Munaasibada 1 july ,Fikradaha ,Diridhaba
iyo Ikraam
Mohamed Dubbe
Hyderabad, India
m_dubbe@yahoo.com
ama
m_dubbe@hotmail.com
|
Fikirka saliimka ahi waa ka aadamuhu ku
kala saaro sax iyo qalad, waxa nasiib xumo ah in ay somalidu ku kala fogtahay
siddi la rabo halloo sababeeyee, sideedabana Aadamuhu waa ku kala gadisan yahay
rayiga , qofba meel uu wax ka eegaba, masalan "Qof baa waxa la Quman ay ka kale
Qalooc ula muuqataa", Akhristow haddaba fikirku Ma noqodo mid mar walba ay
rafiiq ku yihiin laba qof ee maankooda qaba isla ahaantaana aan wadan dano gaar
ahaaneed. waxa qofka midayn kara waa inay meesha timaado is qancin iyo in
arrinta la rog rogo la iskuna dayo in la is qanciyo, dabcan waxa Muhiima qofka
wax qancinayaa inuu yesho dulqaad iskuna dayo inuu saaxiibkiisa kale bal
fikirada uu qabo la eego isla markana haddii uu ku waafaqo ay sidaasi ku
noqdaan laba qof oo ku saaxiba fikradaasi, waxa iyadu noqonaysa Iin ama dhaliil
uu qofka wax qancinayaa yeelan doono haddii fikirkiisu yahay mid wanaag wada,
in uu gaadhsiin kari waayo bulshada inteeda kale . Waxa iyaduna sidoo kale
ayaan daro ah Haddii Aragtidaadu noqoto mid qaldan ama laga yara barako badan
yahay adigoo ku sii dhagsanaada Taasi waxay noqonaysaa Madax adayg iyo adigoo
doonaya wax aan dad kale kula arkayn Markaa qofkaasi ugu danbayntii waxa u
noqdaa qof Xumaan uun ka shaqeeya oo samahu ku yar yahay taasina waa laga
fiican yahay Akhristow, somaliduna waxay odhan jirtay "NIMAAN GARAW BARANIN GAR
MA BARAN", Biya dhaca maahmaahdani waxa weeye In Mar walba wixii wanaag ku jiro
aad ka shaqayso oo haddii lagaa Rayi fiican yahay aad walaalkaa u garawdo,
balse garmaaha in Fikir qaldan laguugu garaabo.
Maqaalkaygan oo ah mid ka dhashay Ka dib
markii aan akhriyay qoraalo ay soo kala qoreen walaalahay Maxamed Diridhaba iyo
Ikraam ali-kaar,oo ku saabsanaa midba sida uu u arko maalintii xornimada
koonfurta somalia ee talyaanigu gumaysan jiray, isla markana ah israacii
labadii Gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumaysan jireen.
Ugu horayntii haddaba waxa xusid mudan
munaasibadaha 26 june iyo 1 july, oo kala ah maalmo si gaara inoogu suntan isla
markaana aan marnaba la iloobi karin waxa marka aad xasuusato maalmahaasi
maskaxdaada soo galaysa, mar cadho marna farxad.
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
Mar waad cadhoonaysa oo waxa aad dib u
xusuusanaysaa dhibaatadii ay gumaysigu ku hayeen umada somaliyeed iyo guud
ahaan qaarada afrika, adigoon meel fog ka eegin akhristoow waxaad si quman u
dhuuxdaa kalmada GUMAYSI.....waa kalmad runtii murugo xambaarsan, waxayna
kalmadaasi halku dhig utahay munaasibadaha labadan malimood oo waxaynu ku
magacawnay , waa maalimihii aynu Gumaysiga aynu xornimada ka qaadanay. waxa
kale oo aad akhristow yara dhuuxdaa kalmada XORIYAD, Runtii labadaa kalmadood
ee Xoriyad iyo Gumaysi waa kala dhadhan fiican yihiin mid walibana waxay
wadataa Xusuusteeda gaar ahaaneed farxad iyo naxdin mid kood. Haddaan intaa ku
dhaafo munaasibadaha kala ah 26 June iyo 1 july, Bal akhristoow aan isla eegno
Arrinta kala Fikirka ka dhigtay Maxamed iyo Ikraam, Haddaad runtii si qumaatiya
u akhrido qoraalada labadan qof, waxa ka muuqanaysa in ay ku kala gadisan
yihiin maalinta 1 july iyo midawga labadii qaybood ee somaliya ku midawday
waagaasi, waxa kale oo kuu dhadhamaysa Ereyada uu ciwaanka uga dhigay
walaalkeen maxamed Diridhaba oo uu ugu yeedhay "Maalintii madoobayd ee
somaliland", xaga ay walaasheen Ikraam ciwaan uga dhigtay maqalkeda "Kowda
Luulyo iyo Diridhaba kala war la'aa". Haddaba anigoo akhriyay labada qoraalee
ay soo kala qoreen waxay Fikir ahaan ila noqotay inan bal dhex galo Maxamed iyo
Ikraam.
