Kenya waa taase Soomaaliya meeday.
Dalka Soomaaliya wuxuu xorriyaddii qaatay 1960.kii, halka Kenya ay xorriiyadda
qaadatay 1963.kii, Soomaaliya tirada dad ee ku nool waxaa lagu qiyaasaa
8.Milyan, halka Kenya ay ku noolyihin dad lagu qiyaasay 30.Milyan, Soomaaliya
waxaa ku nool hal qowmiyad oo isku isir ah, halka Kenya ay ku noolyihiin
Tobaneeyo Qawmiyadood oo kala isir ah, Soomaaliya waxaa looga hadlaa hal af loo
la yiraahdo Af-Soomali, halka Kenya ay qawmiyad waliba leedahay af u gaara,
Sawaaxiliguna yahay luqad goboleed ay wadagaan ilaa 7 Dal oo ka tirsan Afrika.
Soomaalidu waxay haysataa hal Diin oo ah Diinta Islaamka iyagoo ka sii wada ah
Sunniyin haysata Mad-habta Shaaficiyada, halka Kenya laga haysto inta badan
labada Diimood ee kala ah Kiristan-ka iyo Islaam-ka, kuwa Kiristan-ka haysta
waxay u kala baxayaan qaybaha Kiristan-ka u sii kala baxo, sidoo kale kuwa
Islaam-ka haystana ay kala yihiin Shiico iyo Sunni, oo ay waliba mid walba
goonidooda u sii kala sarifanto, walow Sunnigu badan yahay, Shiicaduna ay
gacanta ku hayso dhaqaalaha, waxaa taa ka sii daran Kenya waxaa laga helayaa wax
allaala iyo wixii qaatay magaca Diimeed kuwa ugu xoogga badan, sida
Siinga-Siingaha, iyo kuwa Sheydaanka caabuda, Soomaalidu bulsho ahaan waa dad
isku xiran oo is taakuleeya, halka Kenyaanku aysan saas ahayn oo qof waliba uu
ku xisaabtamo xooggiisa iyo xeeladdiisa.
(qoraalka oo dhan
|
Intii ay xornimada haysteen shacabka Kenya meel dunida ka mid ah xabad u ma
ridin, cidna col lama noqon Siyaasad ahaan iyo dad ahaanba, ciidankoodu meelna
uma qalab qaadan si uu ugu duulo, halka Soomaaliya ay col la tahay dowladda
dariska la’ah ee Itoobiya oo ay la gashay dagallo aad loogu hoobtay, Taariikhda
Siyaasadeed ee Kenya laguma hayo xisbi inta dibada u baxay dhagax usoo tuuray
dhincii uu ku yaalay aqalkii uu daganaa, halka Soomaaliya askarigii caroodaba uu
madfaca ku bilaabo gurgii uu ka soo guuray, xubin firfircoon oo ka mid ah
Axsaabta is bahasytay Narck ee hadda la wareegay talada dalka Kenay ayaa maalin
isagoo la hadlaya taageera-yaashiisa ku khud-badeeyey (WAXAAN COLKA LA NAHAY
MA’AHAN DAARAHA DHAADHEER EE KU YAALA NEYROBI EE WAXAAN DIIDANAHAY SIYAASADA
MADAXWEYNE MOY), hadalka saas u miisaaman wali maka maqashay madaxda Siyaasada
ee Soomaaliya!!.
Su’aasha isweydiinta mudan waxa weeye haddii Kenya iyo Soomaaliya uu jiro
farqiyada intaa le’eg, oo waliba ay Kenya u dheertahay in aysan haysanin dhamaan
arimaha loo yaqaan iney sahlaan midowga umadeed oo ah fursadaha ay Soomaalidu
haysato, maxaa u sabab ah in xukunka Kenya si sahala la isugu wareejiyo
Soomaaliyana lagu heshiin la’yahay ninkii dadka xukumi lahaa? Adiga akhristaha ah aan ku daayo ka jawaabida su’aashaa.
