Si aan uga jawaabo Su’aasha ah Muqdisho Caasimad ma u qalantaa? Waxaan bal
fikrad kaa siinayaa marka hore Siyaasadda ka jirta Muqdisho iyo tan ka jirta
Soomaaliya inteeda kale, waxaana ku soo koobaya inaan bal isu fiirino imisa
Siyaasi ayaa ka talisa Muqdisho? Gobollada kale Soomaaliyana xukun-keeda imisa
Siyaasi ayaa isku haysa?. Aan kugu hormariyo Muqdisho.
Muqdisho waxaa ka taliyaa hogaamiye-yaasha kala ah.
1. Xuseen Caydiid:
Waa hogaamiyaha soo baxay kadib geeridii Aabihiis, waxa uu haystaa hadda
Madaxtooyadii Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, horayna waxa uu wada haysan
jiray koonfurta Xamar oo dhan oo lagu daray ilaa Baydhabo, iyo ilaa Jilib, walow
ay ahayd talaabo uu qaaday Aabihii, hadana waa xubin ka mid ah Hogaamiye-yaasha
Muqdisho
2. Muuse Suudi Yallaxow:
Waa hogaamiyahii sida goonida ah isu taagay xilligii la dhisayey maamulkii
Gobolka Banaadir, (oo waa kii yiri waagaa qoddeyda ayaan wax u rabaa), waxa uu
ka taliyaa qaybo ka mid ah xaafadaha Kaaraan iyo Madiina, awood ciidan oo
beeshiisa hoosa ahna waa uu ku haystaa, taas ayaana ka dhigtay mid ka mid ah
hogaamiye-yaasha Muqdisho, jagadan ka hor waxa uu ahaa laan Siyaasadeed oo ka
mid ah ururkii USC/SSA ee uu madaxda u’ahaa Mudane Cali Mahadi Maxamed oo isagu
Siyaasada isaga nastay ama ka fariistay.
3. Maxamed Qanyare Afrax:
Waa hogaamiyaha soo caan baxay xiligii dowladdii Maxamed Siyaad ay dhacday,
kadibna waxaa uu wax ka dhisay dawladii Salbalaar, oo uu ka noqday Wasiirka
Gudaha, waxa uuna si gooniya isu taagay burburkii Salbalaar kadib, hadda waxa uu
ka taliyaa degmada Dayniile oo banaanka Muqdisho ku taal, saa awgeed ayuu ka mid
noqday Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, taageerayaa-shiisana waxay awood ku
leeyihiin isla Muqdisho gudaheeda.
4. Cumar Maxamuud (Cumar Finish):
Waa Hogaamiyahii sida goonida ah isu taagay kadib markii uu ka falliiqmay Xaaji
Muuse Suudi sanadkii 2001. oo ahayd xiligii uu ka qayb galay heshiiskii Nakuru
ee ay kala saxiixdeen D.K.G. iyo qaar ka mid ah madaxda Muqdisho, horayna waxa
uu u ahaan jiray xoghayaha gaashaandhigga ee Ciidanka Muuse Suudi, waxa uuna ka
taliyaa qaybo ka mid ah xaafada Madiina, taas ayuuna ku muteystay inuu ka mid
noqday hogaamiye-yaasha Muqdisho.
5. Cusmaan Xasan Cali (Caato):
Waa ganacsadihii dhanka dhaqaalaha ka taageeri jiray Gen: Caydiid, kadibna
hogaamiye siyaasadeed isku rogay goortii ay is qoomeen Jen Caydiid (Alaha u
naxariistee), waxa uuna hadda ka taliyaa aagga ay ku taalay Jaamacaddii umadda
Soomaaliyeed ee Muqdisho, saa awgeed ayuu ka mid noqday hogaamiye-yaasha
Muqdisho, waxaana lagu tilmaamaa Siyaasi ku xeel dheer xulufaysiga, qaar ka mid
ah kuwa hadda lagu tiriyo madaxda Muqdisho isaga ayaa boorka ka jafay oo dhagta
ugu sheegay iney gooni isu taagi karaan, kana mid noqon karaan hogaamiye-yaasha
Muqdisho.
6. D.K.G. iyo C/Qaasim:
Waa qaybta iyaguna sida goonida isu taagay kadib shirkii Carta oo lagu soo
dhisay dawlad kumeel gaadh ah oo Madaxweyne loogu soo doortay C/Qaasim Salaad
Xasan, kana mid ahaa madaxdii iska daganeyd Muqdisho, hadda D.K.G. awood
magaceeda u qalma kuma lahan Muqdisho, walow ay isaga dhex noolyihiin xaafado
badan oo ka mid ah magaalada, maadaama ayba dagan yihiin guryo iyo Hotello ku
yaalla Muqdisho tetal (ama cinwaan) Maamulna ay wataan ayey ka mid noqdeen hogaamiye-yaasha
Muqdisho, madaxda kale ayaaba dhamaa haddii la xisaabinayo qof walba iyo meeshuu
haysto, laakiin D.K.G. ah wey ka sarriigatay iney ku faanto oo tiraahdo intaasoo
taaggo oo Xamar ka mid ah annagaa ka talinna, illeen waxay sheegataa iney
Soomaaliya oo dhan matashee.
