SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
 MACALLINMIIN SOOMAALIYEED OO LAGU XIDHAY KENYA

Galabnimadii shalay ayaa waxaa Malcaamad Qur'aanka lagu barto oo ku taal magaalada Nairobi oo la yidhaahdo Madarasada Al-Khadiija ee barashada Diinta iyo Asluubta waxaa lagu qabtay Macallimiin halkaa wax ka dhigaysey, Ka dib markii ay soo dacweeyeen qaar ka mid ah ardaydii halkaa wax ku baranaysey.

Waxaa meesha ka dhacay ayaa waxay aheeyeen wax ay dadku aad uga xumaadeen ka dib markii arday ku xaraysnaa meesha oo dhaqan toosin looga keenay Dalka Ingriiska uu xanuunsaday ka dib la geeyey dhakhtar si loo soo daweeyo, Wuxuu u sheegay dhakhtarkii wiilkaasi inuu ku xidhnaa Madarasada Al khadiija oo uu sheegay inay ku xidhanyihiin Arday kale oo badani ka dib ayaa wuxuu dhakhtarkii tusay dhaawacyo kasoo gaadhay ka dib markii lagu xidhay Silsilad "Waxaannu nahay dhallinyaro badan waxaanuna ku xidhanahay Al-khadiija si naloogu khasbo barashada Quraanka" Ayuu 16 jir ah.

Waxaa isla markiiba dhakhtarku war galiyey Police-ka in lasoo hubiyo waxa ka jira Madarasada iyo siday wax u soconayaan ugu yaraan ilaa 10 baabuurta khaaska ah ee ay kaxaystaan ciidamada la dagaallama Crime-ka ayaa meeshii yimi waxayna la kulmeen dhallinyaro gaadhaysa toban oo ku xidhan qol iyagoo waliba ku sii xidhxidhan Silsilado iyo Qufullo, waxaa iyana meeshay yimi saxafiyiin badan si ay u xaqiijiyaan waxa jira waxaa halkii lagu qabtay ilaa siddeed qof oo kale oo qaarkood ay Madarasada Macallimiin ka ahayeen, Si kastaba ha ahaatee waxaa isla markiiba loo qaaday dadkii oo dhan Saldhig police oo ku yaalla Nairobi si su'aalo looga waydiiyo Macallimiinta iyo Ardaydaba ilaa hadda wax warihina kama soo bixin police-ka.

"Waxaannu tagnay meesha waxaana naloo diiday inaanu soo hubino oo waxaa na hor istaagay dad badan oo shiidayayey baabuurta oo Police-ka taasoo nagu kalliftay inaanu khasab kusoo marno anagoo kor u ridayna Rasaas" sidaa waxaa yidhi af hayeen u hadlay ciidankii halkaa yimi

Dhallin yarada meesha loogu yimi iyagoo xidhxidhan ayaa waxaa laga kala keenay meelo badan oo aduunka ah gaar ahaan Ingriiska,Ethiopia,Australia iyo waliba kenya waxayana da'doodu u dhaxaysaa 13-20 sano siday sheegee Police-ku.

Waxaa hadaba la yaab dadka ku noqotay markii mid ka mid ah ardayda uu sheegay in khasab lagu baro Qur'aanka Kariimka oo isagoo aan rabin lagu soo jeediyo in badan oo habeenkii ka mid ah,"waxaan isku dayey inaan baxsado laakiin waxaa khasab igu keenay qaar ka mid macallimiinta" waxaa sidaa yidhi arda oo 16 jir ah.

Hadaba waxaan ilaa hadda wax wara laga hayn sida uu xaalku noqon doono iyadoo aan wali wax wara laga soo saarin dadkii lagu qabtay Madarasada iyo waxa ay dawladdu Ka yeeli doonto.

Cabdixaafid Xaaji Xirsi
Somalitalk.Nairobi.  
hajihersi@hotmail.com
  

 Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA YAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»26 Janaayo waa malin sidee ah?
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

HAWLAHA LA QABANAYO MAALINKA TOBANAAD
Timaha Oo La Xiiro ama... GUJI

DUULLAANKII YAHUUDDII REER BANUU NADIIR
Waa casharkii 50aad ee Siiradii rasuulka.... GUJI

Hargeysa oo laga raafey dad shacab ah
wararkii radio Xoriyo ee toddobaadkan..... GUJI..

I  I  D  H  E  H

  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD