SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Baaritaan ay Samaysay Jariidada StarTribune ee Minnesota
http://www.startribune.com/stories/462/3573596.html
"Omar Jamal, executive director of the Somali Justice Advocacy Center, says he doesn't claim to be the spokesman for Minnesota's Somali immigrants, which is a good thing because other Somalis take pains to say that he doesn't speak for them." StarTribune...

Waxaa Soo Turjumay soona gaabiyey

C/raxman Ceynte |St Paul, MN |ceyntejournalist@attbi.com

Cumar Jamaal: Afhayeenka ismagacaabay ee somalida Minnesota

Mr Jamal sida uu u sheegay wargeyska, "ma sheeganayo afhayeenimada qoxootiga soomaalida ee gobolkan" taas oo ah mid eey soo dhaweeyeen soomaali badan oo eey Mr jamal isku fikrad & aragti aheyn.
(warka oo dhamaystitan
Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 Wargeyska Startribune ee Gobolkan Minnesota ayaa qoray shalay maqaal dheer oo eey ku turxaan bixinayaan madaxa xarunta cadaalad u doodida soomaalida ee Minnesota (Somali Justice Advocacy center) .

Cumar Jamaal waa 28 jir ku barbaaray Muqdisho xilligii dowladii kaligii talisnimada, wuxuu shegay in aabihii ahaa askari la dagaalamay Max'ed Siyaad Barre, intii uu yaraa ayuu Mr Jamal - sida uu wargeyska u sheegay- ku noolaaday waddamada Switzerland, Germany & England, taas oo woxoogaa luqadda English-ka ka caawisay, soomalia ayuu dib ugu laabtay, misana 1991 markii dagaalku qarxay ayuu dhanka Kenya u soo cararay, deedna 1997 ayuu Memphis, ee gobolka Tenesee soo galay, woxoogaa waxbarasho ah ayuu halkaas ku qaatay, walow uusan marna qalin jabin, laakiin wuxuu waligiis ku hanweynaa inuu Abuu-kaate noqdo, walina uma suura galin, dabadeed 1999-kii ayuu u soo guuray Caasimadda soomaalida Mareynkanka ee Minneapolis, halkaas oo eey isaga iyo qaar eey saaxiibo yihiin kula dhalatay fikradda ah ineey furaan (somali advocacy center) oo imminka ku taal Magaalada St Paul ee xarunta gobolkan Minnesota.

Mr Jamal sida uu u sheegay wargeyska, "ma sheeganayo afhayeenimada qoxootiga soomaalida ee gobolkan" taas oo ah mid eey soo dhaweeyeen soomaali badan oo eey Mr jamal isku fikrad & aragti aheyn.

Xarunta uu Mr Jamal ka seedcaleeyo laba sano kahor ayaa iyada dhanba la aasaasay, qarash badanna maba lahan, oo sida uu wargeyska u sheegay 20,000$ oo kaliya eyeey sanadkii hore miisaaniyad ka dhigteen, taasoo iyada ruuxeeda dad gaar ahi ku deeqeen.

saas oo eey tahay, haddana Mr Cumar Jamaal waxaa uu noqday qofka soomaaliga ah ee warbaahinta Minnesota ugu halheyska badan yihiin sanadkii 2002, tusaale ahaan wargeyska Startribune kaliya 38 goor ayeey hadalkiisa soo qaateen, isagoo ka hadlaya arrimo ku saabsan soomaalida, sida dilkii Abu Qasim Jeilani IWM, markaas oo Mr Jamal ku baaqay in waayeelka Police-ka Minneapolis cheif Robert Olson uu is casilo.

mar marka qaar Cumar Jamal wuxuu ku tilmaamay Minneapolis "Kawaan qoxootiga lagu gowracdo" isagoo ka hadlaya flinkii (Black Hawk Down) Cumar Jamaal wuxuu ku sifeeyey sida eey Hollywood sawir uga bixiyeen soomalida "Mid waxashnimo ah" wuxuuna ku baaqay in la qaadoco daawashada Filinkaas, wargeyska labaad ee isna ugu weyn gobolka ee Fadhigiisu St Paul yahay ee Pioneer Press ayaa 15 mar soo xigtay Mr Jamal sanadkii tagay oo kaliya.

dadka dhaleeceynaya Mr Jamal ayaa ku andocooday inuu xariif ku yahay inuu magiciisa ka muujiyo warbaahinta, laakiin wexeey is heybiyeen in arrintaasu dan ugu jirto soomalida iyo inkale.

Mr Cumar jamaal wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuusan aheyn afhayeenka soomaalida gobolkan, ha yeeshee cid kale oo ahina eeysan jirin, Jaaliyadda gobolkana eey u qeybsan tahay dhowr xafiis oo shaqooyin kale haya, wuxuuna intaas raaciyey " inuusan cidna ka raali gareyneyn inuu fikradihiisa warbaahinta u gudbiyo, maadaam uu ku nool yahay mujtamac xor ah "

dhowaan Mr Jamaal dadaalkiisa wuxuu u gudbin doonaa mid qaran, marka uu dhawaan socdaal dhiidhin ah oo looga gol leeyahay " ka hortagga is neceybka" (National Tour Against Hate" uu ku kala bixiyo Seattle, Washington iyo Lewiston, Maine oo labaduba ah meelo soomaalida layara dhibay.