7. Ganacsatada:
Waa qayb ka mid ah madaxda xukunta Muqdisho, dhibaatada ay ku hayaan shacabkana
wey ka daran tahay tey ku hayaan Siyaasiyiinta, intooda badan waxay dantooda
tahay sideed lacag ku heshaa, haddey rabto dadkoo dhan ha’u baaba’aanee,
sababtuna waxay tahay canshuur lacag la’aan ah ayey ku haystaan Muqdisho, waxay
leeyihiin Garoomo iyo Dekedo waa weyn, xamar waxa ku taalla Garoomada kala ah 1.
Aljaziira. 2. Dayniile. 3. No.50. 4. B/Doogle. 5. Cisaleey, 6. iyo Dekedda Ceel
Macaan oo dhamantood ah goobo ay maalgaliyeen gacansatada Muqdisho, madaxda
kooxahana ay saami [ama sheer] ku leeyihiin. Ganacsatudana saas ayey kaga mid noqdeen
hogaamiye-yaasha Muqdisho.
Muqdisho waa goob ay ka taliyaan intaasoo hogaamiye oo kala socda, mid mid ku
xiran ma jiro, wey adag tahay in la is fahamsiiyo, haddii Muqdisho ay ka
taliyaan 7.daas hogaamiye aan bal eegno gobollada kale ee Soomaaliya sida ay
tahay qaybaheeda Siyaasadeed, markaas hadana aan isku fiirinno Siyaasada ka jira
Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kale, kadib aan soo celinno Su’aashii ahayd
Muqdisho Caasimad ma u qalantaa?.
Waqooyi Galbeed.
Waa goobta uu ka taliyaan maamulka la magac baxay Somaliland, ilaa 5.gobol inuu
ka taliyo ayuuna sheegtaa, Madaxweynana waxaa ka ah Daahir Riyaale Kaahin, wey
ka jiraan Axsaab diidan maamulkaas laakin in khilaafkooda uu keeno dagaal wey ka
fogaadeen, waxayna ka siman yihiin in Somaliland ay noqoto dowlad gooni isu
taagta, maamulkaas ka jira goboladaas ayaana masuul ka ah Siyaasadiisa, u fiirso
ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda
maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir.
Waqooyi Bari:
Waa goobta uu ka taliyaan maamulka Puntland ilaa 5.gobol inuu ka taliyo ayuuna
sheegtaa, waxaana hadda Madaxweyne ka ah C/Laahi Yuusuf Axmed, waxa uuna ku
qabsaday xoog milatari, waxaana uga sii horeeyey Jaamac Cali Jaamac oo isaguna
hadda ku hawlan sidii uu xoog ugu soo ceshan lahaa, laakiin labadooda kaliya
ayaa isku haya Siyaasada gobolladaas oo uu marba mid u haro maamulka goboladaas,
u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa
todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tistan gobolka Banaadir.
Hiiraan.
Waxaa hadda ka taliya Col.Xasan Cabdille Qalaad oo ahaa gudoomiyihii gobalka
Hiiraan xiligii uu siyaasad gobolkaas matalayay urukii USC/PM ee uu madaxda ka
ahaa Duuliye sare Cabdi Cusmaan, hase ahaatee waxaa uu qalaad u xuubsiibtay
hogaamiye siyaasadeed kadib markii ay siyaasiyiintii waawaynaa ee gobolkaas ay
taageereen dawladii lagu soo dhisay Carta, hadana kama jiro herdan hubaysan oo u
dhaxeeya kooxaha ku abtirsada goboladaas, taladeeda iyo maamulkeeda wuxuu hoos
tagaa Xasan Qalaad, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka
kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan
gobolka Banaadir.
Shabeellada dhexe:
Waxaa hadda ka taliya Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) waxa uu halkaa ka
soo jeestay kadib kolkii uu isaga siibtay Barlamaankii uu ka tirsanaa ee D.K.G.
malaha goortii uu xisaabtamay waxaa usoo baxday xubin inuu ka noqdo Barlamaanka
K.M.G. iyo inuu xaar-xaarto gobol ka mid ah gobolada Soomaaliya oo uu halkaa ka
soo jeesto iney u fiican tahay inuu meel iska soo saaro, hadda gobolakaas isaga
ayaa si buuxda uga taliya, waxa uuna ka sameeyey maamul adag oo hoosyimaada, u
fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa
todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.
