Haddaba walaalahayga Muslimiinta ah, marna
Soomaalida ah rag iyo dumarba, gaar ahaan kuwooda qurbaha kunool, ama kafog
waddankoodii hooyo, waxaan naftayda iyo toodaba kula talin lahaa arrimahaan
soo socda, anigoo Ilaahay kaashanaya, islamarkaasna rajaynaya in Eebahay
waanadaan aniga iyo iyagaba ku anfaco.
~ Marka hore waxaan kula talinayaa
walaalahay, inay diintooda Islaamka xagsadaan, oo aad ugu dhagaan maadaama
diintu tahay raasamaalka ugu fiican ee qofku heli karo, ogoow diintaadu waxa
ay kufaraysaa waa wax adiga mar walba faa'iido kuuleh adduun iyo aakhiraba,
islamarkaasna uroon caafimaadkaaga, carruurtaada iyo mustaqbalkaagaba, sidoo
kale waxaad islamarkaas helaysaa in Ilaahay raalli kaanoqdo.
ALLAH SI'UU INOO JECLAADO
WA INEYNU IS JECLAANAA
Shiik Xasan
LONDON, ONTARIO CANADA - Sida aynu ognahay diinta islaamku markii ay soo
degtey waxa jasiirada carabta kajirey labo dulmi oo aad u waaweyn,
kuwaas oo kala ahaa ...
Akhri qoraalka oo
dhamaystiran... |
~ Waa marka labaade, waa inay Ilaahay mar
walba kabaryaan inuu ku hagaajiyo tubta teeda toosan, xaqana uu kusugo.
Hooyadii Mu'miniinta Caa'isho waxay Nabiga(NNKH) kawerisay in uu Ilaahay
marwalba baryi jiray isagoo leh: ILAAHAYOOW ADAA QULUUBTA GADGEDDIYEE, KU
SUG QALBIGAYGA DIINTAADA", waxyna Caa'isho tiri oo xaaskii nabiga ahayd:
"Ducadaasi waxay ahayd ducada ugu badan ee rasuulku Ilaahiis kubaryi
jiray.
~ Sidoo kale, walaaluhu ha isku dayeen quudashada maal xalaal ah, iyo
shaqaynata meelo diintu ogoshahay. maxaa yeelay waxaa kuxiran aqbalka ducada,
sidoo kale waxay kuu sahashaa in adiga iyo reerkaaguba aad toosnaataan. Nin
saxaabi ah ayaa u yimid rasuulka(NNKH), markaasuu wuxuu kuyiri: Rasuulkii
Alloow ii bari Ilaahay inuu iga dhigo mid ducadiisa la aqbalo, markaasaa
rasuulku ugu jawaabay " Cuntadaada xalaal kadhig, markaas waxaad
noqonaysaa mid ducadiisa la aqbalee". Sidaas darteed ogoow ducada
aqbalkeedu wuxuu kuxiran yahay xalaasha oo laquuto.
~ Walaalayaal waxaa kaloo lagama maarmaan ah, in aan xaasaskeena iyo
Caruurteenna u horseedno akhlaaqda iyo dhaqanka Islaamiga ah, anagoo marka
koowaad u noqonayna iyaga kudayasho wanaagsan haddaan raggii nahay, waxaana
haboon in ay guryaheenu arkaan sida aan xaqa ugu taagan-nahay, maarkaan saas
yeelno, way inoo-fududaanaysaa in guryaheenu naga aqbalaan waanooyinka aan
siinayno, amase ayba nagu daydaan, haddii kale waxaa nagu sifoobaysa
maahmaahdii carbeed ee ahayd: FAAQIDU SHAY'I LAA YUCDIIHI(qofkii aan isaguba
haysan wax ma bixiyo). Ogoow haddaadan adigu xaqa kutoosnayn way adagtahay
in reerkaagu tooso.
~ Waxaan kaloo jeclaan lahaa in carruurta
lagula dadaalo geeynta iskuulada muslimiintu fureen, anigoo og inay qaali
yihiin, haddana Soomaalidu waxay kumaahmaahdaa LABA DARAN MID DOORO, kee
dooranaa DABKA adduun oo lacag la'aanta ah, iyo DABKA AAKHIRO oo naarta ah.
Waxaan kula talinayaa walaalaha muslimiinta ah inaysan dhayalsan inay
carruurta geeyaan Iskuulada Islaamiga ah, maxaa yeelay, waa meeshii aan
kubadbaadin lahayn kuna bari lahayn Ilaahay iyo rasuulkiisa iyo baarinimada
waalidka. Fadlan kudar Iskuulkaas carruurta intii aad awoodid, xataa hal
cunugna Allaha ka dhigee.
WAXBARASHADA
CARRUURTA |
"Dadka
Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah,
Cabdul Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo
watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo,
deedna ay ugu daydaan." Guji... |
C/siis
C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad
ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta
$68,000
Akhri halkan |
Flip
to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can
recite it for you.