Codad kale ayaa loo baahan yahay !

dadka qaar ayaa ka carooday kalsoonida xad-dhaafka ah ee warbaahinta Minnesota siisay Cumar Jamaal, waxaa kamid ah Goddoomiyaha mid kamid ah jaaliyadaha soomalida Cusmaan Saxardiid oo yiri " waxaan nahay ururka ugu weyn ee soomaliyeed ee gobolkan, waxaana ka warqabaa inuusan Mr Jamal Afhayeen noo aheyn, shirar jaraa'id oo tira badanna maba qabano, maxaa yeelay muhiimba uma aragno"

Mr Saxardiid wuxuu ku baaqay in soomaalidu ka tashadaan arrimaha xasaasiga ah, tusaale ahaan dilkii Marxuum Jeilani, Saxardiid wuu qiray inuu khalad ahaa, ha yeeshee wuxuu ka soo horjeestay baaqii Mr Jamal ee ahaa inuu madaxa Police-ka is casilo, wuxuuna ku tilmaamay baaqaas " mid aan laga fiirsan" .

Max'ed Xassan-Qaac oo ka socda (East African Community Development Center ) ayaa sheegay inuu la ashqaraaray hadal uu Cumar Jamaal ku dhawaaqay mar uu wareysi siinayey Radio Minnesota ku yaal oo ahaa : in kagadaal Sept 11 eey soomaalidu ka baqayeen ineey dibadda u soo baxaan" Xassan-Qaac oo arrintaas ka xun ayaa yiri " Jamaal wuxuu sheeganayaan inuu yahay sharci u doode, waxyaabaha qaar ee ku hadlayana waa kuwa xaqiiqda ka fog, mana haboona in la buunbuuniyo arrimaha qaar"

Max'ud Wardheere oo ah Musharixii hore ee Duqa magaalada Minneapolis, isla markaana ah Macallin aad looga xushmeeyo gobolka ayaa yiri " koox kastaayi weey u baahan yihiin qof xaqooda u dooda, waana wax fiican inta qofkaasu sidii laga rabay sameynayo" wardheere ayaa sheegay inuu u mahad celinayo dadaalka Mr Jamaal, wuxuuna sheegay in dadbadani la qabaan fikirkaas.

Sh. Xassan Jaamici oo ah qofka kaliya ee soomaali ah ee shahaado Abuukaatanimo ka qaatay Gobolkan,. isla markaana ah firfircoone aad uga dhex muuqda jaaliyadda, sheekh diineedna ah ayaa isagoo arrintan qaadaa dhigaya yiri " warbaahinta Minnesota wexeey ku khaldan tahay ineey qof ama laba soomali ah uun arrimaha soomalida aalaaba ka wareystaan" isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri " weey fiicnaan laheyd hadii eey warbaahintu ilo kala duwan warka ka qaadan lahaayeen si eey cadaaladnimo u muujiyaan" sheekhu wuxuu hoosta ka xariiqay in warbaahinta Minnesota loo qaadan karo ineey Tiimbareyneyso ashkhaas ama ururo gooni ah, hadii eey sidan ku sii socdaan.

Cumar Jamaal dhibba haku qabo dheleeceynta joogtada ahe, haddana wuxuu ku guuleystay inuu xiriir wanaagsan la sameysto madaxa Police-ka Mr Olson, Garyaqaan Tom Heffelfinger iyo waliba saraakiil waxaada socdaalka ee INS ka socda, Garyaqaan Heffelfinger ayaa sheegay inuu ka qeyb galay dhowr shir oo uu Mr Jamal soo agaasimay, laakiin buu yiri " uma dad badna sida eey u dad badan yihiin marka eey shir isugu yeeraan madaxda kale" ha yeeshee wuxuu qiray in Mr jamaal uu xariif ku yahay inuu fariintiisa gudbiyo.

Soomaalidii hore VS kuwa cusub !

Siciid Fahiye oo isna ka seedcaleeya xafiis jaaliyadeed kale oo weyn ayaa isna yiri " muranka ka taagan arrinta jamaal waa mid u dhexeeya soomaalidihii hore iyo kuwa cusub ee ameerikaanoobay" wuxuuna raaciyey " Jamaal waa ninyar oo is magacaabay, soomaaliduna wexeey jecel yihiin ineey arrin kasta lafa guraan intaaneey warbaahinba sheekadu u biyo shuban" Jamal wuuu ku faraxsan yahay inuu awoodo isla markaana macallin ku yahay sida loola hadlo warbaahinta, khalad-ba ha jiree ugu yaraan woxoogaa sax ah ayaa dadaalkiisa ka jira.

Mr Fahiye ayaa ku soo gunaanaday " dadka qaar ayuu ka xanaajiyaa markuu dhawaqo, laakiin qaar kale ayuu ka farxiyaa isla markaasna"

dad badan oo reer Minnesota ah ayee la tahay  inuu Mr Jamal leeyahay Karisma (soo jiidasho rabaani ah) oo uu ku soo jiito warbaahinta, isla markaana uu dheer yahay odayaasha kale ee leeynka kula jira luqadiisa oo aan wax faham waa ah ku jirin, walow uu mar marka qaar ka dheereeyo xawaarihiisa.

I  I  D  H  E  H

 

 Waxaa Soo Turjumay soona gaabiyey

C/raxman Ceynte

St Paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com 

 

January 8, 2003 


 ELDORET: Taxanaha Wararka   

Afeef: Qoraalkan waxaa soo tarjumey qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD