SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

NIDAAM CUSUB OO LAGU HAKINAYO MAGANGELYO DOONAYAASHA YURUB(ASAYLUM SEEKERS)

Burhan Musse
United Kingdom
burhaan1999@yahoo.co.uk   

Feb 7, 2003

Ra'sal wasaaraha dalka Britain Tony Blair ayaa soo bandhigi doona usbuucan ama kan kale gudihiisa dokuminti qeexaya nidaam cusub oo lagu hakinayo dadka magangelyo doonayaasha(Asylum Seekers) ku soo qulqulaya qaaradda Yurub iyada oo dadkaas dib loogu celin doono goobo loogu magac daray goobaha badbaadada ee qaramada midoobay(UN Protection Areas)goobahaas oo deris la ah waddamadii ay markoodiii hore ka yimaadeen. Sidoo kale Tony Blair waxa uu dalbaday warbixin usbuucle ah oo ku saabsan qaxootiga soo gelaya dalka Britain waxana uu caddeeyey sida ay uga go'antahay in hoos loo dhigo tirada magangelyo doonayaasha imanaya Britain.  [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Warbixin ay qortay warsidaha Guardian Arbaco 05/02/03 ayaa caddeysey in tirada rasmiga ah ee araajida la qabtay sanadka 2002 ay kor u dhaaftay markii ugu horreysey 100,000 oo qof.Tirada soomaalida ee dhiibatay araajida ayaa kor u dhaaftay 3000 oo qof.

Qorshahan cusub oo ay riixayso dowladda Labourka islamarkaana qayb ka ah hannaanka cusub ee magangelyo doonayshaasha caalamka(new global aslyum system)ayaa qeexaya in laga sameeyo goobo badbaado UN-ku maamulaan wadamada Turkey iyo Iran laguna celiyo qaxootiga ka imanaya Ciraaq & Kurdida reer Ciraaq. Waddanka Morocco waxaa lagu celinayaa qaxootiga reer Aljeriya sidoo kale waqooyiga Soomaaliya(Somaliland) ayaa laga samayn doonaa goob badbaado oo lagu celin doono soomaalida reer koonfureed.Magangelyo doonayaasha ayaa joogaya goobahaas UNku maamulo muddo dhan 6(lix bilood) inta xaaladda dalkoodu caga dhiganayso. Dadka ay caddaato inay u baahan yihiin badbaado dheeraad ah ayaa dib loo dejin doonaa Britain iyo wadamada kale ee Yurub iyada oo mas'uuliyadda la wadaagayo isla markaana lagu jaangoynayo tirada iyo kobaca dhaqaale GDP ee wadamadaas.

Saraakiisha Home Officeka ayaa carrabka ku adkeeyey in loo baahanyahay taxadar si qorshahaan uusan ugu ekaan "mid lala beegsanayo qaxootiga ka soo haajiraya waddamada saboolka ah ama mid loo isticmaalo lacag si aynu faraha ugala baxno arrimaha qaxootiga"

Qorshahaan oo u baahan taageero caalami ah iyo sanduuq dhaqaalaba waxaa Isniinta soo socota la hor dhigi doonaa Ruud Lubbers oo ah madaxa UNHCR oo kulamo gaar ah kula leh magaalada London saraakiil sarsare oo British ah. Shan waddan oo aan la magacaabin kuna jira EU(Midowga Yurub)ayaa kaalmo dhaqaale diyaar ula ah qorshahaan sidoo kale waxaa iyana suurta gal ah in Australia ku soo biirto deeq bixiyayaashaas. Haddii qorshahaan la isku afgarto waxa uu hir geli doonaa xagaaga inagu soo fool leh.

Qorshuhu waxa uu si cad u qeexayaa in tayada badbaado ee goobaha UN-ku gacanta ku hayaan ay noqoto mid fiican isla markaana qancisa maxkamadaha Britain si aan meel ka dhac loogu geysan xuquuqda gaarka ah ee ay leeyihiin dadka laga tarxiilayo Britain sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in qorshahaan la meelmarin karo iyadoon isbedel lagu samayn xeerarka qaxootiga ee Geneva iyo kan Yurubba.

"Waxaa hoos u dhacaya tirada qaxootiga u soo haajiraya dhaqaalaha iyo argagixisada oo marmarsiiyahooda ka dhigta magangelyo doon.Qorshahani waa inuu isbedel deg deg ah ku keenaa dadka soo gelaya Uk si uu culayska uga qaado nidaamka qaxootiga ee hadda jira"Sidaas waxaa yiri sarkaal u hadlay Home Officeka.

Sida wax looga qabanayo nidaamka dabacsan ee magangelyo doonayaasha ee dalkan Britain ayaa waxa ay xudun-dhexaad u tahay fikradaha Axsaabta siyaasadda ee kala duwan. Doodan oo soo jiidata dareenka dadweynaha ayaa xisbi waliba ku dadaalaa sidii uu dadka uga gadi lahaa ra'yigiisa. Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ( conservative party) Ian Duncan Smith ayaa usbuucii la soo dhaafay si kulul ugu eedeeyey dawladda uu Labourku hogaamiyo inay ku guul darraysatay inay wax ka qabato nidaamka magangelyo doonayaasha isaga oo ku tilmaamay mid faraha ka baxay. Xisbiga talada haya ayaa ku andacoon jirey in muddo ahaydba inuu ka dhaxlay fawdada ka taagan nidaamka qaxootiga dowladdii ka horreysey ee uu hogaamin jirey John Major.

Si kastaba ha ahaatee qorshahaan oo u eg mid ka qarash yar isla markaana ka degdegsiiyo badan kii ay soo jeediyeen Conservative-ka ee ahaa in la dhiso xeryo lagu kontrolo dadka soo gelaya ayaa waxa uu u egyahay mid ay Labourku la shir tagi karaan isla markaana Tony Blair ka jeedin doonta dadweynaha oo uu kala kulmay weji gabax ka dib markii uu ku guuldarraystay ballanqaadyadii uu doorasha ku galay ee ay ugu waaweynaayeen inuu wax ka qaban doono hannaanka caafimaadka NHS(National Health Service) iyo kan waxbarashada.

Burhan Musse
United Kingdom
burhaan1999@yahoo.co.uk   
 

Feb 7, 2003

Britain oo Soo saaray Sharci Cusub 
London: waa sharci ay UK ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda  .. GUJI 13/1

»»Dirirdhaba: Maxaa Labada Professor Loogu kala eexan?!  
»»SOOYAALKA TAARIIKHEED EE SL IYO SARBEEBTA DAHSOON
»»26 Janaayo: Libta Saas Laguma Helo
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI..

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixanom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD