waxaa jira dil ka dhaca meelo kamid ah
soomaalia maalin kasta, dilkana Alle Agtiisa xitaa wuxuu ka yahay danbi aan
weynankiisa la soo koobi karin, oo waxaa jira axaadiis sheegaya in Alle -sida
uu dhiiga muslinka ah u ilaaliyey- uu door bidayo in kacbada la dumiyo,
intii qof muslin ah fartiisa dhaawac la gaarsiin lahaa ! iskaba daaye diinta
islaamku wexeey gaarsiisay dilka heer eey xitaa suura gal aheyn inaad disho
qof gaal ah oo aad jihaad kula jirto,oo markii aad xabad ku dhufo istiri la
soo booday " Laa ilaaha illa-laahu" (Ashahaatinka) waana xadiis
caan ah oo ku yimid saxaabiga weyn ee Usama Bin Zeyd mar uu dilay nin sidaas
sameeyey, markii uu suubanuhu SCW weydiiyeyna wuxuu yiri " seefta ayuu
isaga ilaalinayey, ee islaanimo kama aheyn" markaas ayuu Suubanuhu SCW
ugu jawaabay " ma adigaa qalbigiisa jeexay oo daalacday? sideed yeeli
doontaa qiyaame marka (Ashahaatinka) lagu horkeeno, oo eey kula xisaabtanto"
! marka weey fiican tahay in muhimad gooni ah la siiyo qofka diinta
aflagaadeeyey, ha yeeshee wexeey ila tahay ineey jiraan amuuro taa ka qoto
dheer oo maalinle uga dhaca waddankii hooyo, iyo qurbahaba.
Inta eey jiraan Maqaalo reero gooni ah lagu
aflagaadeynayo, inta eey jiraan qoraalo magaalooyin ama gobollo gooni ah
lagu rifayo, waxeey ila tahay inaan heysanno dhib nagu filan oo u baahan in
muhimadeena ugu horeysa aan siino.
Midda kale oo turxaan bixinta u baahani
wexeey tahay ineeysan isku xirneyn dhibka eey Ayaan Xersi u geysatay diinta
islaamka iyo ku noolaansheheeda eey ku nooshahay waddan galbeedka ku yaal,
dhabtu wexeey tahay in Ayan Xersi aniga sideey ila tahay lagu soo
barbaariyey meel kamid ah meelaha ugu xag jirsan dhanka ku dhaqanka diinta
islaamka oo ah waddanka Sucuudiga, waalidkeedna eey dadaaleen, hayeeshee eey
iyadu dooratay ineey diinteedii aflagaadeyso, marka qofka ku doodayow Ayaan
hadii aan wadankeedii laga soo barakicin laheyn, diinta meeysan caayseen,
wexeey ila tahay taas waa dood aan sal laheyn, misana xaqiiqdaba kafog, ku
dhawaad 2 Milyan oo soomaali ah ayaa galbeedka dhex heehaabaya, waana markii
ugu horeysay oo qof noocan ahi uu ka soo boxo.
u dhiidhinta diintu ma naga dhab baa mise...?
Aniga shaqsiyyan ilama ahan ineey daacad
naga tahay inaan diinta u dagaalanno, sababahan soo socda awgeed.
(1) soomaalida inteeda badan wexeey si toos
ah, ama dadban uga qeyb qaateen dagaalkii sokeeye, ninka ugu tabar yar fadhi
ku dirir ayuu ku kaalmeeyey beeshiisa, oo waa (Af-kudhiigle) marka hadii eey
diini jirto maxaa looga dhowrsan waayey gacan ku dhiigle-nimada, ama ugu
yaraan afku-dhiigle-nimada...?
(2) soomaalida ku nool galbeedka iyo
qurbaha oo dhan wexeey -intooda badan- ka been sheegaan xaaladooda nololeed,
oo dowladaha eey ku dhex nool yihiin ayeey ka dhacaan boqolaal Milyan oo
doolar, dhacaas oo ah mid maskexeysan oo laga baaraan dagay, kagadaal marka
dowladda loo sheego in nin & naag is qaba eeysan is qabine'e saaxiibo
yihiin !!