Bay iyo Bakool
Waa gobolada uu ka taliyo ururka R.R.A. ee uu gudoomiyaha u ahaa Col. Xasan
Maxamed Nur (Sharguduud), haddese ururkii waa sarifmay oo laba waaxood ayuu kala
noqday, waax, waxaa u gudoomiya (Sharguduud) waax-na waxaa gudoomiya Sh.Adan
Madoobe oo horay u ahaa gudoomiye ku xigeenkii R.R.A. maamulka Bay iyo Bakool
labadaas garab ayaa isku eryada marba kii ku xoog roonaada ayaa u hara Reerka,
kuma dhex diriraan inta badan magalada gudaheeda, oo qolo goortii ay ku soo
duusha oo ay tii horay u joogtay aragto in laga yara sito wey isaga baxaan
magaalada, waa sida aad u maqasho maanta qolo hebel ayaa galinkii hore haysatay
Baydhabo, galinkii danbana qolo heblo ayaa haysata Baydhabo, dagalaada nooca
goonida ah leh ee ka dhaca Baydhabo waxaad moodaa sidii ciyaal cayaaraya oo is
og, ma xusuusataa ciyaartii ay ilmuhi dheeli jireen ee la oran jiray KADHIMEEY
KADHIM KOOW, KADHIMEEY KADHIM LABO, ee iska daba wareega ahayd, talada
gobolladaasna waxaa ku loolama labadan falliiq, u fiirso !
ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda
maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.
Gobolka Gedo:
Waa gobolada uu ka taliyo ururka S.N.F. laga soo bilaabo sanadkii 96.kii ilaa
iyo hadda dagaallo kama bixin gobolkaas, jabhadda S.N.F. waa jabhadda ugu kala
dhantaalka badan marka la eego jabhadaha Soomaalida, oo gudoomiye-nimada
ururkaas waxay sheega-shadeeda soo martay gudomiye-yaasha kala ah, 1.Jen Cumar
Xaaji Masalle, 2.Maxamud Khaliif Shire. 3. Dr. Cali Mukhtaar (Cali Nuur).
4.Khaliif Maxamud (Khaliif Qoryooley). 5. Col. C/Risaaq Isaq Bixi. 6. Maxamud
Sayid. Intoodaase waxaa hadda ka hawl gala C/Risaaq Biixi iyo Maxamud Sayid oo
labaduba hadda shirka Eldoret ku jooga gudoomiyaha S.N.F. labadan danbe ayaa
hadda isku haya maamulka Gedo, kuwii ka horeeyey qaarna wey dhinteen, qaarna
ciyaarta banaanka ayey uga baxeen, labadan hogaamiye ee is haya laftooda waxay
kala xeeyn-daabteen gobolka oo aad mooddo iney degmooyin-keeda kala qayb sadeen,
Degmada B/Xaawo oo iyadu ahayd halka lafdhabarta u ah gobolka Gedo ayaa waxaa ku
xoog roonaaday garabka Maxamud Sayid taasoo kaliftay !
in C/Risaaq Biixi banaanka loo saaro, kadibna xabsi loo taxaabo, hadda Gedo
labadaa garab uunbaa isku haya, iyagoo degmooyinka ay kala leeyihiin oo aan la
isku soo saqajaamin, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka
kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan
gobol Banaadir.
Jubadda hoose:
Waa goobta Soomaaliya ugu herdanka badan, oo marba qolo ay qabsato, kadibna ku
dooda iney iyadu xaq u leedahay gacan ku haynta gobolladaas, hadda waxaa gacanta
ku haya Isbahaysiga la baxay Dooxaada Jubba, oo uu madax u yahay Col.Barre
Hiraale, horayna waxaa gacanta ugu hayey Jen Margon oo ku abtirsada Jabhadda
S.P.M., gobolkan waa goob marba qolo ay ku adkaato qoladii laga adkaadana
banaanka ayey u baxaan si ay dib isugu soo abaabulaan oo ay xoog ku qabsadaan
gobolkaa, lama wada dago gudaha magaalada Kismaayo ee hadba ninkii roonaada ayaa
Reerka u hara, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala
taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol
Banaadir.
