SomaliTalk DALSAN
 
East

Africa

University


Waftiga oo lagu doo dhoweeyey Jaamacada Latrobe.


Dhollowaa iyo waftiga

Waftiga iyo gudiga maktabada LaTrobe University

MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika.
Shirweynihii Jan 12, 2003 lagu qabtay Jaamacadda Minnesota, kaas oo ay ka hadleen waftigii C/Weli C/raxmaan Geyre [Guji...]


Warbixintii Jaamacada ee 2001
Jaamacaddan “jaamacadda Bariga Afrika” (East Africa university) waxaa si rasmi ah loo furay markay taariikhdu ahayd 23/10/1999, waxaana lagu bilaabay 95 arday oo ku baasay imtixaan horudhac ahaa oo laga qaaday dadkii soo dalbaday, kuwaasoo loo furay bilowgii koorasyo barashada luqada; carabiga, ingiriiska iyo xisaabta ah. Bishii Oktoobar 2000 ayayna ardaydaasi waxbarashadoodii rasmiga ahayd ee jaamacadeed bilaabeen.
[ warbixintii Maxamed-Deeq Cabulqaadir, Bosaso, Abriil 2001]

Warbixintii Mohamed Deeq
Akhri/Read | Daabac/Print


Qaabdhismeedka Jaamacada
Akhri/Read | Daabac/Print


Buugaagta Jaamacaddu u baahantahay
Akhri/Read | Daabac/Print
 

Adeegso Xawaaladda Amal Express oo 15 daqiiqo lacagta elkaaga kuugu gaarsiin doonta... www.SomaliTalk.com/amal
 
.Home | CProgram | HTML | TellFriends | Search | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
Waftigii Kasocdey Waxbarashada Puntland iyo Jaamacada Boosaaso oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyey Australia

SomaliTalk.com | Melbourne, Australia | Aug 23, 2003


Waftiga oo uu soo dhoweeyey madaxa School of  Law Legal Studies.


Wasiirka iyo waftiga EAU oo hadiyad bixinaya

Waftiga oo lagu soo dhoweeyey garoonka Melbourn Airbort

Waftiga oo lagu soo dhoweeyey guriga la dejiyey

Qado sharaftii waftiga loo sameeyey ee LaTrobe University

 .Waftiga iyo gudiga maktabada (Library) jaamacada Latrobe oo wada xaajoonaya

Waxaa ayaamahanba ku sugal magaalada Melbourne ee dalka Australia wefti ka socda Wasaarada Waxbarshada ee Dawlada Goboleedka Puntland iyo Jaamacada Bariga Africa (East Africa University). Weftigaas oo ka kooban sadex ruux waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Mudane Hassan Dhiilood. Weftiga qaybtiisa Jamacada Bariga Afrika-na waxaa ay kala yihiin Cabdiweli Geyre oo ah hormuudka kulliyada dhaqaalaha iyo ganacsiga (Dean of School of Business and administeration-ka) iyo Cabdirisaaq Sheekh Maxamud Shoole oo hormoodka qaybta maamulka (admission)-ka iyo diiwaangelinta.

Weftiga oo hawlohooda rasmiga ah u bilaabay maalintii Arbcada ahayd waxaa ay la kulmeen masuuliyiin ka tirsan xarumaha waxbarshada ee jaamacadaha. Maalintii arbacada ahayd waxaa weftigu ay booqdeen Jaamacada La Trobe University oo ay wadda hadal galeen masuuliyiin sar sare oo jaamacada ka socda. Wax kasta oo ay ka wadda hadleena waa laysku af gartay, waxaana laga ogolaada arimihii ay u tageen jamacada oo dhan.

Wasiirka waxbarshada ayaa masuuliyiinta qaybo ka mid ah u fidiyey in ay soo booqdaan dhulka Somaliya, khaasatan degaanka Puntland, waana ay ka aqbaleen. Waxaana la rajaynayaa in wefti jaamacada ka socdaa tago Puntland sida ugu dhakhsaha badan ee socdaalka weftiga u suurta gelinayaa. Waxaa iyana masuuliyiin jaamacada ka socdaa ugu baaqeen Wasiirka in uu soo diro hal qof oo ka socda Jaamacada East Africa University si ay u baraan qofkaas aqoonta dejinta manhajka. Qofkaasna waxaa dhaqaalaha uu Australia ku joogaya balan qaaday gudoomiyaha Somali Community in Victoria Inc., Mudane Cabdiraxmaan Jamac Cusmaan Raas oo ka mid ahaa wufuuda la shireysey masuuliyiintaas sar sare.

Maalintii Khamiista ahayd waxaa weftigu booqasho ku tageen fasalka uu dhigo Ciise Maxamud Dhollowaa oo isagu Jaamacada ka ah kal kaaliye macalin, isla markaasna ka samaynaya shahaadada ugu saraysa ee PhD. Fasalka oo qaadanaya maadada mageceeda la yiraahdo GLOBALISATION: The Rise of the Modern World. Masuuliyiinta Jaamacada East Africa University ayaa aad u danaynayey in ay ogaadaan sida loo qorshayo xiisadaha afka Ingriisiga lagu yiraahdo Tutorial.

Weftigu waxaa ay soo booqanayaan xarumaha lagu hayo caruuraha Somaliya laga keeno ee uu soo qaado Ciise Maxamud Dhollowaa. Waxaana ay u kuur gelidoona arimaha la xiriira xanaanayntooda iyo hayntoodaba.

Asbuuca soo socda waxaa weftigaasi booqan doona Jaamacado kale oo ku yaala magaaladan Melbourne, si ay ugu kuur galan habka waxbarida ee jaamacadahaas, si ay uga bartaan inta ay ka qaadankaraan ee suurta galka ka ah dalka Soomaaliya.  

Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.

Waxaa soo tebiyey SomaliTalk.com Melbourne, Australia
Waxaa isku dubaridey: Maxamed Cali | Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com


Wafti Kasocda Jaamacada Boosaaso oo Kusii Jeeda Asutralia
Waxaa fatigaas Australia uga sii horeeya wafti kale oo uu hogaaminayo wasiirka Waxbarashada Puntland, waxayna.... Guji.. Aug 16

 



www.Somalitalk.com
All About Somalia and More...
Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy
 

HTML CD