Xisbiga Kanu wuxuu hayey talada dalkan Kenya 39.sano oo xiriir ah, 24.sano oo ka
mid ah waxaa dalka u talinayey Madaxweyne Moy, oo hadda isugu aruuray inuu
sameysto Hay’ad ka shaqaysa Nabadda Qaarada Afrika, dowladda cusub iyadu
qudheeda waxay ka kooban tahay urururo is xulufeystay oo ku heshiiyey sidii ay
Kaanuu uga qaadi lahaayeen talada dalka, “Rayle Odhinga” oo lagu tilmaamo inuu
yahay Injineerka dhisay xisbiyadii mucaaradka ahaa ee midoobay, horayna isugu
soo taagi jiray tartanka jagada Madax-tinimada, ayaa hadda wuxuu ku qancay inuu
noqdo Wasiirka Hawlaha guud ee dowladan cusub.
Kibakki ilaa laba jeer buu waayey jagada Madaxti-nimada oo uu kaga badiyey “Moy”
laakin hub ma doonan ee jidkii Dimuqraadiyada ayuu sii hayey, laguma hayo
Taariikh Siyaasa-deedka Kenya nin inta mucaarad noqday doontay qori uu ku ciil
baxo, waxaa maalin dhawayd lagu soo daabacday Jariiddada ugu magaca dheer Kenya
ee “Dail Nation” sawir nin isagu mucaarad ku ahaa “Moy” oo mucarad-nimadiisa ku
muujiyey ballan uu ku qaaday inuusan timihiisa jarin ilaa xukunka uu ka dagayo
“Moy” nikaasi waxaa la soo sawiray isagoo madaxii iska xiiraya oo leh hadaan xor
noqday.
Makugu soo dhacaysaa in Siyaasi Soomaali ah uu keeni karo caqligaas, oo uusan ku
fakarin inuu xabad rido ee uu cudud ka dhigto inuu jirkiisa ku muujiyo collaadda
uu u hayo maamulka dalkiisa,
Soomaalidu hadaba ma dad ka aqoon yarbaa Kenyaanka? Madad aan wadaniyiin hayan
baa? Madad khayraad badanbaa oo ku heshiin la’ khayraadka dalkoodaa? Maxay ku
dhacday in Siyaasiyiinta Soomaalida oo fadhiya Eldoret laga kari la’yahay
Madaxweyne la idin kaga keeni maayo dibaddee adinku iska soo dhexsaara ninkii
idiin noqon lahaa! Anigu mar baan u maleeyey isku soo aadinta shirka Soomaalida
iyo doorashoonika Kenya in la is yiri bal Qabqablayaashan intaasoo shir baan u
qabanay wax ka soo naasa cadaan waaye, bal iney garasho leeyihiin aan tusno sida
dalka ku dhagan xukunka la isaga tanaasulayo iyagoo waliba is jiijiid ku jira,
illeen horaa loo yiri Doqonta kolka hore usha agteeda ku dhufo haddey ku garan
weysana iyada ku dhufo, laakin hadda waxaa muuqata markii usha lagu dhuftayna
iney garan waayeen, marka adiga akhrinaya qormadan u raadi Siyaasiyiinta
Soomaalida magac kale oo aan doqon ahayn ood u bixiso hadaad u heleyso maahmaah
kalana weyba fiicnaan lahayd.
Tolow 25.ka hogaamiye kooxeed ee hadda ku shirsan Eldoret maka tusaale qaadan
karaan Xisbiga Narck oo ah xisbiga hadda haya talada dalka Kenaya, kana koobanaa
in kabadan ilaa16.xisbi, oo ku heshiiyey iney Kibakki u doortaan Musharraxoodii
Madaxweynenimo, waxaa ka mid ah laba hogaamiye xisbi oo dorashooyinkii hore isu
soo taagay tartana Madaxtinimada oo kala, “Rayla Odhinga” oo hadda ah Wasiirka
Hawlaa guud, iyo “Ngilu” oo hadda ah Wasiiradda Caafimaaka, sidoo kale waxaa ka
mid ah Madaxweyne ku xigeenkii “Moy” Pofer “Jorj Saytooti”, oo hadda ah Wasiirka
Waxbarashada,
Sidaad la socto kooxaha ka badan 25.ka ee ka qayb qaadanay shirka Eldoret
badan-kood xoog iyo xiniin ayey ku soo baxeen, hadba siday u kala dil badnaayeen
ayey isu kala xijinayaan qabashada jagada Madaxwene ee ay yeelan doonto
mustaqbal dhaw hadduu ilaahay yiraahdo Soomaaliya.
