SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MUQDISHO

XAALADA MAGAALADA MUQDISHO
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir

Feb 6, 2003

Marka aan ka hadaleyno xaaladda magaalada muqdisho waa Arin caadi ah in aan sheegno iska hor imaad dhacay mid la xalliyay iyo waliba meel laisku hor fadhiyo

marka hadaan ka hadalno bishaan dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ka dhacay waxaa ka mid ahaa

Xaaji muuse suudi yalaxoow oo kusoo laabtay magaalada muqdisho kadib markii uu muddo ku maqnaa shirweynaha dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka socda magaalada Eldoreed ayadoo markii hore la moodayay in uu wado qorshe muuqda ama cad oo kusaabsan dib u heshiisiinta beelaha muqdisho markii uu magaalada soo galayna kala kulmay soo dhaweyn layaableh oo dadka qaar eey ku tilaameen iney lamid aheyd tii uu c/qaasin kala kulmay dadweynaha reer muqdisho markuu kasoo laabtay magaalada Carta

Isaga laf ahaantiisna wuxuu cadeeyay in uu la kulmay wax uusan filaneyn waxaana hadaladiisii kamid ahaa markuu soodagay

(waxaa kala fog waxaan aaminsanaa iyo waxa eey dadkeyga ila doonayaan) isla markiina waxaa uu bilaabay inuu shirar gooni gooni ah la yeesho dadbadan oo ka mid ah hogaamiyaya yaasha magaalada muqdisho oo ey kamid ahaayeen xitaa waziirro ka tirsan DKG ah hase ahaatee markii danbe waxaa uu xaajigu sheegay in uu mowqifkiisu yahay in lahelo dib u heshiisiin dhexmarta beelaha USC oo dhan cid kasta oo wadata magacaas ama ugu imaaneysa magacaas isla markaana dib u heshiisiin diyaar u ahna uu diyaar la yahay inuu la hadlo waxna la qabto asagoo beeniyay warar soo baxay maalmihii hore oo sheegayay in la wado in laisu keeno asaga iyo madaxweynaha DKG ah Dr:c/qaasim salad xasan asagoo sheegay in hadii D:c/qaasin uu wato macaga dadka USC uu la kulmaayo inta uu watose magac madaxweyna nimada uusan la kulmeynin taasoo gaabisay rajo laga qabay in la helo heshiis dhex mara hogaamiya yaasha muqdisho oo keena in la furo garoonka iyo dakadda muqdisho.

Sidookale waxaa iyada dhacday in

Xal laga gaaray iska hor imaadkii u dhaxeeyay beelihii ku dagaalamay deegaanka Barmuuda taasoo ku timid dadaal ey sameeyeen wax garadka dhalin yarada iyo haweenka labada beelood oo waliba ey ka mid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan DKG aha oo uu ku jiray dadkii waday dadaalka dib u heshiisiinta wasiirka arimaha gudaha ee DKG Daahir dayax

Dadaal kaas oo lagusoo gaba gabeeyay banana bax eey sameeyeen dadka deegaan kaas oo ka dhacay deegaanka barmuuda

Sidoo kale waxaa muqdisho ku cusbaa bishaan dhacdo layaableh oo aheyd in la qabsaday oo gacanta lagu dhigay idaacadda (horn Afrik) oo galab un hawada ka baxday ayadoo uu socdo warkii caalamka idaacadaas hase ahaatee waxaa isla markiiba la galay wada xaajood looga hadlaayay arinta idaacadda la heysto ayadoo isla markiiba lgu guuleystay in idaacada xayiraada laga qaado isla markaana uu cudur daartay nin kii lahaa maleeshiyooyinkii weerarka geystay.

Dhanka kale waxaa iyadana bilowday canshuur ururin eey DKG ah ka bilowday suuqa weyn ee bakaaraha ayadoo arintaan ey ka qeyb qadanayaan ciidamada booliska iyo waliba kuwa milatariga oo suuqa u kala qeybsaday laba qeybood isla markaana ka ururinayo canshuur ayagoo ka hor mariyay ururinta canshuuraha in eey sugaan nabad galyada suuqa oo eey fariisimo ka sameysteen qeybo kamid ah suuqa in kastoo maalintii ugu horeysay ey iska cabin kala kulmeen maleeshiyo fariisin ku leh isgoyska bakaaraha ee jidka wadnaha hadana waa eey sii wateen howlahoodii ayagoo ka qaada ganacsatada canshuuro uu qiimahooda kala duwan yahay una kala qaada qaabab ama heerar kala duwan oo ganacsatada qaarna ka qaadaayo bishiiba mar qaarna maalin walba sida uu sheegay wasiirka lacagta ee DKG ah M/Cumar xaashi aadan lacagta lasoo ururiyo ayaan iyadu ku shubmeynin ama aan lagu shubeynin santuuqa dowlada ee waxaa eey noqon doontaa sahayda ciidamada shaqada wado ayuu yiri wasiirku ilaa haddana waxaa eey howshoodu u socoto si caadi ah in kastoo eey ganacsataduna ka muujiyeen aragtiyo kala duwan oo qaar eey leeyihiin waanu siineynaa lacagta si kasta oo uu xaalku yahayba halka qaar kalena eey leeyihiin soomaalidu waxey tiraahdaa (nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin) ee nimankaan waxaan ka cabsi qabnaa ineey maleeshiyooyinkaa nagiina naga kaxeeyaan meel cidla ahna ey nooga tagaan oo eeysan howsha noo sii wadin sidii marar horaba eey sameeyeen hase ahaatee wasiirka lacagta ee DKG ah

M/cumar xaashi ayaa sheegay ineysan dhici doonin taas eeyna wadi doonaan howshooda si rasmi ahna eey gacanta ugu dhigi doonaan.

