Kelmadahan dhegahayga ayay ku dheceen dadka
ku hadlayayna waxay u badnaayeen dhalin yaro yar yar oo ay isaga qaldantay
cilmiga iyo barashada afka ingiriisiga. la yaab iguma noqon waayo anagoo
dhanba maskaxda waa nalaga gumaystaa ee qodaxda ninba intii tabartiisa ah
ayay ku tagtaa. Intee in la eg ayaa lagu gumaystaa? waa miisaan qof walba uu
isa saari karo asagoo fiirinaya diintiisa, dhaqankii waalidkiis, iyo waxa uu
ku dayanayo faa’iido ma u leedahay mise maya.
Ma u dabaal degtaa sanaka cusub, markaad
dhalatay, markaad guursatay, qamro ma cabtaa, aabahaa sigaar ma cabi jiray,
afka ingiriisiga iyo cilmiga ma isku xirtaa, dadka cadaanka ma kula quruxsan
yihiin, dhaqankooda kulligiis ma istiraahadaa kaa fiican. Dadka madaow ma
kula foolxun yihiin, labiska iyo tima jarista ma uga dayataa, iwm. Haddii
aad calaamadahan badankood isku aragtay is miisaan.
Qoraalkan ugama jeedo in aan dadka ka hor
istaago barashada afka ingiriisiga iyo qaadashada wixii fiican ee waxaan ku
dhiiri gelinayaa in uu qofkasta miisaan isa saaro. Barashada Afka
Ingiriisiga waa fiican tahay oo buugaag badan ayaa ku qoran afkaas, dalalka
afka ingiriisiga ku hadlo qaarkood dhaqaale fiican bay leeyihiin oo qofka
shaqadiisa ayaa ku xirmi karta ama ganacsigiisa tacliintiisa iyo
horumarkiisa. Qofka wuu safri karaa calaa kulli xaal dano badan ayuu qofku
ku fushan karaa afka ingiriisiga ee waxa la arbo waa qofku inuu fahmo in
afna uusan af ka fiicnayn. Xusuuso taariikhda adduunka marba afbaa horyaal
ahaa. Mar Giriiga, mar Carabiga, Roman Latin iwm. Culimada afafka waxay
yiraahdaa internetka ayaa u hiiliyay afka ingiriisiga oo markay soo baxday
ayuu tartankii afka Faransiisku haray inkastoo qaarna ay yiraahdaan
horteeduu haray.
Mar aan safar ku tagay Germany, France,
Holland, Denmark ayaan isku taxalujiyay in aan arko ama helo joornaal af
ingiriisi ah oo ka soo baxa dalalkaas, dadkii waaba i fahmi waayeen waayo
markay iisoo taagaan NY Times, London Times, USA TODAY waxaan iraahdaa maya
waxaan rabaa mid halkan ka soo baxay- maskaxdayda waxaa ku jirtay meel kasta
Joornaal af ingiriisi ku qoran ayaa ka soo baxa sidii Kenya, Itoobiya, ama
Masar markii danbe ayaan fahmay in meelahan la gumaysan jiray ee yurub uusan
ingiriisku gumaysan waxaana la iigu jawaabay anaga ingiriis nama gumaysan!.
Muhimada waxa weeye inaad caruurtaada barto
af soomaaliga iyo inaadan isku xirin cilmiga iyo Afka ingiriisiga, inaadan
la yaabin qof aan afka ingiriisiga u dhalan hadduu ku yiraahdo ma aqaan af
ingiriisi..
Qaybaha
kale ee qoraalkan....
Mahamoud N. Wardere
mwardere@oakwood.com
Cusboonaysiin: Jan 20, 2003
Wardheere
Archive......
Senatorka
cusub ee Minnesota Norm Coleman oo la dhaariyay
Waa Senatorkii u ballanqaaday in uu
la kulmi doono bulshada Soomaalida ee Minnesota saddexda bilood ee u horeysa
gudaheeda haddii uu doorashada ku guulaysto GUJI..
9/1/3
Waa
latarxiilay, laguna banaanbaxay ee maxaa u diidey in ay Joogaan dalkooda
Wararka iyo Faalooyinkii
Maxamuud Wardheere ee toddobaadkan oo ay ka mid yihiin......
GUJI..
Habeenkii
Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso
MINNESOTA: shirweyne uu ka hadlay hormuud kasocda Jaamacada Boosaaso iyo
aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed, sidii uu u dhacay KA.AKHRI.HALKAN
Siciid
Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota
Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh
NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii
Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI
30/12
ELDORET:
Taxanaha Wararka
com
|