NOLOSHII IMAAM ASHAHIID XASAN AL-BANNA
WQ Faysal Cali Ciise | awfaysal@hotmail.com
Waa adagtahay in lagu cabiro qalin iyo qoraal
toona noloshi imaam Al-Bannaa, waxaana horay uga afeeftay culumo badan oo isku
dayay bal inay wax ka qoraan xayaatadi caalimkan u dhexda ah umadaha Islaamka oo
idil meel walba ooy joogaan. Maadaama wali lagu jiro bishii la oofsaday imaamkan
ayaa waxaan hadaba isku hawlay inaan akhristayaasha sharafta leh u soo gudbiyo
qoraal gaaban oo ku saabsan taariikhdii imaamkan qiimaha badan anigoo kasoo
xiganaya qaar ka mid ah qoraaladii laga qoray noloshiisi.
QAYB KA MID AH NOLOSHII IMAAMKA
Al-imaam Asheekh Xasan ibn Axmad ibn C/raxmaan
Al-Banna, wuxuu ku dhashay magaalada Maxmuudiya ee dalka Masar, sanadku markuu
ahaa 1906. Wuxuu ka dhashay qoys macruuf ku ah aqoonta diinta, waxaana aabihi
lagu tiriyaa culumadii ugu caansanayd magaaladiisa wakhtigaa, ka akhri
tarjumadiisa kitaabka Al-Fatxu Arrabbaani calaa musnadi Imaam Axmad. Al-Banna
tuuladii uu ku dhashay ayuu ku bartay Qur’aanka kuna dhamaystay waxbarashadiisi
hoose iyo dhexe, halkaa oo uu ka aaday Qaahira waxaanu ka soo qalin jabiyay
kuliyada macalimiinta ee loo yaqaan daarul culuum taariikhdu markay ahayd 1927.
Wuxuu imaamkan ku soo beegmay wakhti dib u dhac aad u xumi qabsaday Muslimiinta
oo idil, gumaysina uu ku habsaday meel walba ooy joogeen, ku dhaqankii diinta,
barashadeedii iyo in la isku hogaamiyaba waxay noqdeen wax lala yaabo oon ahayn
macquul. Sidii hadaba lagu yiqiin culumada inay had iyo goor u istaagaan xalinta
mashaakisha wakhtigooda ayuu imaamkani isagoo da’ yar wuxuu bilaabay inuu
baraarujiyo umada ugana digo hagarta cadawga islaamka ay la maaganyihiin Muslim
meeluu joogaba, waxaana durbadiiba aqbalay [ama ajiibay] oo is garab taagay dad aad u fara
badan oo isugu jiray rag iyo dumar use badan dhalinyaro. Al-Banna oo dadki arkay
ay ku sifeeyeen mashiin aan daalin oo har iyo habeenba u taagan noolaynta
diinteena iyo difaaceeda ayaa maalinkii oo idil wuxuu wax bari jiray caruurta
fiidkiina fariisan jiray masjidka si uu wax u baro dadka waawayn, wuxuu intaa ka
dibna ku wareegi jiray magaalada iyo meelaha ay dhalintu isugu timaado si uu
iyagana u maqashiiyo codkiisa.
AAS AASKII AKHWAANKA
Markii ay dhacday khilaafadii ama dawladii
Islaamka ee ka dhisnay dalka Turkiga 1924kii ayaa imaamkani wuxuu arkay in ay
lagama maarmaan tahay in la soo celiyo khilaafadii iyo midnimadii Islaamka
iyadoo la raacayo nahjigi ama wadadii nabigeena sallallaahu calayhi wasalam.
Burburinta khilaafadii Muslimiinta waxay cadawga diintan ku kaliftay inay huraan
naf iyo nafiisba ama maal iyo moodba, waxaa waliba intaa u dheeraa ooy hureen
wakhtigoodi oo idil, waxaanay ka tageen har, hooy iyo hurdaba si ay u gaaraan
hadafkooda. Hadii hadaba cadawgu midaysanyahay isla markaana nidaamsanyahay sida
kali ah ee looga hortagi karaa waa midnimo iyo nidaam waana tan ku kaliftay in
Imaamkan uu aqalkiisa ugu yeeray sanadkii 1928ki lix ka mid ahayd asxaabtiisii
waxaanu halkaa ku aasaasay urur islaami ah oo waligii kobcaya ilaa ay gaaraan
hadafkooda waana ururka loo yaqaan Ikhwaan Al-muslimiin.