Waxaa iyadana xusid mudan in ey dhibaato soo food saartay ganacsiga dakadda ceel macaan markii la kala dhacay baabuur dhowr ah oo eey kala dhaceen laba qabiilo oo iyaga isla daga magaalada muqdisho taasoo keentay xayiraad ku timaada baabuurtii kasoo daad gureyn jirtay dakadda ceel macaan raashiinka hase ahaatee ganacsatada suuqa weyn ee bakaaraha ayaa ku guuleystay in la isu celiyo gawaaridii la kaladhacay isla markaana uu caadi kusoo noqdo dhaq dhaqaaqii ganacsi ee dakadda ceel macaan.

Dhanka kale waxaa iska sii socda gumaadkii loo geysanaayay dadweynaha soomaaliyeed ee masaakiinta ah ayadoo maalintii 27/1/2003 eey dhacday dhacdo aad iyo aad u foolxun taasoo ka dhacday xaafada JUNGAL ee dagmada YAAQSHIID dhacdadaas oo arga gax galisay dadka dagan deegaankaas iyo guud ahaan reer muqdishaba dhacdadaas ayaa aheyd in uu madfac lagasoo riday sida la sheegay qoriga baasuukaha loo yaqaanno uu ku dhacay guri jiingad ah oo eey daganaayeen qoys masaakiin ah kaasoo sababay inuu dhinto wiil yar oo 10-sano jir ah eyna ku dhawac maan 3-qof oo kale oo katirsanaa qoyska oo eey ka mid tahay hooyadii qoyska ayadoo uu bur buray gurigiina siduu u dhamaaba gurigana sida la sheegaayo eey ugu jireen ijaar gurigana eey laheyd islaan aana heysanin wax hanti iyo dad midna ah oo aan ka aheyn gurigaas ka bur buray iyaduse eysan waxba gaarin ee waxa wax gaareen ey yihiin qoyskii ijaarka ooga daganaa.

Arintaan ayaa waxaa eey walaac iyo wal wal ka dhex abuurtay dadka dagan deegaankaas waayo waxaa dhibaatada sii kordhiyay ayadoo aan la ogeyn meesha uu ka yimid madfacu iyo waliba cidda soo ridday midna waana adiga unbaa dhibku ku gaaray cid ku ogna maleh.

Hase ahaatee arintaan waxaa eey keentay in eey iskdhex galaan dadkii xaafadda kadibna eey sameeyeen gudiyo wax la qabto qoyska eey wax gaareen gudiyadaas oo rag iyo dumarba leh waxaa eey bilaabeen is eey xaafadda dhex maraan isla markaana eey iska soo ururiyaan waxoogaa lacago ah ayadoo qof walab uu bixinaayo wuxuu awoodo arintaan ayaa ah mid aan horay looga aqoonin magaalada muqdisho laakiin eey keentay ama eey dadka reer muqdisho bartay dhacdadii 24/10/2002 ee lagu Xasuuqay ilmo iskooleey ah isgoyska Cali kamiin ee magaalada muqdisho tasoo keentay in eey dadka reer muqdisho sameeyaan gurmad aad iyo aad u lixaad leh oo waliba keentay in iyaga kaliya eey ku filaadaan daaweynta ilmahii wax noqday.

Marka waxaad moodaa in dadka reer muqdisho ey usoo laabatay ruuxdii iskaashi ee bulashada ka dhaxeyn jirtay

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir

MUQDISHO

SOOMAALIYA

abuukarsom@hotmail.com 

[wararka kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Saddam Xusen oo Waraysi Siiyey Channel 4
Waraysigii Saddam Xuseen ee laga soo daayey TV-ga Channel 4 ee dalka Ingiriiska ka daawa HALKAN

»»“Bulshada Rayidka”, Waa Tee, Waa Tumaa?
»»Shirka Qarsoon ee C/Qaasim iyo C/hi Yuusuf
»»WAANO GUUD SOMALIYEEY
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

»»CUDURKA AIDS-KA: Muxuu yahay, sidee lagu kala qaadaa, maxaana looga hortagi karaa? W.Q. Faarax A. M.; University of Karachi

WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA 
Wasiirka arrimaha is dhexgalka ee dalka Denmark Bertel Haarder ayaa ku hanjabay inuu ciqaab marin doono waalidiinta somaaliyeed ee ubadkooda ugu dira Somaaliya dhaqan celin awgeed.  GUJI... Feb 3

Toronto: Taageerada Jaamacadda Geeska Afrika
Shir ay qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario ayaa lagu qabtay  huteel ku yaal Toronto....  GUJI... Feb 3
  

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD