Nairobi: Booliiska Xaafada Islii oo Dhowaanahan
Laganastay oo Hadda Soo Laba kacleeyey...
Abdi Yare|
kahin2002@hotmail.com | Nairobi,
Kenya
Booliiska xaafada isilii ayaa intii u
dhaxaysay bishii fabraayo ee sanakii 2002 ilaa sanadka bilawgiisii aad looga
nastay iyagoo aan wax dhib ah cidna u gaysanin .
Laga bilaabo ilaa xiliyadii dadwaynaha
soomaaliyeed ay ku soo qaxeeen dalka kenya waxay kala kulmayeen dhibaatooyimn
is daba joog ah, kuwaas oo loo gaysan jiray maalin iyo hadeen, ciroole iyo
caaqi,l taas oo inta dadka la uruuriyo laga soo furan jiray lacag aad u badan
oo ayna awoodinba, hadii aadan bixina aad xabsi ku dhamaysan, taas oo sababi
jirtay in wakhtiga intiisa badan aad ku dhamasato joogi taanka gurigaaga.
Hadaba ilaa lasoo gaadho hada sanadka 2003
waxaad moodaa in xaalku uu sidii sii hore ku soo noqon hayo halka ay awla hore
ka ahaan jirtay in maalin iyo habeenba lays xidho ayaa hada waxaa ay bilaabeen
waa boliiska ah in ay intay wadoo yinka madaw ee islii intay fadhiistaan ay
qofkii soo maraba intay qabtaan way diiyaan su aasha ah "LETA KITAANBULUUSHO?
{keen sharcigaaga?}.
Sida la ogsoon yahay islii waa hayga kumanaan somali
qaxooonti ah oo ay dantu ku kaliftay in ay halkaas joogaan maadaama aan
dalkoodii lahayn dawlad, waxana ay hada xaaladoodu aad ugu soo noqonaysaa in ay u eg tahay in sidii
hore looga dayrinayo xaaladooda amaanka.
wasaamu calaykum
Abdi Yare|
kahin2002@hotmail.com | Nairobi
Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|