Saldhigga Gumeystaha
Talyaaniga Bishii Agosto, Xilligaasna Hoo! yadey Xaamilo bey aheyd, ka dibna
waxay ku dhashay Halkaas Gabar, waxaana loo bixiyay Agoosto, Waana Walaasheey
Ninki yaqaanaa yaqaaneeeeee”. Dhammaan Haweenkii Goobtaas joogay ayaa bilaabay
Carab-dhaw & Sacab aan Joogsi laheyn socdayna illaa qadar yaroo daqiiqado ah.
Yusuf Ariri |
Md. Sugulle wuxuu haddana u gudbay inuu wax ka Taabtaabto ama
xusuusiyo dadka Halgamayaashii Naftooda & Maalkoodii u huray Xoriyadan aynu
maanta harsaneyno wuxuuna Carabrkiisa ku bilaabay Marxuum Halgame C/laahi Ciise
isagoo ka faaloonaya Safarkii uu aaday Qaramada Midoobay wuxuu yiri “C/llaahi
Ciise, maalinti uu safarka uu aadi lahaa New yorka, maalinta ka horeysay waxaa
soo booqatay Hooyadiis, waana loo diiday inay la kulanto ama la hadasho
Wiilkeeda ay Sagaalka Bilood Caloosha ku soo siday, Sababta loogu diidayna
waxay aheyd oo kaliya, in Gumeystaha Talyaaniga uu wax Uun ku abuuro Hooyada si
ay C/laahi Ciise uuga baajiso Safarka uu Qaranni-ma inoogu doonayay, Kolkaas
ayaa Hooyadii Tiri bal Dardaarankan Wiilkeyga Gaarsiiya “C/laahi-yow ha
qiyaamin Raggan ku aaminay oo Anigo Hooyadaa ah ii diiday inaan ku arko,
Dareenka ka muuqdana uu Yaha Gobanidoon” Haddaba waxay Soomaali oo dhan isku
raacday in C/laahi Ciise uusan Soomaa! li qiyaameyn uuna ka soo baxay
Kaalintiisii Gobanimodoonka aheyd”
Ka dib waxaa Cod-baahiyaha la wareegtay Gabadha Codka macaan
ku caan baxday Seynab Seefow oo goobtaasi ka qaaday Dhammaan Heesihi Wadani-ga
ahaa ee Soomaaliyeed waxayna ku bilaawday Heesta Barakeysan ee Calanka
Soomaaliyeed, bal Dib u xusuusta:
Seynab seefoow
|
“Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin”
Fanaanadda Seynab Seefow, sida ay marba Hees ka hees dadka
uugu raaxeynaysay ayaa qaaday Qiiro iyadoo isla goobta Ooyin & Baroor diiq la
fariisatay weyna u suurto geliweysay inay halkaa ka sii wado.
Laakiin waxaa noqotay mid Nasiib daro ah, dadka halkaas isugu
yimidna ay gebi ahaan-ba ka xumaadeen in aanan la isku soo qaadin goobta-na
laga xusin Qaxootiga Soomaaliyeed ee nasiibkoodu keenay Xeebaha dalka
Talyaaniga iyagoo horaantooda la soo kulmay dhibaatooyin kala duwan halis-na
galiyay Naftooda. Ka dib markii ay Tahriib ku soo mareen Saxaraha aanan
sahlaneyn ee Sudan & Libia, naftooda-na ay ku waayeen dad Soomaaliyeed oo fara
badan qaar kood-na la là yahay meel ay ku danbeeyaan & meel kale.
Taasi waxaa ka sii daran in Boqolaal Soomaaliyeed oo
Qaxootigaas ka mid ah ay Magaalada Roma iyagoo iska dhex yaacaya kuna kulansan
Meesha ay Soomaalidu isugu timaado ee lagu magacaabo Stazione Termini uu
Boolisku ka ceyriyo iyagoo lagula hadlaayo Codbaahiyaha gaarka ay isticmaalaan
Boliiska dalka Talyaaniga.
Haddaba dad badan baa rajeynaya in Ururkan Cusub ee ku
mideysan Haweynka Soomaaliyeed ee Deggan Roma inay wax ka qabtaan, Walowse ay
haatan Haween Soomaaliyeed & Caruurtooda ay Gidaarada Roma jiifaan iyagoo
Tabaaleysan.
Abshir, Seynab Baxaroow, sugulle
|
Khaalid X, Cali Maalin "Deble"
amalroma@hotmail.com
SomaliTalk.com
Rome - Italy
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|