SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - FAALLO
Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba !

Wq. C/raxman Ceynte

Feb 21, 2003

et.gif (3290 bytes) adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 sida kamuuqata sawirka sare waxa
a dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta buluug. Sida hoos kamuuqata Calanka Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto. soomaa.gif (2182 bytes) Taariikhda Calanka Soomaalida
Calanka Hoose oo kamida Calamadii hore ee Itobbiya ka eeg halkan etl

Quruumaha hore u maray ee caalamka ka jira waxaa diiwaanadooda istiraatiijiga ah ku jira oraah weyn oo laga dhexlay mufakiriintii siyaasada caalamka ee waagii Giriiga. oraahdan ayaa oraneysa " Qaranku wuxuu leeyahay maslaxad joogta ah, ee malahan saaxiib joogta ah " !

hadii aad dhuuxdo oraahdan qaaliga ah, waxaa kuu soo bexeysa ineey maangaabnimo tahay inaan inagii oo aanba xitaa hal lug ku taagneyn, misana la gaafwareegno qeylo dhaan oraneysa : itoobiya waa cadowga soomaalia ee joogtada ah. ineeysan taasi caqli aheyn waxaa kuugu cad xeelad wanaaga Ra'iisul wasaare Melez Zenawi oo Muqdisho makhaayadeheeda caan ka ahaa bartamihii sideetameeyadii, isagana keen dhigi jiray in hadii uu mar ku guuleysto inuu Mingista eryo, uu Itoobiya ka dhigi doono " saaxiibka koobaad ee Somalia" !

Mr Zenawi kagadaal markii uu xukunka isku dhabacaadiyey, isla markaana ku guuleystay barakeynta reer galbeedka oo mareykanku ugu horeeyo, ayuu mar qura bilaabay inuu ka shaqeeyo isku gubidda soomaalida. aniga wexeey ila tahay inuu caqli ku gaaray taas, ee aan iska deyno eedeynta iyo aflagaadada aan Itoobiya u heyno. maxaa yeelay wuxuu si xirfadi ku dheehan tahay isugu hubaa inuu kalabar oo bar hogaamiye kooxeedyada soomaalida gacanta ku dhigi karo mar walba, iyo xaalad walbaba.

Mr Zenawi inuu siyaasi gaamuray yahay waxaan ku ogaaday markii uu laba todobaad kahor soo dhaweeyey Dr C/qaasim Salaad xassan. isla markaana uu kula laafiyooday saliga (rooga) guduudan ee loo fidiyo " madaxda" waddamada ee sida rasmiga ah loo qaabilo. isagoo waliba C/qasim iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey daaraha madaxda ee Addis-Ababa! laakiin waxaan la iloobi karin inuu isla Mr Zenawi gaari Marcedez ah oo eey saraakiil hubeysan oo Itoobiyaan ahi wadaan uu u diro odayga & wiilka uu ugu jecelyahay hogaamiye kooxeedyada. waa Col. C/lahi Yusuf & Laba alifle. Xuseen M Ceydiid'e !

aqristow bal inta labadaas sawir qaadatid, woxoogaa yar ka fikir gunta uu Mr Zenawi ka leeyahay arrimahan.

waxaanse rabaa inaan sheego in Dr C/qasim uu si nacasnimo ah ugu fashilmay inuu Itoobiya dhankiisa soo marsiiyo. markaan sidaas leeyahayna waxaan hubaa inuusan Zenawi kala jecleyn C/qasim iyo C/lahi Yusuf'e, laakiin uu la jaanqaado hadba midkii uu arko ineey maslaxadi ugu jirto (maslaxadani waa leysku heystaa. aniguse waxaan u arkaa in loo ballan qaado Itoobiya inaan loo soo daba galin Zoonka 5-aad ee ismaamulka soomaalida).

Dr C/qasim waagii aan Qahiro ku aqaanay, oo aan dhowr kulan oo uu abaabulay kala qeyb galay, kahor intaan sheekada cartaba bilaaban, wuxuu ila ahaa nin aad xariif ugu ah siyaasadda. ha yeeshee waxaan ogaaday inuu aad xariif ku yahay tuugsiga iyo gaafwareega boqoradda carbeed ! maahmaah maay-maay ah ayaa oraneysa " Af waa kanee, meey laka aamee?" ama: Af waa kan'e, maxaa lagu cunaa ? Dr. C/qasim lacagta boqoradda carbeed haka soo daldala ma xumee, yaa la siiyaa ? yaa wax loogu qabtaa ? anigu koleey ma ogi.

