SomaliTalk DALSAN
 
East

Africa

University



Dhammaadkii shirka iyo wasiirka waxbarashada PL oo aqbalaya islamarkaasna bixinaya hadiyado laysweydaarsadey

Wada xaajood

Hadiyad laysgudoonsiinayo

MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika.
Shirweynihii Jan 12, 2003 lagu qabtay Jaamacadda Minnesota, kaas oo ay ka hadleen waftigii C/Weli C/raxmaan Geyre [Guji...]


Warbixintii Jaamacada ee 2001
Jaamacaddan “jaamacadda Bariga Afrika” (East Africa university) waxaa si rasmi ah loo furay markay taariikhdu ahayd 23/10/1999, waxaana lagu bilaabay 95 arday oo ku baasay imtixaan horudhac ahaa oo laga qaaday dadkii soo dalbaday, kuwaasoo loo furay bilowgii koorasyo barashada luqada; carabiga, ingiriiska iyo xisaabta ah. Bishii Oktoobar 2000 ayayna ardaydaasi waxbarashadoodii rasmiga ahayd ee jaamacadeed bilaabeen.
[ warbixintii Maxamed-Deeq Cabulqaadir, Bosaso, Abriil 2001]

Warbixintii Mohamed Deeq
Akhri/Read | Daabac/Print


Qaabdhismeedka Jaamacada
Akhri/Read | Daabac/Print


Buugaagta Jaamacaddu u baahantahay
Akhri/Read | Daabac/Print
 

Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal
 
.Home | CProgram | HTML | TellFriends | Search | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
Australia: Wasiirka Waxbarshada ee DGPL iyo Weftigii uu hogaaminayey ee Jaamacada Bariga Africa oo weli booqanay xarumo waxbarsho.

SomaliTalk.com | Melbourne, Australia | Aug 29, 2003


Waftiga oo lagu soo dhoweeyey Jaamacadda Deakin

 Jaamacada Deakin wadaxaajoodkii oo socda

Wadaxaajoodka oo socda

Waftiga iyo arday ka mid ah fasalada Ciise Dhollowaa tutorka ka yahay ee Jaamacada LaTrobe University

Waftiga oo Booqday Latrobe University Bookstore

Axmed Cismaan Shibiin oo casho sharaf u sameyey waftiga

Waxaa weli socda booqashadii wefiga uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarshada ee DGPL. Weftigaas ayaa ayaamihii la soo dhaafay ku masquul sanaa shir gooni gooni ah oo ay la yeelanayeen xarumaha waxbarshada sare.

Xarumaahaas ay booqdeen ee Latrobe University iyo Deakin University waxaa si wanaagsan ugu soo dhoweyey masuuliyiin sar sare oo labadaas jamacadood ka tirsan. Waxaana ay ka wadda hadleen, guud ahaan sidii waxbarshada Puntland looga caawin lahaa, gaar ahaana sida Jaamacada Bariga Africa looga caawin lahaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin, dejinta manhajyada iyo buug joogta ah oo ay siiyaan. Waxaana labada jaamacadoodba balan qaadeen in ay ka caawinidoona arimaha weftigu codsaday, ee suurta galka ka ah jaamacadahaas.

Inta uu weftigaasi marayey jaamacadahaas waxaa ay booqdeen bookshopska jamacadahaas iyo Library-yadaba. Labadaas qayboodba waxaa ay u bal qaadeen in ay u soo gudbindoonaa buugaagta ay awoodaan sanad walba, kuwaas oo warku sheegayo in ay noqon karaan ilaa 5 kun oo buug waddar ahaan.

Waxaa shirarkaan isku soo dubaridey Ciise Maxamud Dhollowaa iyo masuuliyiin ka tirsan labada jaamacadood. Markaan Ciise arinkaas su'aalo ka weydiineyna wuxuu noo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee shirarkii uu kala qayb galay weftiga, ay si wanaagsan ku dhamaadeen. Wuxuu noo sheegay in wax ka soo baxay shirarkani ay yihiin "DHAXAL GAL" socondoona "wiil ka wiilkiis, kaas oo isku xiraya labada waddan iyo labad dadba." Ciise wuxuu noo sheegay "in socdaalkan Wasiirka iyo weftigu ay qayb weyn ka qaateen dib u soo noolaynta MAGACA, MAQALKA iyo MAAMUUSKA ummadda Somaliyeed ee dagaalka ahliga ahi wax u dhimay."

Waxaa wefigan si wanaagsan ugu soo dhoweyey waddanka Australia, bulsha weynta Somaliyeed, khaasatan Gudoomiyaha Somali Community Inc, Mudane Cabdiraxmaan Jaamaca Cusmaan "Raas". Gudoomiyaha iyo bulshaweynta Somaliduna si wanaagsan ayey uga qayb qaateen arimaha la xiriira dejinta iyo daryeelka weftigaas. Waana looga mahad celinayaa arimaha wanaagsan ee ay qabteen.

Waftigan booqashada kumaraya magaalada Melbourne ee dalka Australia waa wefti ka socda Wasaarada Waxbarshada ee Dawlada Goboleedka Puntland iyo Jaamacada Bariga Africa (East Africa University). Weftigaas oo ka kooban sadex ruux waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Mudane Hassan Dhiilood. Weftiga qaybtiisa Jamacada Bariga Afrika-na waxaa ay kala yihiin Cabdiweli Geyre oo ah hormuudka kulliyada dhaqaalaha iyo ganacsiga (Dean of School of Business and administeration-ka) iyo Cabdirisaaq Sheekh Maxamud Shoole oo hormoodka qaybta maamulka (admission)-ka iyo diiwaangelinta.

Halkan ka akhri warbixintii hore ee waftiga... GUJI

 

Waxaa soo tebiyey SomaliTalk.com Melbourne, Australia
Waxaa isku dubaridey: Maxamed Cali | Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2003

 


Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.

Halkan ka akhri warbixintii hore ee waftiga... GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com


Wafti Kasocda Jaamacada Boosaaso oo Kusii Jeeda Asutralia
Waxaa fatigaas Australia uga sii horeeya wafti kale oo uu hogaaminayo wasiirka Waxbarashada Puntland, waxayna.... Guji.. Aug 16

 



www.Somalitalk.com
All About Somalia and More...
Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy
 

HTML CD