Sida aan kor ku soo xusay fikirku waa mid
aadamuhu ku kala duwan yahay, Balse waa in la is la eegaa sida wax u jiraan la
iskuna dayaa in la is qancin karo fikiradaha kala duwan , anigoo aan halkan
idiinku garnaqayn waxa aan bal si kooban u dul maryaa nuxurka aan kala soo
baxay labadiina qoraal iyo sida ay iila muuqato.
Maqaalkii Diridhaba.
Taariikhdu waa ma guurto ma duugawdo, cidna kama beensheegi karto , sidaa
daraadeed maxamed qoraalkiisa waxa uu in badan kaga hadlay midawgii labada
qaybood ee is raacay 1 july 1960, maalintan oo sidaan kor ku xusan ah maalin
qiimo leh, Balse loogu abaal guday waxayna gayin, Ayaan anigu u fahmay runtii
in Ay maxamed Diridhaba ka keentay Erayadaa inuu adeegsado, Diridhaba Wuxuu in
badan ku sheegay maqaalkiisa sidii ay u midoobeen labadii qaybood ee somalia ,
Oo aan runtii odhan karo in badan badan taariikh ahaan waa sax kumana gafin,
somaliduna waxay tidhaa "DHARIGA WAXA KARKA KA KEENA KULAYLKA", waa dhab waxaan
shaki ku jirin in diridhaba ama dadka u dhashay jamhuuriyada Goosatay ee
somaliland in ay malintaa 1 july kala kulmeen wax ka xun wax yaalihi uu ina
baday Gumaysigu ,dhibaatooyinkaasi oo inta badan marka ay xasuustaan dadka reer
somaliland dhibtii iyo Rafaadkii ka soo gaadhay Dawladii midawgi labada gobol,
Waxa aan halkan ka qirayaa oo aan ku taageersanahay Diridhaba in israacii
labada Gobol ahaa mid qaldan isla markaana Dadkii reer somaliland ee jibaysna
ee u oomanaa midnimo shan soomaaliyeed ay noqdeen dad la kulmay Waji gabax iyo
wax ayna filanayn.
Maqaal ahaan Diridhaba waxa uu raaciyay suaalo
, balse waxa ka jawaabi doona dadka uu ka doonayo jawaabaha. Waxa aan jeclay
inaan halkan uga sheego maxamed inuu Qoraaladiisa inta badan laga akhristo
website yada soomaliyeed uu wax ka badalo sida uu u qoro taa macnaheedu maaha
fikirkaaga badal waxa aan u jeedaa waa qaabka aad fariintaada u gudbinayso iyo
sida aad wax u cabiraysaa waa inay noqotaa mid dadka soo jiidata isla mar
ahaantaana qoraalkaagu waa inuu noqdaa mid aad fikir ahaan wax ku qancin karto.
Maqaalkii Ikraam.
Maqaal ka ikraam marka aad akhrido waxa
muuqata inuu ahaa mid ka dhashay maqaalki uu qoray Diridhaba, kaasi oo aan
halka hore ku soo qaadanay,waxa ikraam ay maqaalkeeda ku sheegtay in 1 july ay
tahay maalin qiimo leh waana runteeda, waxay ku sheegtay in ayna ahayn
maalintaasi maalin ay cidi ku sheegi karto maalin madaw, Markaa waxaad kala soo
bixi kartaa halka la iska waydaarsan yahay inay tahay, 1 july oo ninba si u
taabanaysa, Diridhaba si bay u taabatay oo wax bay xusuusinaysaa u gaara,
ikraam-na si bay u la wayntahay oo xiiso gaar ahaaneed ayay u leeday.
Haddaba Aan u imaado siday walaasheen ula
muuqato maalintaasi, haddii aan ku soo koobo dhawr kalmadood, waa Maalin qiimo
wayn u leh , waa maalintii Heeryaddii Gumaysiga ay tuurtay koonfur somaliya,
isla markaana Midawgii labada Gobol(waqooyi iyo koonfur), sidaa daraadeed ma
iloobi karto ikraam.