Dr. C/qasim wuxuu khasaariyey fursad dahabi aheyd intii uu joogay Itoobiya. wexeey aheyd inuu isku dayo inuu khilaafka kala dhexeeya Zenaawi dhameeyo, isla markaana wadiiqo uga dhigto Zenawi hogaamiye kooxeedyada eey Zenawi qudba-sirada isku qabaan. kuwaaas oo ah kuwa ugu liqdaarsan -aniga sideey ila tahay- waa C/lahi Yusuf & Mr Xuseen Ceydiid'e. C.qasim taas muusan yeeline, islaweyni iyo qab ayaa qaaday, markaas buu xitaa intii uu shirka madaxda African-ka socday shaxaad hoosaad u galay Mucammar Al-qadafi IWM.

Itoobiya waa la ogsoon yahay in iyadoon barakeyn dowlad soomaalia ka dhalata eey adag tahay ineey wax noo hirgalaan. waa marka aan runta hoose isu sheegne'e. marka sidaasi howli kaaga wareertana, tallaabada ugu dhiifoon waa inaad cadawgaaga u beddesho saaxiib. ee qabweyni meelna kaama saarto.

 "Cadowtinimada Itoobiya waxaa shacabka uga daran tan lacagta suubiyay"
Galaydh, Jakarta, June 4, 2001 [DKG]

Soomaaliya kama soohorjeedo Itoobiya, waxaana uu sheegay in ay siiwadayaan wadahadalka sabatoo ah "waxay kamidtahay wadaheshiisiinta iyo geedi-socodka nabada."
Buubaa, Adis-ababa, June 16, 2001 [DKG]

Itoobiya waa buundada isku xirta soomalida aan isfahmi karin (hogaamiye kooxeedyada) waana buundada isku xirta adeer mareykan, eedo yurub, abaayo carab iyo Somalia ! waa marka aan markale runta isku sheegno. iyadoo taas laga anbaqaadayana, aniga wexeey ila tahay inaan adeeryaalo, eedooyin iyo abaayooyinka hodanka ah ee aan qoyaanka & tabartaba ku tabeyno eeysan dooneyn ineey waxqabtaan Itoobiya la'aanteed. sidaas awgeed aan garanno cida noo maslaxad ah iyo cidda noo cadaw ah.

Itoobiya wexeey siyaasad ahaan marin ka dhiganeysaa murqo-tus iyo goodin dahsoon oo eey ku bajiso dhamaan geeska africa. xeeladaasna waa mid soo jireen ah oo Mareykankuba ku socdo. hadii aad u fiirsatana, caalamka qeyb walabaayi waddan-baa ka seedcaleeya, mareykankuba ha kawada seedcaleeyee. marka si waddan loogu aqoonsado " Awood Goboleed" waa inuu dariskiisa iska edbiyaa ugu horeynba. itoobiyana waxaan edbin aheyn ugama jeedo! Mareykankuba Japan wexeey bamabada wax gumaada ee Nuclear-ka ula dhaceen waa ineey jabiyaan awoodii japan ee waagaas. isla markaana awood wax muquunisa muujiyaan. marka dariskeena Itoobiya anigu lama yaabani, ee waxaan la yaabanahay siyaasad xumayaasha nasiibka u yeeshay in dowladnimo loo aqoonsado, misana iska ogolaan waayey ineey itoobiya uga haraan yoolkeeda ah ( odayga aagga) .

Dagaalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya  March 2001

Heshiis itoobiya iyo soomaaliya ayaa ka muhimsan dib uheshiisiin soomaliyeed
WQ. Fahad Yasiin | June 24, 2001
waayadii hore waxaa ceeb loo arki jiray in dowladi ay..Akhri halkan

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!!!??..... WQ.Cabdi Warsame Feb 18

gabagabadii, waxaa laga yaabaa inaad la yaabto runta tirada badan ee ku jirta qoraalkan, oo aad isweydiiso: Tolow ninkani ma qareen itoobiyaan-baa mise ..? mayee, waxaan arkaa ineey xikmadu ku jirto in siyaasada baalkeeda rundoonka ah laga mid noqdo (Realistic Version) ee aan lagu af-macaaneysan baalkeeda rajjo ku noolka ah (Idealistic Version).

C/raxman Ceynte

St.paul. Minnesota

ceyntejournalist@attbi.com 

-dhammaad-

BILICDA SOOMAALIYA..... GUJI

[TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYAHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  TAARIIKH KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

I  I  D  H  E  H

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaa London, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

BILICDA SOOMAALIYA..... GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD