SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DIGNIIN
Iska ilaali emailo wareegaya

Hassan Nuur SRG14@jubiimail.dk
KAAH

Sida la cadeeyey waxaa wareegaya emailo ujeedadoodu tahay in lagu dhaco dadka. Emailadadaas oo intooda badan xambaarsan macluumaad dhab ah si loo soo jeediyo qofka dareenkiisa, isla markaana loo rumaysto hadafka laga leeyahay eyey isku dayeyaan kooxo mafiya ah inay kaaga faa’iidaystaan si khidadaysan oo qofka lagu soo jiidanyo. Waxay raacayaan hab si wanaagsan looga soo shaqeeyey sida iyaga oo Soo qaadanaya dhacdooyin run ah Isticmaalaya telefono iyo cinwaano sax ah, balse aanay wax xidhiidh ah aanay la lahayn iyo shaksiyaad caan ah.

Magacyo badan oo isku xidhan sida caruur iyo qoyskood iyo meelaha ay kala joogaan iyo da’dooda oo dhamaan sax ah Qofka ay la soo xidhiidhaan waxay ka codsanayaan inay arintu tahay sir culus, isla markaana uu ku helayo dhaqaale aad u badan sidaa awgeed arintu qarsoodi tahay, qofka danta ka lehna aanu kashifin, taasoo dadka ku abuuri karta hunguri iyo xishood labadaba.

Waxay kaa codsanayaan cinwaankaaga gaarka ah iyo wuxuun kale oo muhiim ah sida Account-kaaga iwm.

Marmarka qaarkood waxay ku siinayaan telefonada gacanta ah oo ay wataan balse sida la sheegay aan la garanayn meel ay ka diiwaan gashan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee waxaanu uga digaynaa dadka inay iska ilaaliyaan emailadaa oo aan haba yaraatee aanu wax hungiri ah kaa gelin. Emailadan waxaa dira dad Mafia ah oo isku xidhan, waxaa dhici karta in meel uun laga soo helo emailkaaga sidaana iyago oo adeegsanaya Masmail in dad badan ay ku gaadhsiiyaan, iyaga oo ka rajo qaba in 3% oo keliya ay gacanta ku dhigaan macluumaadka ay doonayaan.
BOGGA VIRUS-YADII HORE... GUJI

Hadii dadkan la raad raacdo waad heli kartaa meelaha ay emailada ka soo diraan, balse waxay had iyo gooraale adeegsadaan Internetcafeeyada, librarieska iyo meelaha kale ee puplic serviceka ah, sida aad ku arki doontaan emailkan hoose kuma cada qofka loo soo diray, taasi waxay cadaynaysaa in ay adeegsadeen Masmailling oo halkii email ay ku diri karaan boqolaal kun iyo malaayiinba email.

Haiid ay helaan cinwaankaaga ama macluumaadka ay ku soo waydiisteen way adagtahay inaad ka badbaado, waxayna awood u helayaan in ay  account-kaaga u dhacaan.

Fadlan iska ilaali dadkana uga sheekee macluumaadkooda iyo si aan loogu sirmin arimaha noocaan oo kale ah.

Waxaan tusaale u soo qaadanaynaa  emailkan oo ka mid ah kuwa ay faafinayaan kooxdani, waxaa ku cad:

1. telefonka Gacanta
2. Xafiis
3. Statuska qofka soo diray iyo Thabo Mbeki madaxwaynaha South Africa
4. Lacag dhan US$30.1Million
5. Ujeedada lacata
6. Khidmada aad helayso
7. Shirar iyo macluumaad waqtiyeysan
8. Robert Mgabi President of Simbabwe
9. iyo arimo kale oo badan..

Hassan Nuur SRG14@jubiimail.dk

 QORAALADII HORE EE XASAN NUUR


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD