Dahabo
Shire oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 35 jir ah oo dhabta ku haysa gabadheeda
yar ee aadka u gaajaysan ayagoo markaas joogey cisbitaal kuyaal xerada
qaxootiga ee Dhadhaab (Sawirka AP Sep 28, 2000)
Maanta (Dec 18, 2003) ayaa radio VOI warbixin dheer ka
bixiyey sida ay ilaa hadda Soomaalida Qaxootiga ku ah Dhadhaab ay
rajadoodu u liidato, rajada ay ka qabaan nabadda.
halkan dhegeyso.... Guji |
Soomaliya oo mar loo aqoon jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa dadka
adduunka hadda ku gartaan Soomaaliya toddobadaan astaan oo kala ah: Warlord,
Starvation, Rival functions, kidnap, Chaos, Refugees, Clan warfare.
Astaamahan haddii aan af Soomaali ku sheegno waa sidan dagaal ooge, macluul,
kooxo iska soo horjeeda, Afduub, fawdo,Qaxooti, iyo dagaal qabiil. Dadka
Soomaalida meel kasta ha joogaan dhiilo maahane ma maqlaan dhawaaq farxad leh.
Inta la ogyahay Soomaaliya 13kaan sano mar ay ka liidato taariikhda laguma
hayo. Waxaa lumay dadkii, hantidii, dhaqankii, garaadkii, diintii,
walaaltinimadii, isjacaylkii, iyo wadanimadii.
Dadka adduunka markii ay weydiiyaan Soomaalida waxa ay ku dagaalayaan ama
dawlad u dhisan la’ yihiin Somalida waa bixin waayeen jawaab kaafi ah. Xataa
kuwii dagaalamay ayaanan garanayn waxa ay ku dagaalamayaan. In badan oo ka
mid ah dadka Addunka ku nool ugu danbayntii waxa ay isku qanciyaan in dadka
Soomaalida ay macluuli hayso haba ugu horeeyaan hogaamiyaasha kooxaha oo
sababta jabhadahii riday dawladda iyo iyo dagaalka qabiilooyinka iyo isku
qabsashada daaqa iyo magaalooyinka keentay ay tahay gaajo ka cabsi iyo
doolshada yaan dhinacaaga lagaa qadin!.
Hadii uu iimaan jiro waxaan ma dhici lahaayeen?.
Kuwo kalena waxa ay isku qanciyeen in meesha jaahilnimo ku jirto oo
Soomaalida aanay garanayn si dawlad loo noqdo ama loo samaysto!.
Hooyo
Soomaaliyeed oo carruurteeda aadka u gaajaysan ku haysa xerada xaqootiga
ee Dhadhaab (Sawirka AP Sept 28, 2000), ilaa hadda qaxootiga Soomaalida
ee halkaas ku dhaqan rajadadooda nabada
soomaaliya waa mid aad u hoosaysa.. Dhegeyso warbixintii maanta (Dec 18,
2003) ee VOA
Dhegeyso Halkani |
Soomaalidii hore oo uu dagaalkoodu u badnaa xoolo la kala qaaday ama gabar
la fara xumeeyay ama daaq gaajada ugama baqi jirin sida hadda kuwa dagaalka
wada ama abaabula. Keligood ayaa geed hoostiis ku shiri jiray oo heshiin
jiray waayo iimaan bay lahaayeen. Inkastoo ay weli jiraan dad soomaali ah oo
iimaan leh wixii ilaah siiyayna ku qanacsan haddana waxaa batay kuwa addun
raadis keliya u smaynayo wax kasta oo uu ku heli karo.
Beryahan waxaa sii batay dagaalada lagu hoobto ee dhexmara qabaa’ilka
Soomaaliyeed oo ah dad walaalo ah oo wada dhashay abti, adeer, eedo, ayeeyo,
habar yar, seedi ama dumaashi isu wada ah. Waxa keliya oo joojin kara waa in
la helo dawlad sharci ka soo saarta dagaalka qabiilooyonka oo xoog ku
dhexgasha oo qoladii nabadda diida talaabo ka qaada.
Xaaladda ay hadda Soomaalidu ku sugan tahay iyo sida uu udhumay kala
danbaytii iyo ismaqalkii iyo tirada hubka culus ee gacantooda ku jira marna
ma suurtoobayso in ay wax xallin karaan madaxda qabiillada oo awooddii lagala
wareegay lana mariyay wadadii dawladdii jamhuuriyadda Soomaaliya la oran
jiray Ilaa dawlad dhaqso ah la dhisona dhiigga waa qubanayaa, macluusha waa
jiraysaa lacagta been abuurka ah waa jiraysaa, dekedaha iyo garoonada
caalamiga ah ee dayaaradaha waa weyn waa xirnaanayaan, shaqo la,aanta dugsi
la,aanta ammaan la,aanta daryeel la,aanta, dhac, qaxa, iyo badaha oo lagu
dhinto waa soconaysaa.
Anigu cilmul qaybka ma ogi oo ilaah keliya uun baa og.waxaanse ka digayaa
dawlad la;aanta Soomaalida iyo qarnigan kow iyo labaatanaad. Hogaamiyeyaasha
Soomaalida, wax garadka, aqoonyahannada, iyo dhallintaba waxaan ku boorinayaa
in cabsida gaajada iyo sad bursiga, iyo xukun u dagaalankaba la iska dhaafo
oo ilaahay dartii iyo ka naxidda dadkaaga uu qof walba nabadda uga shaqeeyo
lana dhiso dawlad Soomaaliyeed taasoo u roon qofkasta oo Soomaali ah ama ha
yaraado ama ha weynaado. Ka shaqee danta guud tan carrurta Soomaaliyeed ogwna
in la noolaan karo adigoo aan madax ahayn inta yare e ilaahay kuugu talo
galay inaad noolaato kana tag addunka adigoo aan dulminin qofna.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.