Saddam Xuseen |
SADDAM XUSEEN OO WARAYSI SIIYEY TV-ga
CHENNEL 4, UK
Feb 4, 2003
12 sano Saddam Xuseen waraysi ma siin
weriye reer Galbeed ah
DAAWO QAYBAHA WARAYSIGII SADDAM OO VIDEO
AH:
VEDIO-QAYBTA: 1aad
| 2aad
| 3aad
| 4aad
| 5aad
[CHANNEL 4]
Tony Benn |
Madaxweynaha Ciraaq, Saddam Xuseen, ayaa waraysi dheer siiyey TV-ga lagu
magcaabo Channel
4 ee dalka Ingiriiska, waraysigaas oo caawa 7-dii fiidnimo waqtiga UK laga
soo daayey TV-gaas, waana markii ugu horeysey ee muddo 12 sano ah uu Saddam
Xuseen waraysi toos ah siiyo weriye reer galbeed ah.
Waraysiga waxaa Saddam la yeeshay Tony Benn
oo ah 77-jir siyaasi caan ka ah dalka ingiriiska oo ahaan jirey xildhibaan
baarlamaanka UK [xisbiga shaqaalaha - former Labour MP], waxaana waraysigu
lagu qabtay mid kamida qalcadaha Saddam kuleeyahay Baghdad.
Waraysigaas waxa uu Saddam ku beeniyey in
dalkiisu haysto hubka
halmar wax burburiya ama wax gumaada [weapons
of mass destruction], arintaas asagoo Saddam ka hadlaaya waxa uu yiri
"Ciraaq ma haysato hubka halmar wax-burburiya, habayaraatee"... Halkan
ka daawo su'aashii iyo Jawaabtii Saddam ... GUJI.
Waxa kale oo Saddam si qayaxan u sheegay in
uusan wax xiriir ah la lahayn AlQaacida, taas hadalkii Saddam ka yiri ka
daawo halkan... GUJI
Waxa uu Saddam aad ugu dheeraaday qaramada
Midoobey [UN]
iyo ilaalaynta dalkiisa ay hubka ka fiirinayaan, taas hadalkii uu ka yiri ka
daawo halkan... GUJI.
Waxa kale oo uu Saddam ka hadlay arimaha la
xiriira saliida ceeriin [oil], taasna hadalkii uu ka yiri ka
daawo halkan... GUJI.
Saddam waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka [war],
hadalkii uu arinta dagaalka ka yirina ka
daawo halkan.... GUJI..
Colin Powell
|
Waraysigan Channel 4 waxa uu ku gatay lacag
aan la cayimin maadaama uu duubay TV carbeed, waraysigase uu qaadayey Tony
Benn. Shabakada ananova
ayaa ku warbixisay in TV carbeed lasiiyey £50,000 si loo helo waraysigaas.
Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka, Colin Powell, ayaa arbacada waxa uu qaramada
midoobey soo hor dhigi doonaa wax yaabaha uu u hayo cadaymaha ee la xiriira Ciraaq iyo
hubkeeda... wararka ugu
dambeeyey ee Ciraaq ... GUJI...
Wararka caalamaka ee ugu dambeeyey ka akhri
WORLD.NEWS
WARAYSIGA OO DHAN .... EGLISH.VERSION....
[wararka kale
|