Jabahadaha hadda ku shirsan Eldoret ee tirooda dhaafeyso 25.ka qaar baan haddii
la yiraahdo kaalay saakay Madaxweyne noqo, aanan ka garaneyn shaqada
Madaxwene-nimada marka laga reebo in Madaxweynuhu yahay jagada ugu sareyso
maamulka dowladeed, ninbaa laga sheegay inuu yiri [anigu Wasiir shaqadiis
ma’qaan laakin haddii Madaxweyne la iga dhigo waan wadi lahaa!] Wali ma maqashay
xulufo hebel baa isku afgatay in hebal uu noqdo ninka ay u doonayaan
Madaxweynaha Soomaaliya, xitaa waxay ku heshiin waayeen ninkii guddoomiyaha u
noqon lahaa, waatey keeneen fikrada ah guddoomiyaha xilligan ama gudoomiyaha
wareegga.
Taas waxaa ka sii qosol badan, “LAGUDOOMIYE”, sidii ay dheheen markii
ay dhisayeen maamulkii Gobolka Banadir 98.kii oo Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid
ay qaateen jagada ah LAGUDOOMIYE, waxay diidayaan erayga gudoomiye inuu mid ka
mid ah yeesho, Ninbaa markuu maqlay LAGUDOOMIYE ku sheekeeyey in xalkii
Soomaaliya soo dhawaaday maxaa yeelay buu yiri, jagaba la waayi maayo, waxa!
an sameyneynaa sida tan. LA-MADXWEYNE, LA-WASIIR, LA-AGAASIME, LA-MUDANE
BAARLAMAAN, LA-LATALIYE, LA-DUQMAGAALO, LA-SAFIIR, LA-JANARAAL, LA-GAASHAANLE,
LA-KABTANLE, LA-BARASAAB, LA-XOGHAYE, i.w.m. adigu iska wad, ma u maleyneysaa
iney isku ogolaan lahaayeen iydoo ay naftu ku jirto hebal waa Madaxweyne, waa
tii laga sheegay Hogaamiye Soomaaliyeed CADKANOW KU CUNAY AMA KU CIIDEEYEY.
Xuseen Caydiid oo kamid ah Hogaamiye-yaasha ka qayb qaadanaya shirka Eldoret
ayaan kula hadlay khadka Telefanka su’aashii aan weydiiyey waxay ahayd ( hadaad
tihiin Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku shirsan Eldoret maxaad ka faa’iideen is
badalka siyaasadeed ee adinkoo jooga ka dhacay dalka Kenya) jawabtii uu
isiiyeyna waatan, { Eldoret intaan ku shirsaneyn waxaan rajeyneynaa in aan
dowlad Soomaaliyeed ku dhisanno, annagoo ka soo qalin jabin doonna Iskuulka
Dimuqraa-diyadeed ee aanu ka galnay Eldoret, is badalkii Siyaasadeed ee ka
dhacay Kenya waxaan ka faa’iidi karnaa inaan ku dayano oo aan tubtooda raacno,
run ahaantiina casharka aan ku dhiganay halkan Soomaaliya ayaan geyn doonna}.
Waxaan isku dayey inaan la xiriiro qaar kale oo ka mid ah madaxda kooxaha
Soomalida ee jooga Eldoret waase ii suuroobi weyday inaan helo.
Wakhtiga ayaa ka jawaabi doona in Iskuulka Eldoret laga furay fasaladiisa ay soo
gali jireen madaxda kale ee kooxaha Soomaalida, aan ku weydiiso su’aal ah,
[Mustaqbalka soo socda maka rajo qabtaa inaad aragto Qabqablayaashii Soomaaliya
oo sharaf u arkay in loogu yeero Wasiir hebel, halka ay hadda ku faraxsan-yihiin
in loogu yeero Dagaal-oge!].
Anigu kama rajo qabo, Rabise isagaa awood leh oo ka dhigi kara.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
January 10, 2003
FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA
QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka
faraha badan! GUJI..
2/1/3
ITAXAADKA
SOOMAALIYA
Waa faallo & Baaritaan muddo dheer qaatay oo kusaabsan Itaxaadka Soomaaliya,
Muxuu ahaan jiray, aragtida Caalamku ka qabo, aragtida siyaasiyiinta Soomaalida,
Hadda iyo... GUJI.. 27/12
com
|