(3)soomaalida qurbaha intooda badan wexeey
isku raacsan yihiin in la hagar daameeyo dowladaha marti galiyey, isla
markaana sharciyadooda lagu tunto, laga soo bilaabo khaliijka oo
Iqaamooyinka lagu been abuuro, Document aan sax aheyna lagu safro, lagu
keeno Galbeedka oo caruur aan la dhalin iyo naag aan la qabin lagu soo
galiyo waddamadan (anaa dhalay iyo anaa qaba).
(4) soomaali badan ayaa ka dhiiban hal
waddan ka badan, gaar ahaan asxaabta yurub iyo canada, taas oo sharci darro
fool xun ah. (waan is ognahay xarfaaneey)
Marka ilma adeerayaalow diinta ma dhinacaan
rabno ayaan ka qaadaneynaa, markaas baan dhanka kalena middiyo ka wadanaa oo
aan rabnaa inaan ku andocoono ineey "u dagaalanka diintu dhab naga
tahay" ...? cid kaleba ha aqbashee anigu ma yeelin, waxaana leeyahay
seeftan labada af leh wax halaga baddelo.
Saxaafadda iyo suxufiyiinta maxaa lagudboon..?
Saxaafadda iyo suxufiyiinta soomaaliyeed ee
ka caafimaadka qaba cudurada Qabyaaladana waa ineey cod mideysan kaga
hortagaan qoraalada lagu ijaafeynayo qeyb kamid ah suxufiyiinta soomaaliyeed,
mana ahana inaan ka aamusno xadgudubka diiran ee aan geedka loogu soo gabban
ee lagu hayo saxaafadda shariifka ah, dagaalka aan Ayan Xersi kula jirnana
aan u weecinno mid aan kula jirno bukaan socodka Qabyaalada, gaar ahaan
kuwooda afka dheer ee awooda ineey qoraalo mijaxaabin ah kusoo bandhigaan
bog soomaaliyeed.
ugu danbeyntii anigu waxaan dhihi lahaa:
dagaalka iyo xamaasadda loo wada yeeshay arrinta Ayaan Xersi Magan oo kale
amaba mid kasii xag jira haloo yeesho warxumo tashiilka dhex heehaabaya
badweynta saxaafadda shariifka ah, xaqiiqatan Ayan Xersi Magan nagama soo
bara kicin dhulkeeniiye, waxaa nasoo bara kiciyey warxumo aashiil, jaahil
xukun loo dhiibay, jaahil xabad loo dhiibay, bukaan socod qabyaaladi dhul
dhigatay, wadaad xume, daba dhilif, affar jeeble tuug ah, jaajuus ajnabi iyo
tobaneeyo kale oo sanka iskula jira.
Wariyaha soomaaliyeed ee caafimaadka qabaa
meel kasta oo uu joogaba waa mid xaqiiqda abaara, haba ahaatee mid qaraar'e,
mana jiro gobol eey dadkiisu wada shariif yihiin, ama mid eey dadkiisu
shayaadiin yihiin, meel kasta waa leysku dhex qasan yahay, waxaase sheegid
mudan in soomaalida maanta eey isaga baahi badan tahay toban sano kahor,
taana waxaa mahadeed leh wiilasha iyo gabdhaha kala qabiilka ah ee is
guursaday, ganacsiga aan xuduuda laheyn ee baahay.
Waxaan ku soo gunaanadaa hadal qiime leh oo
uu yiri saxafi gaamuray, calaliyayna xaashiyaha wargeysyada Mr Cabdel-Bari
Catwan oo ah tafatiraha wargeyska Al-Quds ee London xaruntiisu tahay,
wuxuuna yiri " caalamka islaamka siyaasadiisa saxaafadda ayaa hagta,
saxaafadana -nasiib xumo- Xaasidnimo ayaa hagta, hadii xaasidnimada la
baabi'biyo waxaa la baaba'aya maamulada ku hor liqdaaran shucuubtaas, hadii
kalena subax walba wargeys ragga qoraayi dacar eey ku casheeyaan ayaa
indhahaaga ku dhacayaan".
C/raxman Ceynte
St.paul, MN
ceyntejournalist@attbi.com
Jan 24, 2003
FILIN
ATOORIHIISU MAGICIISA KUJILAAYA " ALLAAH"
waa filim ku
jeesjeesaya magaca Allah, sida ay uga jawaabeen Muslimiinta jarmarku... KA
AKHRI HALKAN. [XagarYare] 18/1
Cawaaqib
Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay
maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan
aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee
diinta islaamka..
GUJI...
31/12
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|