Culumo aad u fara badan
ayaa wax ka qoray noloshii imaamkan waxaa ka mid ahaa sheekh Muxamad Al-xaamid
sheekhii iyo caalimkii Shaam oo idil :-“Muslimiintu ma aanay arag Xasan Al-Banna
oo kale boqolaal sano. Wuxuu Eebe isugu daray sifooyin fara badan ooy yartahay
qof kulansaday…. ilaa uu yiri wuxuu si buuxda qalbigiisa iyo qaalibkiisaba
isugu dhiibay ilaahay, waasagaa doortay oo ka yeelay shahiid.” Sidoo kale
waxaa isna wax ka qoray Asheekh Abul Xasan Annadawi caalimkii India wuxuuna yiri
“ Qof kasta oo garanayay lana dhaqmay Imaamkan wuxuu qiray fadliga uu leeyahay
ninkan sida kadiska ah kusoo maray Masar ka dibna dunida islaamka oo idil, wuxuu
dhab ahaan mar qura wada ahaa daaci, murabi, mujaahid iyo mucalim.” Wuxuu
imaamkan dhidibada ururka akhwaanka ku saleeyay qawaacida sharciga islaamka
dhinac kasta ood ka eegto waxaanu u qoray oo uu ka tagay qodobo iyo qawaaniin la
hirgalinayo si loo gaaro hadafkiisi waynaa ee ahaa soo celintii khilaafadii
Islaamka, tusaale ahaan wuxuu yiri :- waa inaan helnaa afraad muslinimadu ay
dhab ka tahay, ka dibna waa inaan helnaa qoysas muslinamadu ay sidoo kale dhab
ka tahay, ka dib waxaan helaynaa mujtamac muslimadu ay dhab ka tahay ka dibna
shaki ma leh in la helayo dawladii Islaamka.
Hadaad u yara fiirsato
talaaboyinkan uu imaamkan magacaabay waxaad arkaysaa inay yihiin kuwa isku xiran
sida silsilada oo kale maxaa yeelay hadii aan la helin qof muslim dhab ah lama
heli karo qoys muslim ah waayo qoys wanaagsan waxaa shardi u ah qof wanaagsan,
sidoo kale hadii aan la helin qoys wanaagsan lama heli karo qawm wanaagsan waayo
qawmku wuxuu ka koobanyahay qoysas isu tagay, sidoo kale hadii aan la helin qoom
wanaagsan lama heli karo qaran wanaagsan. Waa talaabooyin ku dhisan cilmi iyo
fiiro gaar ah oo uu imaamku siiyay sidii uu nabigu sallallaahu calayhi wasalam u
dhisay dawladii Islaamka, waa talaabooyin ku dhalinaya naftaada inaad noqoto mas’uul
qiira leh oo u danqada diintiisa, maradana u xayta sidii uu kaalintiisa uga soo
bixi lahaa, isla markaana aad qayb uga noqon lahayd baadi doonka loogu jiro
jawharadi ka luntay muslimiinta, waxay kugu dhalinaysaa inaadan hagran wax walba
ood haysato naf iyo nafiis, karti iyo aqoon sidii loo gaari lahaa hadafkii umada
iyo sharafti diinteena, taas ooy saldhig u tahay inaan hagaago oon noqdo muslim
dhab ah qof ahaan, qoys ahaan, qoom ahaan kadibna qaran ahaan.
Bishan aynu ku jirno ee February 12 keedi
1949ki ayaa ciidamo dablay ah oo dawlada ka socda ay rasaas ku fureen imaam
Xasan Al-Banna oo maraya wado ka mid ah wadooyinka Qaahira, waxaa halkaa looga
qaaday isbitaalka hayeeshee waxay dawladii halkaa kajirtay ku bixisay amar inaan
la daawayn karin sheekha dhaawaca ah halkaas oo uu dhiigbax ugu dhintay Allaha u
naxaariistee.
WQ Faysal Cali Ciise
awfaysal@hotmail.com
Feb 23, 2003
Afeef: Aratida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE FAYSAL
.... SU'aalo
Cilmiyeed
|