Gobollada aan ka tagay:
Waxaa jira gobollo iyo degmooyin aanan soo qaadin sababtuna waxaa weeye laba
arimood, midda hore waa goobo aanan la isku haysan oo cidi ay xisaabsato laakin
uusan ka jirin maamul ay iyagu u sameeyeen, waxaa ka mid ah tusaale ahaan, Hobyo
waxay ka tirsan tahay Mudug kamana jiro maamul dhisan oo si toos ah u hoos taga
jabhadaha ka jira Soomaaliya, walow ay ka jiraan maamullo ay sameysteen dadka
deegaanka, sababta labaad waxaa la dhihi karaa waa gobollo aan muhim u ahayn
Siyaasiyiinta Soomaalida sida Galguduud oo kale, oo ah gobol ay wada dagaan
Qabaa’illo kala taabacsan jabhadaha Soomaalida laakiin loolanka xabadeed ee
madaxda Siyaasada u dhaxeeya uusan soo gaarin, marka saasaan isaga daayey ka
hadalkooda, waxaan xoogga saaray goobaha uu ka jiro tartanka qoriga ku dhisan ee
ka dhaxeeyo Siyaasiyiinta Soomaalida.
Aan ku weydiiyo adigee qiimeyntaas aan soo sameeyey hadaad akhrisay maxaa kuu
baxay? Ma is weydiisay gobolka Banaadir haddii ay ka taliyaan todobo Hogaamiye
kooxeed, aan kala adkaan, aan kala didin, aan mucaarad iyo maamul la mucaarado
kala noqon sida gobollada kale, ee magaalada wada dagan, jidadka isaga hor
yimaada, inta badanna isa salaama! Ma u qalmaan in Muqdishadii ay saas u
dishadeen lagu abaal mariyo in Caasimadda Soomaaliya laga dhigo? Ma is
weydiisay sirta ku jirta in gobollada kala ah W/Galbeed, Awdal, Togdheer, iyo
Sool iyo Sanaagoo lagu muransan yahay uu ka jiro halka maamul ee Somaliland,
tusaala kalana fiiri Gobollada kala ah Bari, Nugaal, Mudug, iyo Sool iyo
Sanaagoo lagu muransan yahay iyagana uu ka taliyo halka muumul ee Puntland,
hadana bal u fiisto Bay, Bakool, iyo Kismaayo oo iyaduna halka qolo ay marba
muddo ka taliso, iyo in halka degmo waa Muqdishee oo ah degmo ka tirsan Gobolka
Banaadir ay kawada taliyaan todobada Hogaamiye Kooxeed, Su’aal labaad aan ku weydiiyee gobolladaas dhawrka ah ee inta israacay halka maamul sameystay
iyo halkan dagmo ee ay kasoo wada shaqa tagaan 7.da hogaamiye oo mid waliba
goonidiisa u socda keebaa xaq u leh in laga dhigo Caasimadda Soomaaliya.
Gabagabadii anoon ku daalin aan ra’yigeyga kuu sheego, Muqdisho Caasimad
Soomaaliyeed uma qalanto, inta ay saan tahay Siyaasad ahaan, inta ay 7.hogaamiye
leedahay, inta aan heshiis laga gaarayn gacanta ku haynta Muqdisho, xitaa haddii
ay dhacdo in heshiis lagu gaaro Eldoret oo dowlad Soomaaliyeed lagu soo dhiso,
haddii aan degmo kale laga dhigin Caasimadda Soomaaliya, haddey rabto ha’ahaato
Caasimad ku meel gaadh ahee, waxaan shaki iiga jirin in ay mari doonto tubtii ay
martay dowladii Carta lagu soo dhisay, C/Qaasim iyo dowladiisiina sababihii ay
la kici weyday waxaa kaw iyo labo laga dhigi karaa, diidistii uu diiday C/Qaasim
Baydhabo iney noqoto Caasimadda K.M.G. ah, iyo goortii uu Xamar ka soo dagay ee
uusan isu qaabeeynin sidii Madaxweyne Soomaaliyeed, ee uuba dhex seexday guri ay
qaraabadiisu leedahay, halkii uu hadduu wax kale waayo uu dagi lahaa goobaha loo
yaqaanno hantida dadweynaha ama hantida dawlada, ugu yaraan iskuul ama
Masaajidkii Isbahaysiga haduu iska dhex dagi lahaa caymo ayey u ahaan lahayd mirihii Jabuuti.
Haddii aad u qaadato fikradeydaan mid ku dhisan Qabiil ama dulan magaalo, waxay
ka tarjumeysaa aragti gaabnidaada, haddii aad qabto ra’yi ka duwan kaan qabo,
waxaan kaa codsanayaa inaad keento cadaymo la taaban karo oo igu qanciya in
Muqdisho ayadoo saan ah laga dhigi karo Caasimadda Soomaaliya ee mustaqbalka.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
SOMALITALK.COM KENYA
Feb 7, 2003
..... WARAYSI: FAARAX
MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
... FAALLO: Itaxaadka
Soomaaliya
... FAALLO: AYAAN
DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:
WARAYSIYADII FAHAD YAASIIN
WARAYSIYADII IBRAAHIM
MAXAMEDDEEQ
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
com
|