Sannadguuradii 12aad ee ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee
Maxamuud Axmed Cali
W/Q: Cabdulfataax M. Cabdulle
Feb. 10, 2003
Maanta oo ku beegan 10-ka Febaraayo ee sannadkan 2003, beesha Nuux Maxamuud meel
kasta oo ay joogaanba, waxay si murugo iyo tiiraanyo leh u xusayaan
sannadguuradii 12aad ee kasoo wareegtay xasuuqii 86 qofood oo dhamaantood ka
tirsanaa beesha Nuux Maxamuud. Dadkaas waxaa si gardarro ah loogu gumaaday
Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yiil degmada Kaaraan ee magaalada
Muqdishu taariikhdu markay ahayd Feb. 10, 1991. Maalintaas iyada ah ciidamo
hubeysan oo daacad u ah maamulkii Cali Mahdi ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti,
ayaa si bani’aaddanimada ka baxsan u xasuuqay dadkaas. Sababta shacabkaas aan
waxba galabsan loo xasuuqayna waxay ahayd cadowtannimo qabiil oo xilligaas si
gaar ah loola beegsaday guud ahaan beelaha ku abtirsada Daarood.
Shacabkaan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday
magaalada Xamar ee lagu riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxayna
saarnaayeen gaari xamuul ah oo ay ku qaxayeen, kadibna waxaa xoog ku qabsaday
maleeshiyo hubeysan iyaga oo maraya tuulo la yiraahdo Mubaarak oo u dhaw degmada
Afgooye. Waxaana si qasab ah loogu celiyay magaalada Muqdisho oo ah goobtii ay
hore uga soo barakaceen.
Markii Muqdisho lagu celiyay, waxaa loo gacan geliyay ciidamo nacayb gaar ah u
qabay oo ay ood-wadaag yihiin beesha Nuux Maxamuud. Isla markiina, guddi si gaar
ah loo xulay ayaa ku shiray Hotel Towfiiq, waxayna ansixiyeen in la xasuuqo
dhammaantood iyaga oo aan waxba galabsan, danbina lagu soo oogin.
Aroornimadii 10-kii Febaraayo 1991, ayaa xukunkaasi lagu hor fuliyay guddi sare
oo loo xilsaaray fulinta gumaadkaas. Dadkaas waxaa lagu laayay qoriga loo yaqaan
Baroon, maydkoodiina waxaa lagu aasay hal god!
Wax yar ka dib, marki la fuliyay xasuuqa dadkaas, Cali Mahdi ayaa wareysiyo kala
duwan ku sheegay in ilaa 50 qofood oo ka tirsan Jabhaddii USC la dilay kadib
marki looga shikiyay in ay abuurayaan amni darro carqalad ku ah USC. Hadalkaas
waxaa laga sheegay Idaacadda ku hadasha codka maamulkiisa, wuxuuna ahaa
marin-habaabin loola jeeday in lagu baabi’iyo dambiyada dagaal ee la fuliyay.
Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad ku abtirsada beesha Nuux Maxamuud
waxayna bah-wadaag yihiin qabiilka Majeerteen kamana mid ahayn jabhaddii USC.
Sidoo kale ma ahayn dad hubeysan. Dadkan la xasuuqay waxay isugu jireen arday,
ganacsato iyo culumaa’udiin, da'dooduna waxay u dhexeysay (8 jir ilaa 65 jir).
Cali Mahdi wuxuu wareysigiisa ku sheegay in tirada dadka la laayay ay ahayd ilaa
50 qofood balse tirada runta ah waxay dhamayd lix iyo siddeetan (86) qofood.
Bayaanka idaacadda laga sheegay wuxuu muujinayaa ujeeddadiisa oo ahayd in uu
daboolo ama qariyo falalka bani’aadannimada ka baxsan ee maamulkiisu ku kacay.
Xasuuqani wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada
Muqdisho, waxuuna qayb ka yahay gumaadyo iyo falal argagax leh ee isugu jira:
jirdil, kufsi iyo Afduubyo loo geystay beesha Nuux Maxamuud. Falalkaas oo
dhammaantood diiwan gashan xilliyadi ay dhaceen iyo goobihii laga fuliyayba
waxaa weeye kuwo naxdin leh oo aragagax kugu beeraya.
Xuskan sannadguurada 12-aad ee xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud
Axmed Cali, oo ah mid aan ka baa’bi doonin xuxuusta dadka Soomaaliyeed ee
nabadda jecel, gaar ahaan beesha Nuux Maxamuud, waxuu kamid yahay dhacdooyinka
murugada leh ee ka dhacay dalka Soomaaliya 12-kii sano ee ugu dambeeyay.
Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo hey'addaha aan
dowliga ahayn ee u dooda xuquuqda aadanaha, in ay xil iska saaraan sidii looga
hortagi lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah bini’aadannimada loona aqoonsado kuwa
ka dambeeya dambiilayaal-dagaal. Sidoo kale waxaan u soo jeedineynaa dhammaan
Ururada Bulshada oo ay saxaafadda Soomaaliyeed qayb ka tahay in la hor mariyo
ololaha wacyi galineed ee ku wajahan nabadda iyo dhowridda xuquuqda aadanaha, si
loo abuuro jawi nabadeed oo saamaxaya in dadka Soomaaliyeed ay ku wada
noolaadaan si nabad ah oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan, loogana digo kuwa
geysanaya xadgudubyada ka baxsan Xuquuqda Aadanaha ee dhacaya goor walba.
Warbixintan waxaa diyaariyay:
___________________________
Cabdulfataax M. Cabdulle
Golaha Wada Tashiga ee beesha NM
warbaahinta@yahoo.com
[Qoraallo kale
|