Cabasho Furan : Maxay BBC-du u dhalan rogtaa wararka Ogaadeenya ?
wq. Abdullahi Maxamed Abdullahi_mahamed@yahoo.com
Feb 28, 2003
Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo gudbiyo cabasho ku saabsan sababta ay
BBC-da laanteeda Af-Somaligu u soo tabin la’dahay wararka dalka Ogaadeenya.
Cabashadan oo ah dareen ay wada qabaan dadka Somaliyeed ee ka soo jeeda dalka
Ogaadeenya, waxaan ku soo gudbinaynnaa warqad furan, waxaana BBC-da laanteeda
Af-Soomaliga uga dacwoonaynaa madaxdeeda, shaqaalaheeda iyo dadka Somaliyeed iyo
waliba ruux walba oo damiir bini’aadamnimo ku jirto.
Ujeeddadii loo aasaasay idaacadda BBC-da laanteeda Af-soomaliga waxay ahayd
in wararka adduunka iyo kuwa Soomalidaba ay gaadhsiiso dadka af Soomaliga ku
hadla. Haddaba, wuxuu caqliga fayow ina dareensiinayaa in BBC-da ay ahayd inay
muhiimad isku mid ah siiso gobolada iyo aagagga ay degaan dadka Soomalida ah.
Nasiib darro, BBC-da Laanteeda Af Soomaliga wax war ah oo la taaban karo kama
soo wariso dalka Ogaadeenya.
Sida la wada og yahay dhacdooyin aad u badan ayaa ka dhaca dhulkaas oo
saameeya xag dhaqaale, siyaasad, nabadgalyo iyo arrimaha bulshada. Arrimahaas oo
warar ahaan aan ka liidanin kuwa ay BBC-du ka soo tabiso aagagga kale ee
Soomalidu degan tahay sida Waqooyi, Bari, Gobolada Dhexe, Gobolada Koonfureed
iyo waliba NFD.
Waxaa yaab leh in BBC-du wararka yar ee ay soo tabiso ay ka soo xigato
wariyaha u jooga Adis Ababa, taas oo labo sababood dartoodba aan xaqiiqada ka
turjumi karin :
Waa marka hore, Adis Ababa oo aad uga fog dalka Ogaadeenya wax xidhiidh ah oo
toos ahna aan la lahayn degmooyinka Ogaadeenya. Waa ta labaade, wariyaha halkaas
jooga oo nabadgalyadiisa darteed aan soo tabin karin xaqiiqda wararka.
Haddaba, iyadoo dad ku dhow lix milyan oo reer Ogaadenya ah ay BBC-da Af
Soomaliga ka dhagaystaan gudaha Ogaadeenya iyo dibaddisaba, waxaan aaminsanahay
in BBC-du ay ku khaldan tahay inay xaqirto wararka ay tirada intaa le’eg
xiisaynayaan inay maqlaan.
"BBC-du
Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa."
Yusuf
Garaad July
2002 |
Waxaa Jira ururo badan oo sheegtay inay taabacsan yihiin dawladda Itoobiya
iyo kuwo mucaarad ku ah oo Itoobiya la dagaalama. Waxaa haddaba jirta in BBC-du
aynan siinin shakhsiyaadka ka soo jeeda dalka Ogaadeenya saamiga ay xaqa u
leeyihiin xagga waraysiyada iyo sheegista bayaanada ay soo saaraan. Haddaba,
miyeynan ku habboonayn in la fahmo sida BBC-du ku xulato wararka ay sii dayso.
Sidoo kale, lixda milyan ee Soomalida ah ee BBC-da Af Soomaliga ka dhagaysata
dalka Ogaadeenya, waxay xaq u leeyihiin inay BBC-du u sharaxdo sababta wararka
Ogaadeenya ay ugu yar yihiin BBC-da Af-Soomaliga.
Waxaaba intaas ka sii daran iyadoo mararka dhifka ah ee ay BBC-du sii dayso
wararka Ogaadeenya, ay dhalan rogto ayna ku xidhan tahay hadba sida uu rabo
wariyaha markaa soo tabinaya. Dinaca kale, wararka ku saabsan xukuumadda
Itoobiya, BBC-du way buunbuunisaa, waxayna badanaabana u sheegaan sida ay
xukuumadda Itoobiya jeceshahay, waa YAAB!
Waxaan kala garan la’ahay inay arrintu tahay siyaasad ka socota BBC-da
nafteeda iyo inay tahay mid ka socota shakhsiyaadka ka shaqeeya. Dad badan
waxay aaminsan yihiin inay tahay arrin ay ka dambeeyaan qaar ka mid ah
wariyayaasha BBC-da, waxaana taa ay dadkaasi caddayn uga dhigayaan iyadoo
wariyayaasha BBC-du uu ninba siduu doona wararka u soo tabiyo, xitaa magacyada
dalka uu ninba waxa uu doono ugu yeedho.
Waxaan dhagaystaayasha qaayaha leh ka codsanaynnaa bal inay hadda ka dib u
fiirsadaan habka ay wariyayaasha BBC-du u soo tabiyaan wararka Ogaadeenya iyo
kuwa dawladda Itoobiya, ka dibna ay iyagu caqligooda isticmaalaan. Arrimahan
waxaa tusaale fiican u ah waraysigii uu wariye ka mid ah BBC-du la yeeshay Melez
Maarso 2002 iyo habkii uu isla wariyahas u soo tabiyey bannaanbax ay Jaalliyadda
Ogaadeenya ee Ingriisku kaga hortageen booqasho uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya,
Melez ku tagay Ingiriiska Febraayo 2003.
Cabashadan waxaan u soo bandhigaynnaa dadka Soomaaliyeed oo sababtii doontaba
ha keentee, nasiibka u helay inay wararka degaankooda sax loo soo tabiyo iyo
kuwa kale ee iyaguna sidaananada oo kale la gacan bidixeeyey. Sidoo kale,
cabashadan waxaan si toos ah ugu bandhigaynnaa maamulka iyo shaqaalaha laanta
Af-Soomaliga ee BBC-da. Aniga iyo inta ila ra’yiga ahba, gartaanadii waan
sheeganay, jawaabna waxay la jirtaa Laanta Af-Soomliga ee BBC-da.
Waad Mahadsan tihiin
Fadlan wixii faallo, su’aal ama taageero ah ku soo hagaaji qoraaga.
Abdullahi Maxamed Abdullahi_mahamed@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waa
mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan
LIFAAQ:
HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA
- 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da
Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer
toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu
waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948
ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda
ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa
qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano
Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey
koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd
xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
- Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in
ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo
dhowaadey xoriyadii Soomaaliya.
[Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi
oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
- 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii
halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho
30-daqiiqo. [1 July
1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo
Koonfur]
- 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii
Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah
iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August
26, 2000
waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
- Sannadka
2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah
eeg: BBC.11:00
| BBC.14:00
| BBC.16:00
| BBC.18:00.[Waxaa
soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]
<><><>
DADWEYNAHA<><><>
DADWEYNAHA
& BBC-DA LAANTA AFKA SOOMAALIGA AKHRI.HALKAN...
|