Waxaa astaantaydu ahayd inaan soo saari jiray
wiilal dhuudhuuban, hayeeshee bootin dheer, geesiyaal ah, gabay curin badan,
islamarkaasna libaaxa kadhigta neefkooda, dhurwaaguna hadduu neef xalay
kaqaatay ay raadkiisa saqda dhexe toosh kuqaadaan kaddibna ay tiigsadaan
isagoo geed hoos hurda afkana dhiig uga yaal kaddibna ay waran kudhaabaan
halkaas iyo dhul aakhirana ay udiraan. Hayeeshee maanta waxaa idhaxlay
dhagar qabayaal dhiirranaan sheeganaya iyagoo kudhuumanaya 400 oo
dhallinyaro ah dhabarkood, isla markaasna kudhahaya dhallinyarada dhimbilaha
rida, dhallaanka mariya, guryaha dhaca, dhismaha dumiya, hooyooyinka dhiba,
wixii dheef ahna aniga iikeena, idinkuna dhinta magiciinnuna meeshaas
hakudhammaado!.
Haddaan ahay dhulkii Soomaaliyeed, dhagar
baad iga gasheen, hadhoow iyo haddeerna idinma cafiyin, dhiigbaad iigu
qubeeyseen, anigoo ahaan jiray mid ay dhirtu aad uga baxdo, miro badanna ay
kadham-balmaan, biyuhuna ay dhacadiidaan, dhallaan badanina uu kudhasho,
maantana dhallinyaradaydii qaarna waad dhammayseen, qaarna dhulgaalaad
dhallin uga dhigteen, anna dhul gablan ah baad iga dhigteen. Haddaad rabtaan
inaan idin dhaafo, oo dhibkii hore illoobo yeela dhawrkaan shay oo
dhammaantiin si fiican uga soo dhalaala:
~ Marka aad tihiin kuwa dhumuca sida, iska
dhiga oo rabbigiin kadhursuga, dheef wuxuu qoray waad dhadhaminaysaan,
anaana idiin dhalaya oo dhaydaydaa idinku filan, dhammaantiinna ogaada inaad
aniga iga hoosmari doontaan oo aad dhimanaysaan, waxaad dhumiseen oo naf iyo
hanti ah Alle idinka dhaarin doono.
~ Marwooyinkii aan dhalay oo meelahaan
agtayda ah dhooban iyo kuwa meel fog udhoofayba, waxaan dhagihiinna
kushubayaa in aad dhaqankiinna iyo diintiinna dhawrtaan, dhibbane ayaad
tihiin, anaase idinka dhib badan, hayeeshee qaanso-roobaad ayaan cirka ku
arkaa, oo roob iyo kahyr baa soo socda ee bishaaraysta, iilmadana iska tira,
waxaadna dhab u ogaataan in balaayo dheeraata ay barwaaqo daa'im ihi
kadambayso sida qur'aankeennu dhigay.
~ Dhallinyarada waxaan leeyahay haddaan
dhulkii ahay, kuwa qurbaha jiroow, markaad doolarkiinnii dayacdeen, oo
dhiigyacab u dirteen, ogaada inuu dhulkiinnii gubay, idinkaana ku dhul-la',
dhurwaayadaasi gogoshiinnii bay dhumiyeen, nin gogoshii uu kuseexan lahaa
gubayna gorgor samada heehaabaya baa Alle kadhigaa, haddaad wadaninimo
sheeganaysaan idhisa aniga oo idhaqaaleeya, cilmi adduun iyo mid aakhiro aan
idiin dhalee, ubadkiinna barritana u dhiga wax dhaxal gal ah oo ay berrito
kudhaataan.
~ Aqoonyahankayga waxaan oran lahaa,
haddaad maskaxdaada dhay kabuuxisay, anaa kuubaahan, aniguba dambar baan
kusiin jiray waagaad dhallaanka ahayd, maantana anoo dhibban baad iga
dhaqaaqday, oo dhulkale dheeftaadii siisay, ogoow inaan kaa dhursugayo,
dhakhsana aan rabo inaad iigu timaado, dhibaatadaanna iga mayrto.
~ Culumaa'uudiinkoow, idinku dhoowrsanayaal
ayaad ubadan tihiin, oo dhiig uguma innaan daadin, dhallaankaygiina igama
iinnaan cunin, gabdhahaygiina dhulka ma iinnan dhigin, laakiin ducadii baad
iga dheerayseen, quusna waad qaadateen, waxaan idin oran lahaa iisoo duceeya,
dadkiinana hanuunsha, qabiilakana kadheeraada.
~ Ninkii raba inuu aniga dhulka ah xukumo,
waa inuu sifooyinkaan kasoo dhalaalaa, haddii kale waa dhurwaa dhurwaayii
hore kamid ah ee yaan laygu siidayn. Waa inuu yahay nimaan dhagar qabin oo
dhawrsan jiray, waa inuu yahay nin rabbigiis kudhaata diintana kudhaqma, waa
inuu yahay nin xishood iyo xaqdhoowr maryihiisu ay yihiin. Waa inuu yahay
nin carruurtaydii kala firdhatay iisoo uruuriya, gabdhahayga daryeela,
duqaydayda darajeeya, dadkayga doojiya, dhaawiciina dhaya, maankiisuna uusan
ahayn inuu maal xado ee uu yahay inuu maatida meel wanaagsan kuhago.
Haddaan dhulkii ahay, anaa idinkabadiya
dadkayga, haddaad rabtaan inaad ogaataan geesiga qofka ah, iyo kan dhugta
badan, ma aha dhiigyacab dagaal ooge ah, oo gadaal kafadhiya 400 oo wiil,
xabbadana iska xijinaya iyaga, si uu uhelo waxa ay soo dhaceen inta dagaalka
kasoo badbaadday, ee geesigu waa ninka kashaqeeya wanaagga waddankiisa iyo
dadkiisa, una horseeda wixii khayr ugu jiro labada daaroodba, dadkaygoow
idinkaan idiin fadhiyaa ee isku duubma, daarta dambana xusuusta, xalkana
iisoo dadajiya.
Ilaah baa darajo leh iyo dambidhaaf.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada,
alhudaa1@yahoo.ca
Feb 7, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
»»Dirirdhaba:
Maxaa Labada Professor Loogu kala eexan?!
»»SOOYAALKA
TAARIIKHEED EE SL IYO SARBEEBTA DAHSOON
»»26
Janaayo: Libta Saas Laguma Helo
»»BOGGA
MAQAALADA DADWEYNAHA...
GUJI
Sucuudiga
oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa
kale oo wasaaradu sheegtay in.... GUJI...
Feb 2
DAREENKA
DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad
Doon ah
Dhanbaal
Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya:
Wararka Radio Xoriyo GUJI...
WAR
BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta
si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu
shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo... Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1com
|