DETROIT
FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay
dadalka Galbeedka Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha? Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada Guji... |
~ Aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed waa inay
carruurta ku barbaariyaan isticmaalka kalmadaha Islaamiga ah, kalana
dagaalaan carruurta in maskaxdoodu qabato kalmadaha diinta udaran oo laga
isticmaalo waddamada qurbaha ah, kalmadahaas oo carruurtu kala kulmi karaan
dariiqyada iyo Taleefishinada. Waxaa lagama maarmaan ah in cunugga labuuxiyo
waqtigiisa, laguna buuxiyo barasho diimeed, mid cilmi, sheeko waalid oo
waano ah, hana lasiiyo waqti uu ku ciyaaro ilmuhu si xalaal ah oo waafaqsan
sharciga Islaamka, iyadoo aan lagu dhexdarayn saaxiibo xunxun. Waqtiga
ilmaha oo wanaag lagu buuxiyaa waxay keenaysaa in aan ilmuhu waqti uhelin
inuu kudayaco waqtigiisa waxyaalo xunxun ama uu barto hadallo aan fiicnayn.
~ Waa in ay Waalidiintu daa'imaan booqashada masaajidka iyo naadiyada
Islaamiga ah, ee lagu dhiso iimaanka. Tani waxay kusaacidaysaa reerkaas inay
cusboonaysiiyaan Islaanimadooda mar walba, lana kulmaan dad ayagoo kale ah
ama kafiican oo ay kudaydaan, Islamarkaasna masaajidada iyo maraakistaas
islaamiga ahi waxay dhaxalsiin doonaanaan reerkaas inuu kala tago meeshaas
saad xaga iimaanka iyo dhawrsanaanta ah oo uu kunoolaado asbuucyada soo
socda Haddii Alle idmo.
~ Dhagaysiga cajaladaha diiniga ah iyo kuwa qur'aanku waxay qayb weeyn
kaqaataan in qofku helo iimaan xusuusiya Ilaahay iyo daarta qiyaame, isla
markaasna ku guubaabiya in uu raaco jidka toosan ee uu Ilaahay noojeexay.
Sidoo kale waxaa haboon in reerka ama qofka kaligiis ihi uu yeesho cashar
diini ah oo joogta ah oo uu qaato, haba ahaado asbuucii hal mar eh, sidoo
kale, walaalaha waxaan ka codsan lahaa inay wixii ay faa'iidaystaan oo
duruus ah ay noloshooda kudaraan oo ay kudhaqmaan.
~ Ugu dambayntii waxaan kuwaaninayaa qofkii
aan weli guursan inuu ku xusho qofka uu guursanayo diintiisa iyo
akhlaaqdiisa(labadoodoo wada socda), waana sidii uu rasuulkuba(NNKH) noo
dardaarmay. Taasi laba faa'iido ayay leedahay: Waamide, waxay faa'iido
uleedahay qofka guursanaya, oo qofkii uu diin iyo akhlaaq kudoortay waxaa
dhacaysa inuu Ilaahay dartiis uga baqo oo uusan dulmiyin. Waamarka labaade,
faa'iidadeeda kale waxaa weeye markii labadaas sifo laysku doorto, waxaa
halkaas kasoo baxaya mujtamac Islaami ah oo caafimaad qaba oo kafog
waxyaalaha burburinaya diinteenna Macaan.
ILAAHAY WAXAAN KA BARYAYNAA INUU KHAYRKA
NAWAFAJIYO.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
Alhudaa1@yahoo.ca
<><><>
HA NOQON MUSQUSHA SHEYDAANKA
wq. Osman Billad | osmanbilad@hotmail.com
Asalaamu aleykum,
Walaashey iyo Walaalkey muslimka ahow! HA NOQON MUSQUSHA SHEYDAANKA
Masaajid ku yaala France, wadaad tujinaayey jameecada salaada fajar, markuu
salaadii fajar ka baxey ayuu dhinacooda u soo jaleecay, saa xoogaa maxaadaro ah
ayuu u jeediyey dadkii ka soo qeyb galey jameecada. Wuxuu maxaadareeyaba waxaa
wadaadkii markii danbe ka imaatey ilmo indhihiisa, isagoo erayadaan ku
dhawaaqey: ?Dadkii muslimiinta ahaa waxey noqdeen musqusha sheydaanka.? Saa qof
dadkii meesha fadhiyey ka mid ahaa ayaa wadaadkii ka codsadey inuu xoogaa u
fasiro wuxuu hadalkaa ula jeedo? Markaas ayuu wadaadkii wuxuu sheegey xadiis
Bukhari wariyey, oo xadiiska macnahiisu ahaa: In Rasuulka SCW waxaa la weydiiyey
ama looga waramey nin hurdey ilaa ay qoraxda ka soo baxdo {yacni aan salaad
subax u kacin, oo jameecada la tukan}, saa Rasuulka SCW wuxuu yiri: ?Ninkaasi
waa nin uu sheydaan labadiisha dhagood uga kaadiyey.?
Marka ogow walaalkey muslimka ahow! In haddii aadan salaad subax aadan tukan
waqtigeedii ama adigoo awooda inaa muslimiinta la tukatid jameeco inaa gurigaada
ku tugatid, marka miyaada hadalkaas kugu socon?
Marka walaale isku dey inaa salaadaha jameeco ku tukatid, oo aad muslimiinta la
tukatid markey tukanaayaan, qaasaten salaada subax si gaar ah u ilaali.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
|