Marka la eego Fikrada Ikraam waa sax oo waa
maalin aad u qiimo badnayd, Balse waxa ka dhiman Ikraam inay la qiyaasto
Walaalked Diridhaba waxa maalintaasi mugdiga uga dhigay, run ahaantiina haddii
aanad xaqiiqda baal marayn waxa aad ku qanci doontaa sida aan u qiimeeyay
Qoraalkii diridhaba.
Waxaan ugu danbayntii walaashay ikraam aan
doonayaa inaan halkan uga sheego , Maqaalki uu soo qoray diridhaba sida aad u
qiimaysay iyo sidaad uga talo bixisay midna maaha ee dib ugu noqo, Kalmadaha
aad adeegsatay, ay ka mid ka tahay Qabyaaladu , runtii maqaalkaasi aniga iigama
muuqato wax qabyaalad lagu sheegaa iyo wax aan idhaa ninkaa Diridhaba waa
Cunsuri Qabiiliya, Hadal qabyaaladaysana Ma ka hayo Qoraalkiisan, Haddii ayna
jirin qoraalo hore oo aad soo xiganayso taasina meesha kumaad sheegin, amabase
ayna aqoon gaar ahaaneed idinka dhaxayn labadiina Taasi Ma ogi haddii ay jirto
se raali baad iga ahaan, haddi kale waxay noqonaysaa Meel ka dhac aad u
gaysatay walaalkaa Diridhaba.
waxase aan anigu Jeclay inaan halkan kaa
waydiyo Suaal ah Haddii aanu Diridhaba Qabiil ku soo qaadin Qormadiisa Maxaad
ku keentay? Miyaan la odhan karin Adiga Qudhaada ayay Maskaxdaada ka guuxaysaa
Arami Qabiil, Bal ogoowna qoraalkaaga waxaad ku taataabatay Qabiilka iyo
burburka soomaliyeed sida uu uga qayb qaatay.
waxa kale oo iswaydiin leh dhibaatada u ka
cabanayo walaalkeen Diridhaba Ma quman tahay Marna waan qirsanahay in
dhibaatadaasi jirto, Markalena waan inkirayaa taasi Maqaalkaaga ayaad laga
hayaa, Somaliduna waxay ku ducaysan jirtay "ILAAHAW AFKAYGA HAA IYO MAYA HA KA
WADA YEEDHSIIN".
Ugu danbaytii Suaashii aad soo dhex dhigtay
Qorayaasha qoraladooda sida qabiil u adeegsada ,iyadoo suaashaasi ay ka jawaabi
doonan dadka ay qusaysaa, waxaan adiga kugu ladhayaa suaal kale oo ah, Maxaad
ka faaiidaysaa inaad qof fikirkiisa cabiraya aad ku sheegto Qabiili, suaashaasi
oo aan qusayn kana muuqan qoraalka diri dhaba? Waxa kale oo xusid mudan in aad
sida aad fariinta u gudbinayso aad wax badan badan ka badasho, si aad ugu
qancin karto fikradada qof ka kale, Tusaala ahaan walaalkeena kale ee u
jawaabayay Diridhaba ninka lagu magaacabo Cabdiwaaxid Khaliif, sida fiican ee
uu u gudbinayo rayigiisa bal eeg sida uu ula hadlay walaalkiisa kale waa ka
hadalka wax lagu kala qaadan karaa,dhinac kale haddaan ka eegno imika walaalkaa
diridhaba maqaalkagasi inuu sii fogeeyo mooyee mid soo dhawaynaya maaha,
Somalidu waxay tidhaa "Hadalna la kala odhan Og Alla la kala baryi og",
Hadalkaagu ha ahaado mid aan qofka damqin isla markaana aan Aflagaado ka muuqan,
ogowna waa iga Talo Tusalahaasi maaha mid ku digasho ah.
Gabagabadii qormadan waxaan Labada Qoraa
Maxamed iyo Ikraam aan ka codsanayaa inay i cafiyaan haddii aan wax meel ka
dhac ah aan sameeyay, wixii qalad ula muuqdana waxaan u ahay dowbixiye,
dhamanteena waxaan Ilahay inooga baryayaa dambidhaaf.
Wabilaahi Towfiiq.
Mohamed Dubbe
Hyderabad, India
m_dubbe@yahoo.com
ama
m_dubbe@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|