SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - SWEDEN
Jillaagii Rambo Oo Filin uu Kula dagaalamayo Bin-laadin dhigaya.

Tan iyo wixii ka danbeeyey weeraradii ka dhanka ahaa dalka Afgaanistaan ee lagula dagaalamayey ururka Al-qaacida ee bishii oktoobar 2001-da, waxaa dagaalkaasi ciidamada Mareykanka kula jiray taageerayaashii Al-caaqida ku guul dareysteen iney gacan kusoo dhigaan hogaamiyaha Ururka Al-qaacida ee Osama Bin-Laadin isagoo nool.

Muddo aan sidaasi u sii dheereyn ayaa maqaal aan kaga hadlayey fanka carabta iyo sida uu ugu xuubsiibtay siyaasada caalamka, aan ku xusay in fanku yahay mid had iyo jeer soo jiita indha aragtiyadeed ee bulshada. Islamarkaasina ka tarjuma marxalada markaasi taagan,saadaalna ka baxsha mustaqabalka fog ee ummaddda. [warka oo dhan hoos ka akhriHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Si kastaaba arinta ahaatee waxaan shaki kujirin in Bin-Laadin noolyahay laakin aan la ogeyn halka uu dunida ka joogo.

Xukuumadda Washington waxaa ay balan qaaday iney malaayiin dollar ah ku bixineyso cidii sheegta amaba keenta halka uu ku sugan yahay hogaamiyahaasi dhuumaaleysanaya, iyadoo weliba lacagtaasi loo siinayo abaal marin.

Hadaba iyadoo aysan aheyn wax sahalan sidii ninkaasi magaciisa aduunyadoo dhan caanka ka noqaday lugu heli lahaa, ayaa waxaa dhawaatan jillaagii caanka ahaa ee reer Mareykan ee Sylvester Stallone (Rambo) shaaca ka qaaday inuu sameynayo filin uu kula dirrirayo dagaalyahaniintii Taalibaan ee uu sideetamaadkii filin uu ku taageerayey ka ahaa ”Actar” jillaa,hadase markan iyagoo cadow ah la dirrirayo.

Rambo May Take on Osama & the Taliban ABCNews

Dagaalkii lugu qaaday Afgaanistaan ee bambooyinka lugu garaacay godadkii dhufeyska ahaa ee Tora Borra maxaa ka dhacay?

Wixii ka dhacay godadkaasi iyo su’aalo kale oo dadka maskaxdiisa ku meereysana waxaa ka jawaabi doonoa jillaagaasi reer Mareykan ee 56 jir-ka ah ee Rambo oo markan ku howlan filinkii afaraad ee (Rambo IV).

Rambo waxaa uu filinkan ku sameyn doonaa dalka Afgaanistaan halkaasoo dagaal ay fooda is darri doonaan dagaalyahaniintii Taalibaan ee berri hore loogu yeeri jiray ”Mujaahidiintii Afgaanistaan”,sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee SUN todobaadkii hore.

Qorshaha filinkaasi lugu sameeyey waxaa uu ahaa markii hore mid loogu talagalay inuuu jillaagasi reer Mareykan gacantiisa ku dillo Bin-Laadin.

Hase ahaatee illo xog ogaal ah oo u waramayey wargeyska ayaa carabka ku dhiftay in Mr: Rambo uu wax ka badalay qaabka filinka loo jillayo isagoo u arko iney tahay mid ka bad badis ah,islamarkaasna ah ninka ka danbeeya in filinkan la hal abuurro.


Mohammed Sobhi, (Actor) hal-abuuraha filimka "Faaris Billaa Jawaad!" GUJI...

Waxaase jira warar kale oo sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyey weeraradii 11 september wada hadal u socday shirkada fillimada soo saarta oo la yiraahdo MiraMix iyo jillaagaasi reer Mareykan ee Slvester Stallone, oo ku saabsan qaabka filinkaasi siyaasad ahaan loogu saleynayo, balse uu hada ogolaaday inuu filinkaasi ka ahaado jillaa kadib markii la xalliyey is afrawaagii dhexyiilay jillaaga iyo shirkadaasi oo iyada sameyneysa soo saarista filinkan.

Filinkan ayaa waxaa lagu wadaa in marka sameyntiisa dhamaato laga daawan doonaa adduunyada oo dhan sanadka soo socda horaantiisa.

Waana markii labaad ee uu Rambo ku sameyn doono filin dalka Afgaanistaan,iyadoo markaasi uu matalayey nin taliyihiisa ciidan ay afduubteen ciidamaddii Ruush-ka ee markaas ku sugnaa gudaha dalka Afgaanistaan.

Rambo waa nin aaminsan diinta ay caabudaan dadka shiinaha iyo dalalka ku heereysan oo loo yaqaaano ”Bodhist”, waxaana la sheegay in Rambo uu aad uga soo horjeeday sameyntii filinkii hore ee RamboIII sababo la xiriira isagoo diidanaa inuu la safto Mujaahidiintii Agfaanistaan diinta Budhist-taha oo uu aamisan yahay awgeed, arintaasina ay dhaawac dhinaca diinta uu rumeysnaa ka soo gaarto dhaawac iyo niyad jabb. 

Waxaa Isku Duwday,

Ikraam Cali-kaar

Gothenburg,Sweden

E-mail: ikraam@journalist.com 

Jan 24, 2003

I  I  D  H  E  H

 FILIN ATOORIHIISU MAGICIISA KUJILAAYA " ALLAAH"
waa filim ku jeesjeesaya magaca Allah, sida ay uga jawaabeen Muslimiinta jarmarku... KA AKHRI HALKAN.  [XagarYare] 18/1

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD